Sign in to follow this  
xiinfaniin

Puntland oo la sheegay inaysan ka qaybgalayn shirka bisha soo socota lagu qabanayo Magaalada London

Recommended Posts

Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Kaddib markii dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo 24-tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Garoowe shirar gaar gaar ah ku lahaa ay isku mari waayeen arimo dhowr ah, ayaa waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo sheegaya in Puntland aysan ka qayb geli doonin shirka arimaha Soomaaliya looga hadli doono ee dhowaan la filayo in uu ka dhaco magaalada London.

 

Kulankii ay galabta labada dhinac Garowe ku yeesheen, oo intii uu socdey ahaa mid ay dood kululi haraysay, waxaa qodobada lagu kala boodey kamid ah: ajendaha lala tegayo shirka London iyo maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Arimaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka oo mowqifka ay dowladda Federaalku ka taagan tahay uu ahaa mid cad, waxay Puntland ku adkaysatay in ay waajib tahay in dowladda Federaalku ay taageerto.

 

Dhinaca ajendaha shirka London waxay Puntland soo jeedisey in wax lagu daro, halka ay dowladda Federaalku ku adkeysatay in ajendaha shirku uu yahay mid cad, islamarkaana horay loo go’aamiyey.

 

Qodobka saddexaad ee isna doodda sii xoogeeyey ayaa ahaa, wax-ka-bedel ay Puntland sheegtay in lagu sameeyey Dastuurka, , inkasta oo dhinaca Federaalku ay eeddaas iska fogeeyeen.

 

Warka ku saabsan in Puntland aysan ka qayb geli doonin shirka London ayaa ah mid hordhac ah, mana jiraan ilaa iyo hadda mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo si rasmi ah u shaaciyey.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

xaajidirir@hiraan.com

Puntland,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

ADAXWEYNE CABDIRAXMAAN FAROOLE "Dastuurka Dalka Waxyaabo Badan Ayaa Lagu Daray Qaarna Waa Laga Reebay"

 

 

Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo galabta war-baahinta kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud arrimo badan la iskula meel dhigay.

 

Dr. Faroole ayaa tilmaamay in qodobada la isku afgartay ay kamid yihin soo celinta midnimada dalka iyo dib u heshisiinta; iskaashiga dhanka nabad gelyada iyo sameynta maamul goboleedyada harsan.

 

Isagoo taas ka hadlaya waxaa madaxweynaha Puntland hadaladiisii kamid ahaa: “Wax badan baan isku afgaranay, waxna waa noo dhiman yihiin, haddii aan idiin sheego waxaan isku afgaranay waxaa kamida: in midnimada iyo dib u heshiisiinta soomaaliyeed loo maro nidaamka wada-hadalka”.

 

Dhinaca kale madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu jiro wax-ka-bedel lagu sameeyey dastuurka dalka ee la ansixiyey Agoosto 1, 2012, isagoo ku baaqay in arintaas si deg deg ah looga daba tago.

 

Inkasta oo madaxweyne Faroole uusan cidna si cad farta ugu fiiqin, wuxuu hadana ugu baaqay madaxweynaha Federaalka iyo golaha baarlamaanka in ay arintaas sida ugu dhaqsaha badan fiiro gaar ah ugu yeeshaan.

 

“Dastuurkii lagu saxiixay Nairobi oo ay qaramada midoobey wax ka ogaayeen, waxyaabo badan oo inta la badeley dib looga daray oo aan la aqbali Karin ayaa jira, arintaasna waan soo bandhignay waana laga war heli donaaa” Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

 

Ugu danbeyntii; wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo Puntland kala dhexeeya dowladda Federaalka, haseyeeshee dhinaca kale ay jiraan arimo kale oo ay xuquuq gaar ah u leedaay, taas isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:

 

“Arrimaha caalamiga ah, wax naga dhexeeyaa way jiraan, wax aan weli kala leenahayna way jiraan, anaagu dowlad wayo arag ah oo shan iyo toban jirsatay oo dastuur gaara leh ayaan nahay”.

 

Shalay ayey ahayd markii ugu horeysey ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho kusoo gaaro –tan xilligii la doortay- magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

xaajidirir@hiiraan.com

Puntland, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo aan ka qayb-galayn shirka London

Warar lagu kalsoonaanyahay ayaa sheegaya in Puntland aysan ka qayb galayn shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee 7,May,2013 lagu qabanayo magaalada London ee dalka Britain.

 

Warkan ayaa sheegaya in Madaxweyanaha somaaliya Xasan Shiikh iyo CabdiRaxmaan Maxamed Faroole ay ku kala aragti duwanaadeen labada qodob ee kala ah wadada loo marayo dhismaha Jubaland iyo Shirka London ka dhacaya May.

 

Faahfaahin ku saabsan sababaha Puntland aysan uga qayb galayn shirkan weli ma jirto,balse arrinta shirka London waxay ka mid ahayd waxyaabaha ugu waawayn ee lagaga hadlay shirkii ay Garoowe ku yesheen Madaxweyne xasan Shiikh iyo Madaxweyne C/Raxman Faroole.

 

Dowladda Puntland ee Somaaliya weli kama hadlin arrintan ah inay ka baaqatay Shirka London,balse hore waxaa u qaadacay maamulka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinow waan kuusheegay warkii hore wuxuu iska ahaa dublamaasiyeen laakiin sida dhabta ah Culusow mawixii soo dhawayn sooryeen sharfid iyo cizeen ah si aan innaba caadi ahayn oo aan laqiyaasin ayaa loogu sameeyay oo taasu isaguba waa ogyahay mana inkiri karo Somaali oo dhanna waa aragtay balse markii siyaasada lagaaray ayuu dhariiqday sidiisii kadibna kir baa lagu yiri ee kalab yahow Kaaraan isaga noqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

looool@wadaadkii samirka badnaa

 

waraa oba, kitaabkii constitution ka baa laga taabtay , dheg la qabto ma leh, xassan sheekh is in deep trouble , waa inuu gubaa dastuurka qaldan ee Jawaari loo dhiibay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca ajendaha shirka London waxay Puntland soo jeedisey in wax lagu daro, halka ay dowladda Federaalku ku adkeysatay in ajendaha shirku uu yahay mid cad, islamarkaana horay loo go’aamiyey.

This was the reason why Puntland is not attending , President advised Faroole nothing will be added to the conference , that the federal Gov represent Somalia and the interest of all the regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this