Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Former Prime minister of Somalia, Sharmaarke singals great success for the formation Jubbaland state

Recommended Posts

Kismaayo(RBC Radio) R/wasaarihii hore ee dowladii kumeelgaarka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirka Kismaayo uu guuleysto isla markaane la dhiso maamul goboleed ay ku mideysan yihiin dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dadaalo wax ku ool ah oo lagu dhisayo maamulka Jubaland ay xiligan ka socdaan magaalada Kismaayo,wuxuuna tilmaamay in shirka Kismaayo uu kasoo bixi doono maamul goboleed ay isku waafaqsan yihiin bulshada kasoo jeeda goboladaas,kaasoo hoos tagi doona dowlada deferaalka Soomaaliya.

 

R/wasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa mar kale ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney u hogaansanto rabitaanka shacabka goboladaas, isla markaana ay taageerto shirka maamul u samaynta Jubaland ee xiligan ka socda Kismaayo kaasoo ay dowladu ku tilmaantay mid sharci darro ah.

 

Cumar C/rashiid ayaa ku nuuxnuuxsaday in dadka deegaanka Jubooyinka iyo Gedo ay u baahan yihiin helida maamul dhab ah oo iyaga ka yimaada kaasoo deegaanka ka samata bixiya dhibaatada xiligan ka jirta deegaanka sida uu tilmaamay.

 

Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida weyn ula dhacsan shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka socda magaalada Kismaayo.

 

 

 

 

 

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cumar Cabdirashiid:-Natiijo wax ku ool ah ayaan ka rajeyneynaa shirka''

 

 

Gedoweb Online Gedo on Monday, April 29 @ 07:52:05 EDT

 

 

Wararka (News) Ra'iisal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa rajo badan ka muujiyey in natiijo wax ku ool ah ay ka soo bixi karto shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo.

 

Sharmaake oo kamid ah siyaasiyiinta ka qeybgaleyso shirka ayaa sheegay in marka la fiiriyo sida ay wax u socdaan ay u muuqdaan in shirku ku soo idlaan doono guul iyo natiijo ay ku qanci doonaan dadka deegaanka, isagoo intaas ku daray in uu hadda marayo heer gabagabo ah oo ay tahay in la soo doorto madaxweynihii uu yeelan lahaa maamulka Jubbaland.

 

Dowladda ayuu mar kale ka codsaday in ay oggolaato shirka, islamarkaana kaalinteeda ka qaadato dhismaha maamulka Jubbaland.

 

Siyaasigan ayaa marar badan oo horay cadeeyey mowqifkiisa shirka Kismaayo oo wajahayo caqabado fara badan, iyadoo la sheegayo in la isku heysto musharixiinta beelaha uga qeybgaleyso doorashada.

 

Kulan gaar ah oo muddo toddobaad ah uga socday garoonka Kismaayo 50 madaxda dhaqanka ah ayaa la soo gabagabeeyey Sabtidii, iyadoo la isku raacay in la soo xulo ergada madaxweynaha dooraneyso.

 

C/risaaq Biibaaye

Muqdisho.

 

Gedowebnews@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this