Sign in to follow this  
Macallinka

Kismaayo News: - Latest Kismaayo News

Recommended Posts

Iyadoo muddo 5 bilood ka badan loo fadhiyay shirweyne maamul loogu sameynayo gobolada Jubooyinka(Jubada Hoose, Jubada Dhexe, iyo Jubada Sare(Gedo) ayaa waxaa magaalada Kismaayo gaaray Korneyl Bare Hiiraale oo si qarsoodi ah ku tagay taasoo magaalada Kismaayo ka abuurtay xaalad colaadeed. Haddaba baadhitaan dheer kadib KismaayoNews waxey idiin soo gudbineysaa xog kusaabsan socdaalka Bare iyo arimaha ku xeeran shirka kasocda Kismaayo.

Sidee Bare ku tagay Kismaayo?

 

Inkastoo aysan caddeyn qaabka uu ku tagay Kismaayo haddana wararka ay KismaayoNews heleyso waxaa ugu xoog badan inuu ku tagay doon iyadoo aan la ogeyn dhanka uu ka yimid iney tahay Xamar iyo iney tahay dhanka Kenya. Midkey doontaba ha ahaatee waxaa hubaal ah in Bare uu maanta Kismaayo joogo uuna haysto maleeshiyaad beeshiisa ah oo muddooyinkii danbe kusii qulqulayay Kismaayo iyo qaar badan oo shacab ahaan isaga sii joogey.

 

Waxaa la rumeysan yahay in Raisul Wasaaraha Soomaaliya uu lugweyn ku leeyahay tagitaanka Bare uuna ku bixiyey miisaaniyad badan iney arinkaas hirgasho waxaana warar hoose sheegayaan in Raisul Wasaaruhu uu xiriir toos ah la samaynayo madaxda ciidamada AMISOM. Ciidamada AMISOM ayaa su’aalo weydiinaya Bare kadib markii maamulka KMG ahi ay ka biya diideen kuna gadoodeen imaatinka Bare. Bare Hiiraale oo ahaa hoggaamiye kooxeed muddo ka ariminayay Kismaayo ayaa lagu eedaayaa inuu isagu ka danbeeyey dilkii Xaaji Cabdullaahi Qoraxay waana mid horseedi kareysa colaad cusub iyo dagaal ka qarxa magaalada Kismaayo.

 

Ciidamo badan ayaa kusugan magaalada Kismaayo oo lagu wadaa iney ku biiraan ayna hoos tagaan Korneyl Bare waxeyna saldhigyo dhawr ah kasameysteen goobo kamid ah magaalada Kismaayo oo ku haboon difaaca iyo dagaalka. Marka la yimaaddo xaruntii hore ee warshadda Hilibka oo ay dageen ciidamadii Gedo ka yimid iyo kuwii ku biireyba waxaa jira dhawr guri oo dhaadheer oo ay qoryo saarteen. Guri weyn una dhaxeeya Jaamicadda Kismaayo iyo xarunta madaxtooyada maamulka KMG ah ayaa waxaa dagay ciidan waxaana korkiisa ka muuqda qoryo waaweyn oo lagu dul rakibay guriga iyadoo marka aad agmareyso aad dareeymeyso xaalad dagaal. Waxaa kale oo jira guryo dhawr ah oo sidaasoo kale ay ciidamo dageen qoryana lagu rakibay. Su aalaha la isweydiinayo ayaa ah maxaa keenaya in qoryo guryo lagu dul rakibo? Ciidamada maamulka KMG ahi ma jiro hal guri oo ay qoryo saarteen ama ay difaac ka galeen marka laga reebo xeryaha ciidamada ay ku jiraan.

Bare Hiiraale ayaa la sheegayaa inuu xiriir hoose la leeyahay rag ka titsan maamulka KMG ah oo iyagu is qariya dhinacna isaga kala socda. Masuuliyiintaas ayaa dhawr jeer oo hore lagu helay inay rasaas badan iyo shidaal badan si sharci daro ah uga bixiyeen xeryaha ciidamada. Waxaa kale uu Bare xiriir la leeyahay Muqdisho iyo xarakada Alshabaab oo dhinac ah kalana dhinac ah haddana isku dan ah. Sidoo kale isku dhacyadii ka dhacay magaalada Kismaayo ayna u dambeysey middii xaafadda Guul Wade ayaa lagu soo qabtey hub la waayay oo askartii lahaydna la diley. Ciidamada maamulka KMG ah ayaa aad uga biya diidsan arimaha kasocda Kismaayo gaar ahaan dhaqdhaqaaqa ciidamada kala shakisan ee is horfadhiya. Caddeymo badan oo yaalla Kismaayo kuna arooraya qaar ka tirsan maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaan dhag loo dhigin muddaba isna soo tareysa.

 

Shirka maxaa hortaagan?

 

Shirka ka socda Kismaayo ayaa noday diinkii dhaanka loo diray :D iyadoo kolba uu galayay marxalad adag balse dhamaantood lasoo maareeyey. Xaaladda uu hadda marayo ayaa ah in la kala maro ergooyinkii badnaa ee markii hore galay jaamicadda Kismaayo iyadoo loo xulay Salaadiin soo gudbisa magacyada dadka beelahooda u galaya. Sidoo kale madax xanuunka kale ee shirka haysta ayaa ah musharaxiin badan oo mid walba isagu rabo in looga haro. Dadaalo odayada dhaqanku isku dayeen iney kala reebeen qaarkood ayaan midha dhal noqonin oo ay musharxiinta qaar ka biya diideen. Olole xoog leh ayaa kasocda magaalada Kismaayo oo la xariira ninka raba inuu ku guuleysto iyadoo haweeneyna ay kamidntahay musharaxiinta u taagan qabashada xilka.

 

Dadka iyo waxgaradka ku sugan magaalada Kismaayo ayaa dhinacna ka walbahaarsan colaad iyo dagaal ka qarxa Kismaayo, dhanka kalena ku kalsoon in shirka socda iyo xulidda ergada ay soconeyso maamulkana la sameyndoono. Midkamid ah oday dhaqameedyada ayaa hadal ku soo koobay ” Adeer waxii tagayna waynu ka qoomameyn, waxa soo socdana looma diyaarsano”

 

Xalka Kismaayo

 

Kismaayo xalkeedu waa midka ay odayadu u fadhiyeen muddaba dadkuna ku tashanayaan haddii illaahay ku guuleeyo. Iyadoo ay taasi tahay arin muhiim waqti badan iyo hanti badanna ay ku baxdey haddana waxaa jira carqalado badan oo masiiiri ah ku xeeran madasha shirka. Waxaa muuqata in la abuuray colaad badan oo ka dhan Jubbooyinka oo ku kala yimid dhawr sababood; dawladda dhexe oo ka biya diidsan isla markaana damacsan iney u leexiso qaab gobol, qabaail ku mamay dhul balaarsi iyo damac, iyo ugu danbeyn qabaailo kale oo colaad soo raray una soo wareejiyay Kismaayo. Waxaa muuqata in oohimo badan ay isku dhex jiraan, ayna adag tahay in la kala xulo.

 

Soomaali ayaa tiraahdo ” Kheyr waxba kuma yeelee, Shar u toogga haay” haddii xalkaas la rabo ee gabagabadi ahi hirgalo waa wanaag iyo sidii la rabay waana loo riyaaqi, qofwalba iyo dawladda dhexe way ku qasbanaan iney la shaqeeeyaan. Haddiise ay taasi rakato, waa maxay Qorshaha kale ee diyaarsan, maxaase la isku ogyahay? Su aashan jawaabteeda wax og ma jiro, mana muuqata wax ku fikirsan hadda.

 

Dawladaha caalamka iyo darisku maxay ka qabaan?

 

Iyadoo aysan jirin wax qoraal ah oo la daalacan karo hadda oo arintaas la xariira balse waxaa hubaal ah inay jiraan dano ay leeyihiin dawladaha dariska ah sida Kenya iyo Ethiopia. Waxaa suura gal ah iney ku kala aragti duwan yihiin cidda hoggaanka u qabanaysa Jubaland balse waxaa loo badinayaa iney rabaan maamul goboleed loo sameeyo sadexda Juba. Dawladda Soomaaliya ayaa iyadu ka dhan ah qorshayaashaas iyadoo ku doodeysa in Kismaayo arimaheeda loo daayo dawladda Soomaaliyeed. Colaado iyo nacayb badan ayaa ka abuurmay arimahan oo dadka dibadda iyo dalkuba ka hadlayaan habeen iyo maalinba. Dalka iyo dadku waa Soomaali balse waxaad mooddaa in danuhu kala geynayaan!

 

 

Kismaayonews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kismaayonews has come a long way from its infamous 10 Gedo boys are causing problems and they have been arrested by Madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

The Zack;943392 wrote:
So Gedo boys still think Barre is their savior?

^;)Madoobe vs Bare.. partie deux baad ka baqaysaa miyaa Zack..

 

Ha baqin ;) those days are long gone....

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Yunis :D

 

Oodweyne LOL.

 

 

Are you saying making Jubbaland a reality is like getting a recognition for Somaliland? Bahashu ma saas bey kuula fog tahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Kenya is a friend, ok? Kenya doesn't dictate what happens in Kismayo. I know you know that, I also know you are frustrated with Jubbaland. Your fear can be read on all over the place. You have my assurance the Somali Federal state of Somaliland will not be harmed by the sisterly states of Jubbaland and Puntland. Ha baqin ninyahow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

i don't know how many times i have to tell my caabudwaq HAG friends to not get their hopes on destructive thinking but they keep falling for the same trap over and over again. barre hirale is an individual. he can go to kismayo and come back 100 times. madobe is there and morgan can also visit. what is long gone are they days of anagaa kismayo haysana. the jubaland project is on full speed and we will see the result and who gets elected. if you think HAG pushed agenda will destroy peace in kismayo and give aabudwaaq wing upper hand, i think you are still dreaming. the communities of jubba are moving ahead to establish governance for themselves and are not interested in 90s clan wars.

 

that doesn't mean someone will not start a fight in kismayo. what i can tell you is that whoever starts to disturb peace will be punished badly.the current alliance that controls kismayo are determined to bring back governance. tas aniga iga qora. carurta iyo xasaska yan mesha lagu layn ban idin leyahay taladayda qata.

 

stop this nonsnese niman waweyn ba tihine. shekoyinkan dagal ba dhacaya iyo buunbuninta caabudwaaq naga daya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I would argue the arrival of Barre Hiiraale is a good sign for Jubbaland project, it shows certain holdouts who has a deep seated suspicion about Jubbaland state formation are coming around to accept the reality that is taking place , and wish to be on the right side of history.

 

Internet based news portals will always do their best to dramatize and feed the uninformed like Oodweyne and co, but one knows that the political ground has long shifted in favor of this new state. Our separatists brothers can voice their frustration of others success and repeat the laughable notion that Kenya is occupying Kismayo but that is just another sign of how far the message of federalism reached.

 

If Kenya is occupying Kismayo , then Dhoobley is occupied by Siralyoone, Marka by Uganda, Baydhabo, most of Gedo, and Beledweyne by Ethiopians (non AMISOM), and Mogadishu by Brundi, Rwanda, and Uganda :D

 

So one is advised to lay away this occupation nonsense

 

Barre is welcome. Perhaps the plan is in for having former strongmen (Colonel Jees, General Morgan) of the city to be present for the inauguration of the new president of Jubbaland as a token of reconciliation for all communities. Who in his right mind can oppose that :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

It is just a bad business to have old warlords that rampaged the city with blood for over twenty years to return as nothing happened. This is the problem with Somali clans and their politics. These men deserve no second chance at all whether it is in the parliament, army or their respective 'gobol' or 'local magaalo admin'. They are criminals in the eye of the public and should be dealt as such. However, when you get warlord criminals in the governments or regional heads of states, you can't hold other warlords to a higher standard. You've got indhacade, goobaale, qanyare and qeybdiid. Why not hiiraale or morgan or jees? Where do you draw the line?

 

To me, I don't want them all holding office regardless of clan or region and I hope the new admin in Kismaayo and the odayaal will make the right decision to not allow all previous warlords to have any say over the people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I agree

 

We are not talking about politicians here we are talking about men who all they know is to organize militia and fight for a share in the resource pie. That is what Barre, Morgan and Jees are --a chapter in Somali civil war that is gone and will not (insha Allah) come back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiiin. Dream on . Kenyan admin are telling Ic they need juubland as buffer to stop terrorist crossing border. Somali president told kenyan president that's not accepted we won't tolerat dictation . The battle is between narobi and xamar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne;943406 wrote:
^^No, it just that creating this Jubbaland business has been an eye opener for all of those who thought the "scream" of Somalinimo from certain quarters had a solid structure underneath it..
:D

 

Hence it's no use accusing others of polishing the feat of a warlord while you in turn are - shall we say - are happy to polish the shoes of some "ugali-eating kikuye-boy", and still think that others should take your guff about how Jubbaland is Somali-creating business that seriously..
:D

Can I make a suggestion Oodweyne, English is my second language but you have an archaic style of writing and you LOVE the word "Hence" too much. Anyway, there is a lot of ill will towards Jubaaland and some people prefer it to be the Shabaab infested war zone than a stable state in Somalia, I don't get this aversion to federalism after all the work that was done to form this government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this