Sign in to follow this  
Illyria

Elections in Puntland, 2013/2014

Recommended Posts

Illyria   

I fear Faroole is a bit eratic and he might, just migh reverse the whole thing in the last hour.

xiinfaniin;947024 wrote:
Faroole agreed to principle demands from the opposition : 1) establishment of constitutional court, and 2) inclusive electoral commission.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Considering the level of involvement from IC in guiding these elections, I think Faroole will continue to listen. After all the IC is providing the funds for implementing the democratization process in Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

Tillamook,

Remember the example began in the neighbouring SL with the backing and much thanks to the IC coupled with the admirable dedication of the people. So is the case now in PL. And let us hope in 2016 the rest of Somalia follows suit. It is a tested, winning formula. Give credit where it is due. Avoid falling into the trap secessionist have dug up for themselves in claiming to have thought of and started everything and anything under the sun with the help of no one.

 

PDRC oo shir wadatashi ah u qabatey Ururada Siyaasadda ee Puntland.

Xarunta Hormarinta Cilmibaarista Puntland ee loo yaqaan PDRC ayaa maanta (Talaada) ku casuntey xaruntooda ururada siyaasadda ee Puntland, shirka ayaa lagu sheegay mid ah wadatashi, waxaana ururadu ka arinsanayeen Xeer hoosaadka doorashooyinka goloyaasha deegaanka ee bisha danbe dhici doona.

 

Shirka waxaa ka soo qaybgalay afar urur oo kala ah

 

Horsed,Horcad, Wadajir, UDAD

 

Waxaa ka maqnaa shirka ururada Midnimo iyo PDP. Ururka Midnimo waxa uu ka mid ahaa labo urur oo horey si wadajir ah shuruud ugu xirey ka qaybqaadatashada doorashooyinka goloyaasha deegaanka.

 

Ururka UDAD oo horey u qaadacay doorashooyinka Puntland ayaa hadda ka noqdey arrintaas waxaana ay doonayaan in ay ka qaybqaataan doorashooyinka, Shuruudihii ay ku xireen ayaa Guddoomiyaha ururkaas Siciid Faarax sheegay in qaar kamid ah loo ogolaadey sida in la dhisaayo Maxkamadda Dastuuriga ah iyo in shaqaalaha Doorashada qaybtooda la siin doono, inkasta oo aan la oggolaan shuruudo kale oo badan oo ay horey ugu xireen iyaga iyo ururka MIDNIMO.

 

Ururka PDP ayaa la sheegey in Guddoomiyihiisi iyo kuxigeenkii PDP ay ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo wadatashina halkaas uga maqan yahay, wararka qaar ayaa sheegaya in PDP aysan ku qanacsaneyn sida wax u socdaan, waxaase waxkasta bedalay ururka UDAD oo hadda si toos ah u sheegey in ay doorashada qayb ka yihiin, waxaana dhici karta in arrintaasi saameyn ku yeelato wadatashiga u socda PDP

 

Ururka MIDNIMO ayaa noqonaya mid cidla taagaan haddii ururada kale oo dhan isku raacaan in ay doorashada ka qaybqataan, qaar kamid ah Madaxda Midnimo Party ee Puntland ayaa ku doodaya in doorashadan ururka xukuumadda ee Horsed uu doonayo in uu ku shubto maadaama meesha laga saarey waxkasta oo doorasho xalaal ah ay ku dhici karaysey, taasna aysan qayb ka noqoneyn.

 

Dhanka kale wareegto soo gaartey Horseed Media (Akhri) ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ku sheegay in ay wadaan dhisamaha Maxkmadda dastuuriga ah ee Puntland waxaana la horgeynayaa fadhiga baarlamaanka ee 15 June 2013, laba todobaad ka hor marka loo ballansan yahay doorashooyinka goloyaasha deegaanka.

 

Horseed Media 2013

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

Electoral commission and political organisations, save Midnimo sign a collaboration agreement.

 

TPEC oo la gashay heshiis ururada

 

Xarunta Hayada PDRC ee Garowe ayaa waxa ku kulmay guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland iyo qaar ka mid ah ururada siyaasadda,waxaana shirkan ay TPEC iyo Ururada siyaasaddu ku kala saxeexdeen xeer iyo habdhaqan ku aadan doorashooyinka golayaasha deegaanka.

 

Kulanka waxaa ka qayb galay ururada kala ah Horseed,UDAD,Wadajir, iyo Horcad,halka aysan shirkan imaan ururka Midnimo oo hore u qaadacday doorashoyinka deegaanka iyo Ururka PDP aan la shaacin sababta uu u uga maqnaa kulankan.

 

Ugu horayn kulanka waxaa ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Maxamad Xasan Barre wuxuuna sheegay in xeerka maanta lagu hishiiyey uu yahay midkii loogu talo galay inay ku wada shaqeeyaan ururadda siyaasada iyo guddiga doorashooyinka.

 

''Xeerkan wuxuu ka turjumayaa wada shaqaynta ka dhaxayn doonta ururada siyaasadeed,guddiga doorashooyinka iyo Dowlada Puntland si loo heli doorasho xalaal ah oo cadaalad ah sidaasi daraadeed heshiiskaan aan kala saxiixanay oo aan ku rajo waynahay in la xurmeeyo”ayuu yiri Barre.

 

Madaxda ururada siyaasada ee joogay shirkan ayaa hadlay,waxayna soo dhaweyeen xeerka ay kula hishiyiin guddiga doorashooyinka Puntland.

 

Gudoomiyaha ururka UDAD Siciid Faarax Sanwayne oo hadlay ayaa sheegay in kusoo noqoshada ururkiisa ee ka qayb galka doorashada dowladaha inay sababtay hirgalinta iyo aqbalada qodobo ay soo jeediyeen oo ay ka mid ahayd in la sameeyo maxkamadda Dastuuriga.

 

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UDAD ayaa sidoo kale sheegay in xeerkani saldhig u yahay in si cadaalad ah u dhacdo doorashooyinka deegaanka.

 

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Horcad Cumar Ismaaciil Waabari ayaa isna sheegay in shirkaan uu socday mudo 3-maalmood ah gabo gabadiisiina ay heshiis ku wada gaareen ururada iyo TPEC,wuxuuna sheegay in intuu socday looga doodayay xeerkan iyo samaynta guddi madax banaan oo sii hubinaya habka doorashada ay u dhacso.

 

3o June,2013 ayaa la qorsheeyay inay dhacdo doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland oo markii ugu horaysay ay ku tartamayaan Ururo doonaya inay u soo u gudubaan doorashada Baarlamaanka iyo madaxtooyada oo ay ka qayb gali doonaan saddexda Urur ee ugu kuraas bata doorashoyinka degaanka.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada Galdogob oo laga soo dhoweyay ururka Horseed

 

Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa dadweynaha ku dhaqani waxay soo dhoweeyeen urur siyaasadeedka Horseed ee talada Puntland haatan haya ,waxana la qabtey kulamo lagu taageerayo ururka.

 

Gudoomiyaha degmada Galgodob Cabdulaahi Siciid Cismaan Kaytoon ayaa Radio Garowe u sheegey in kulamada ay yeelanayeen taageerayaasha ururka Horseed yihiin kuwo lagu dardargalinayo sidii dadka loogu wacyi galin lahaa doorashada dowladaha hoose Puntland ee la filayo 30-ka June ,2013.

 

''Dadku waxay ku jiraan diyaargarow sidii ugu codeyn lahaayeen ururka Horseed maadaama ay soo dhowaatey doorashadii golaha deegaanka,maalmihii la soo dhaafay waxaa la qabtay kulamo lagu taageerayo ururka'' ayuu yiri gudoomiyuhu.

 

Degmada ayuu raacshay inay isku diyaariyeen qaybaha kala duwan ee ku dhaqan doorashada golayaasha degmooyinka Puntland oo markii ugu horeysey la filayo inay ka dhacaan Puntland.

 

Gobollada kala duwan ee Puntland ayaa urur siyaasadeedka Horseed ka wadaa ololihiisa doorasho ee ku doonayo hanashada kalsoonida shacabka doorashooyinka dhacaya dhamaadka June ,2013.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad ay soo abaabuleen kooxo kasoo horjeeda Hanaanka Dimoqoraadiyeynta Puntland oo ka dhacay Bosaso

 

mudaharaadka-Bosaso.jpg

 

 

Bosaso– 10 May, 2013– Pi- Ciidamada amaanka ee Magaalada Bosaso ayaa ku amray dad dhalinyaro iyo caruur ahaa oo isugusoo baxay Wadooyinka kuwasoo Mudaharaad aan Laamaha amaanka la ogaysiin isugusoo baxay Wadooyinka, Sida ay Wararka ku heleen Howlwadeenada Puntlandi waxaa Mudaharaadka soo abaabuley Kooxo kasoo horjeeda Hanaanka Dimoqoraadiyada Puntland, kooxdaas oo rabo qaabkii qabiilka in dib loogu noqdo iyagoo qiil ka dhiganaayo hadalkii Cadde muuse uu shalay ka yiri magaalada Qardho

 

Howlwadeenada Puntlandi oo teleefoon kula hadley sargaal ka tirsan Ciidanka amaanka Bosaso wuxuu Yiri “Mudaharaadku wuxuu mid aan cidna lagu wargalin, Ciidankuna waxay isku dayeen iney la hadlaan Abaabulayaasha Mudaharaadka balse nooma suura galin inaan helno cid aan la hadalno oo Masuul ah, waxaan kaliya oo aan aragney Caruur iyo dhalinyaro Boorar losoo dhiibey oo wadooyinka khalkhal galinaya,”

 

Mara aan Wax ka waydiiney Cida Mudaharaadka soo abaabushey wuxuu Yiri “Waan la soconaa Cida ka dambeysaa inkastoo ay wanaagsaneyd in nalakusoo war galiyo si aan amaanka shacabka Magaalada iyo Mudahaaradayaashaba u sugno, lakiin ma dhicin taasi hadaysan taasina dhicin Mudaharaad ma ahan oo waa sharciga oo lagu tumanayo iyo amaanka oo khalkhal la galinayo.”

 

Wadooyinka uu isasoo buxu ka dhacay oo ahaa Xaafada Laanta Hawada ayaa gabi ahaanba ganacsatadu xirtey macayshadoodii sababo amaan awgeed.

 

Kooxda soo abaabushey Mudaharaadka ayaa ka faa’iideysanaya Madaxweynihii hore ee Dowlada Puntland Mudane Cade Muuse oo shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtey Magaalada Qardho uu ku sheegey in uu shaki ka qabo sida ay Domoqoraadiyada Puntland uga hirgali karto, isagoo Xukuumadana ugu baaqay in Doorashada soo socota lagu galo habkii hore ee Baarlamaanku dooran jirey Madaxweynaha, dibna loo dhigo hanaanka Xisbiyada.

 

Wixii soo kordha warkaan kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com

Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

So they've decided to recruit IDPs when the locals turned their backs. It might benefit the local economy as a downward circulation of dough from the corrupt elites to the poor IDPs begins. Trickle, but a good one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^:D :D

 

This is a new low for the naysayers ---I expected a little more decorum than this. And in light of International London Conference on Somalia's endorsement of Puntland elections in June, the timing of this protest reeks with desperation as one observes

Share this post


Link to post
Share on other sites

These folks, not the ones demonstrating but the ones who put them up to it, should join the parties that have registered to take part in gthe coming elections and make their case in front of the people!

 

Whatever you may think of Faroole, he was intelligent to say, "ninkii aniga rabo inuu meesha iga saaro tartan ha ila galo!":D

 

Love it or loathe it, the only way Faroole will be removed is through the ballot.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Ilyria and Xiinfaniin, where does it state these demonstraters where IDP's?

 

Even the former President spoke out against these elections, calling it a charade Faroole is orchestrating. So why assume that locals dont share these vieuws.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this