Sign in to follow this  
Khadafi

Djiboutian-Somali nationalist dies.. RIP

Recommended Posts

Khadafi   

I have read a qouple of books, I dont agree with some points but we truly a gem amongst somali nationalists!

Alle ha u naxariisto. Seems that good old men that rised up against the cadaan are dying these days... I hope their legeacy is enriched in the younger somali generation.. All of the SYL-youth are dead.. and now other ones are dying..

 

 

 

 

raabi.jpg

 

TACSI: TAARIIKH NOLOLEEDKII DR. CUMAR CISMAAN RAABI

INNA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. GEERIDU WAA XAQ.

 

Waxaa maalintii shalay oo ay taariikhdu ahayd Arbaco April 17, 2013 magaalada Qaahira, ee Dalka Masar ku geeriyooday Dr. Cumar Axmed Malow oo ku magac dheeraa Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.

 

Dr. Cumar Cusmaan Raabeh waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, halgamaa ah, oo had iyo goorba u taagnaa midnimada Soomaaliyeed, Dr. Raabeh wuxuu ahaa qoraa ummadda wacyi geliya, barbaariye iyo bare umadda bara sooyaalkeeda taariikheed- isla markaana- uga diga oo ka wacyi geliya khatarta ku soo food leh umadda mustaqbalka dhow.

 

 

Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Eheladiisa iyo dhamaan ummad weynta Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan haka siiyo.

 

Mohamed Haji

Qaahira, Masar

 

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida Dr. Raabi

 

TAARIIKH NOLOLEEDKII DR. CUMAR CISMAAN RAABI

 

 

 

Dr. Raabi Waxa Uu Ahaa Halyeey, Soomaali Oo dhan ka baxay. Dr. Cumar Cusmaan Raabi wuxuu ku dhashay magaalada Djibouti sannadku markuu ahaa 1946kii.Wuxuuna waxbarashadiisa ku dhamaystay magaalada Jabuuti waqtiyadii Gumeysiga Farinsiisku ka talinayey.

 

Wuxuu ka mid noqday dhallinyaradii u adkeysan weyday hagardaamadii gumeysigu ku hayey ummadda Soomaaliyeed ee ku noolayd Xeebta Soomaaliyeed ee farnasiisku gumeysanayey. Wuxuu ku biiray jabhadii ururkii u dagaalamayey xoraynta Djibouti oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cismaan Hufane, Cumar Shardi Buuni, Xaashi Cabdillaahi Orax, Aadan Rooble Cawaale, Xumar Cilmi Khayre iyo qaar kale oo badan oo aan la soo koobi karin. Waxa la odhan karaa waa ninka ugu caansan dadkii u soo dagaalamay xurriyada Djibouti, halgankana bilaabay isagoo aad u dhalin yar.

 

Dr. Raabi iyo dhallintii halganka kula jirtay, waxay aad uga soo horjeysteen Digoolkii Faransiiska iyo qorshayaashii la rabay Djibouti in laga bedelo magaca Soomaaliyeed ee ahaa ” Dhulka Soomaaliyeed ee Faransiisku gumaysto.”( French Soomaliland). 1968 Dr. Cumer iyo laba dhalinyarda gobanimo-doonka ka mid ahaa ayaa la qabtay oo xabsiga la taxaabay, laguna eedeeyey in ay ka dambeeyeen isku day lagu dilyey Cali Caarif Burhaan oo ahaa Raiisul Wasaarihii Djibouti. Saddexdoodaba maxakamad la geeyey waxa ay ku xukuntay laba ka mid ah xabsi daayim Dr. Raabina Dil. hase yeeshee markii dambe Jeneraal Digool ayaa ugu badalay Xabsi daayim ,waxana loo qaaday jeel ku yaalay Jasiiradaha Faransiiska.

 

Dr Raabi todoba sanadood ayuu ku jiray jeelkaas, waxaanu Jeelkaas ka soo baxay markii rag ka mid ah jabhadii xoraynta Djibouti ay Muqdisho ku afduubeen Safiirkii Faransiisk iyagoo ummadda adduunka ogeysiinaya qiimaha uu ugu fadhiyo naftii huraha Dr. Cumar, natiijadeedii waxay noqotay iyagoo gacan walaaltanimo oo aan la soo koobi karin ka helay madaxdii Dawladii Soomaaliyeed, taasina ay ku qasabtay Dawladii cunsiriyada ahayd ee Faransiiska in Dr.Raabi iyo Safiirkoodii la isku waydaarsado dalka Yemen.

 

Dr. Raabi intii uu jeelka ku jiray waxa uu diyaariyey shahaadada PHD oo filasoof ah. Dr Raabi Allah ha u naxariistee wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo caqiido wanaagsan oo diineed lahaa, nin aad ugu ada-adag Soomaalinimada islamarkaana aad u daneeya jiritaanka iyo difaaca qaranimada ummadda Soomaaliyeed. Marnaba kama daalin, kamana hadhin gudaha iyo dibeddaba intii uu ku noolaa, waxba iskama bedelin mawqifkiisa uu ku raadinayey SOOMAALI xor ah oo nabad ah. 1989 kii markii uu qoray buugga yar ee uu ugu magic daray “SOOMAALIYEEY HALKEEBAAD KU SOCTAA” wuxuu saadaaliyey Ilaahayna u aqbalay sawir cad oo uu ku muujiyey DHULBALLAARSIGA ABISIINIYA & HALKA UGU DAMBEYN AY KU SOCOTO” (eeg page 2&3) Dalka hadii uu joogo iyo intii uu qurbaha joogayba , marna kama daalin ururinta dadka Somaaliyeed iyo soo celinta jiritaankooda. waxa uu qoray dhawr buug oo qaarkood libareeriyada adduunka yaalaan waxa ka mid ah:

 

1-Le cercle et spirale oo la daabacay 1984.

2-La Somalie oo la daabacay1989.

3- Le etat e la Pan Somalism.

4- Somalia: The psychology of the nomad , oo la daabacay 1983.

5- The Somali Nation, Historical consideration and issues. oo la daabacay 1985.

6- Republic of Djibouti or spare tire of Ethiopia. oo la daabacay 1985.

 

Mudadii yarayd ee uu Ottawa degenaa wuxuu ka hirgaliyey urur ka shaqeeya midnimada ummadda Soomaaliyeed, wuxuu kaloo dhidibada u aasay Iskuulka Ibna Batuuta oo maanta ardaydii bilowday ay ku jiraan Dugsiyada sare. Ilaahayna waxaan uga baryeynaa inuu uga dhigo SADAQATUL JAARIYA. Dr. Cumar, waa nin taariikhda ummadda Soomaaliyeed kaga jira baal dahab ah, oon adduunkan ugu talo gelin in lagu qiimeeyo, hasayeeshee u keydsaday in uu Allaah (SWT) ka abaal mariyo maalinta la baahan yahay.

 

Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xaasakayga, ka dhammaan reer Xuseen Hadi oo dhan iyo inta qawmiyadda Soomaalinimada leh, waxaan tacsi u dirayaa Qoyska reer Cumar iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, geeridaas ku timid walaalkay Dr. Cumar Cusmaan Raabi. Waxaana aan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu naxariistiisa ku janno geliyo, qabrigana uu uga dhigo Rawda min riyaadul Janna, dambiyadiisii oo dhanna uu ka cafiyo, xasanaadkiisii oo dhan uu ugu daro miisaankiisa. Aamiin.

 

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida Dr. Raabi

 

Mohamed Hussein Hadi

Ottawa Canada

 

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

The guy mostly wrote in French philo... But you can find his articles on various somaliwebsites try doing a search on Google.

 

He was a hard core somali nationalistt, he disscted the clan rivavlry in the horn ( but his weakest point (that I dont agree with) was his twitty answer by blaiming everthing on Ethiopia.

 

Was suprised when I read that he was actually from Djibaouti. Acording to the orbituray he played a role in the struggle against the French so RIP for the halyeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this