Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President addresses Somaliland community in the United Kingdom

Recommended Posts

Waftigii Madaxwayne Siilaanyo oo la Kulmay Jaaliyadda Somaliland ee UK iyo Munaasabadii oo si toos ah uga Socota Mermaid Center

 

La soco Goor dhaw Warbixinta iyo Sawiradda Xafladaasi oo hadda si toos usocota...............

20130419080242.jpg

London (GNS)- Waftigii Maxadaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa la kulamay Jaaliyadda Somaliland ee Dalka UK, Munaasabad si heersare ah loo soo Agaasimay oo hadda ka socota Hoolka Xafladaha ee Mermaid Center ee magaalada London ayaa ku Bilaabantahay jawi Fiican.

8664110338_a511ffbdf4.jpg

La soco Goor dhaw Warbixinta iyo Sawiradda Xafladaasi oo hadda si toos usocota iyo madaxwaynaha iyo Waftigiisa oo Jaaliyadda uga warami doona Xaalada Dalka halka ay marayso iyo ujeedada socdaalkooda.

8664110070_caa29eeff7.jpg

Filo goor dhaw sawirro iyo warbixinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO MAD-MADOWGA KASAARAY KA QAYB GALKA SHIRKA SOOMAALIYA LOOGU QABANAYO MAGAALADA LONDON.

London (GGN ) Madaxweynaha Somaliland Md axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) Oo Caawa Si Toos ah Ula Hadlayay Jaaliyadda Somaliland Ee Kunool Dalka Boqortooda Ingriiska Ayaa Mad-Madowga Kasaaray Shirka Loogu Qabanayo Somalia Magaalada London,

 

Madaxweynaha Somaliland Ayaa Wuxuu Sheegay Inaan Somaliland Iyo Somalia Isku Mid Ahayn Sidookale Haba-yaraatee Aan Shirkaa Meeli Uga Banaaneyn.

 

Wasaarad kamid ah Wasaaradda Dalkan Ingriiska ayaanu Ku Kulanay Dalka Itoobiya Waanu U Cadaynay Mow qofka Somaliland Ee Shirka London,Halkan Ingriiska Markaaanu Nimina Waxaan la Kulmay PM Dalkan Britain David Camaroon Waxaanna Usheegnay Shirkaasi Inuu Somalia Khuseeyo Somaliland-na aanay Ahayn Somalia” Ayuu Yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Mxaamuud (Siilaanyo) Oo La hadlayay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Ingriiska, Madaxweynaha Oo Hadalkiisii Sii Watana Waxa Uu Yidhi.. Anaga Horumarka Somalia Xaasid Kuma Nihin Wixii Caalamku Utarayo Waanu Soo Dhaweynaynaa Ayuu Yidhi Madaxweynaha Somaliland,

 

Sikastaba Ha Ahaatee Maalmihii Ugu Danbeeyey Ayaa Shacbiga Somaliland Dareeno Kala Duwan Ka Bixinayeen Shirka Somalia Loogu Qabanayo Dalkan Ingriiska Kadib Markii Raysal Wasaare David Camaroon Uu Xafiis Kiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland Uuna Ka Codsaday Inuu Kasoo Qayb Galay Shirka Bisha May Somalia Loogu Qaban doono Magaaladan London.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Thanks for the live link Xaaji...The president spoke like elder statesman.Since the belly had no Ears I suspected it was hard for the president to argue with the belly but tonight the president took stand against British policy of enticing Somaliland with aid..it is a risky position the president is taking but the country has to come first the belly later..I have felt the anger running through my soul when your foreign minister hinted attending the meeting of Somalia, but I misread and I'm sorry for the tone...I have cursed your name a thousand times, but I must say I was wrong for assuming you will board the train that is picking passengers from coast to coast in Somalia....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Excellent news, if Somaliland holds to this position till the Conference is past.

 

I have a feeling there will be lots of wailing&lamentations this weekend in certain corners of this Forum. "Damn Somaliland, its demise told by certain 'crystal balls' proves to be a children's tale! Damn that Somaliland!" ;);)

 

Xaaji, thanks for keeping us updated...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaalliyadda Somaliland ee UK oo Munaasabad Balaadhan ku soo Dhaweeyay Madaxwaynaha Somaliland iyo Masuuliyiintii Waftiga oo Khudbado kala duwan ka jeediyay Madasha.

 

Waftiga Madaxwaynaha oo ay Wehelinayaan Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah

 

London (GNS)- Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Caawa ka Qayb galay Munaasabad Balaadhan oo ay ku Maamuuseen Jaalliyadda Somaliland ee Wadanka UK.

 

Waftiga Madaxwaynaha oo ay Wehelinayaan Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C.raxmaan Cirro, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, sidoo kale waxaa Madasha ku Sugnaa oo Barnaamijka Qayb libaax ka ahaa Fanaantii Reer Somaliland ee ay ka midka ahaayeen Nuur Daalacay, Nicmo yaasiin, Fu,aad Cumar yare, Cabdi Qaboojiye iyo Fanaaniin kale oo tiro badan, sidoo kale waxaa aan ka maqnayn Abwaanadda iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan oo si hufan uga soo qayb galay madashaasi.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C.raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Somaliland manta ay u baahantahay Midnimo qaran, isaga oo sheegay in Tartan jiro laakiin Qadiyadda Somaliland ay ka wada midaysanyihiin.

 

C/raxmaan Cirro waxa kale oo uu ka hadlay Shirkii ay kaga qayb galeen Dalka Turkey-ga ee laga hadlay Wadahadalada Somaliland iyo somaliya oo uu sheegay in guul wayn kala soo noqdeen isla markaana uu sheegay in uu ahaa sahan fure u ah Guusha Somaliland.

 

Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Yoonis Cawaale oo oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shacabka Reer Somaliland uga Danbeeyaan xukuumadda Tallada Dalka isaga oo sheegay in ay muhiim u tahay midnimadu qadiyada Somaliland, si ay Somaliland u hesho ictiraaf caalami ah.

 

Maxamuud yoonis waxa uu shacabka ugu baaqay in ay madaxwaynaha ixtiraamaan oo ay maamuusaan sida bulshada kale ee caalamka isaga oo tusaale u soo qaatay nelson Mandela, waxa kale oo uu amaan usoo jeediyay madaxwaynaha isaga oo xusay in la taageero oo laga daayo dacaayada iyo cambaaraynta joogtada ah.

 

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulanka Jaaliyadda UK ay la qaadanayaan yahay Mid taariikhi ah isaga oo sheegay in Seddex sanadood u dhamaadeen Xukuumadda Somaliland isla markaana waxyaabo badan u qabsoomeen intii ay taladda dalka hayeen.

 

Wasiirka Khaarajigu waxa uu ka warmaay safarada Madaxwayne siilaanyo oo uu ku Tilmaamay kuwo Guulwayn usoo hooyay Somaliland waxaanu xusay safaradoo uu ku tagay dalalka imaaraadka Carabta iyo kii Dalka Turkey-ga ee ka horeeyay kan wada hadalada ay ka soo baxeen Qodobo Somaliland Dani ugu jirto.

 

Wasiir Maxamed C/laahi Waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne siilaanyo Haykalka Dawladnimada Somaliland gaadhsiiyay meel wanaagsan isaga oo sheegay in kulankii uu la yeeshay ra,iisal wasaaraha Dalka ingiriisku ahaa mid muhiim ah oo faa,iido u leh Somaliland, waxa kale oo uu ka Warbixiyay Guulaha Somaliland ka gaadhay horumarka Dhinacyada Arimaha Dibadda oo uu sheegay in ay jeexeen Aragtiyo Cusub oo uu sheegay in ay dedejin karaan himilada ka midho dhalinta Qadiyada Qarankani leeyahay.

 

Dr.Maxamed C/laahi Cumar Waxa kale oo uu sheegay in Siyaasadda Somaliland ay gaadhsiiyeen Meelo badan oo aanay hore u gaadhin isla markaana lagaga hadlo Saaxadaha siyaasada caalamka isaga oo xusay in ay mareen Dariiqyo cusub oo lagu baadi goobayo ka midho dhalinta ictiraafka Somaliland, isaga oo ku dheeraaday in arimaha Somaliland iyo somaliya ay markii hore isku qasnaayeen isla markaana hal fayl ku wada jireen balse ay kala soo baxeen filekaasi isla markaana dusha kaga qoreen magaca Somaliland isaga oo intaasi ku daray in ay si madax banaan caalamku ula dhaqmo.

 

Dr.Maxamed Waxa kale oo Carrabka ku dhuftay in ay meesha ka baxday Cabsidii caalamku ka qabay Maalgashiga Somaliland isla markaana ay dalka yimaadeen shirkaddo shisheeye maalgalin ka samayn doonaan, qaarkoodna sahamin dhinaca shidaalka ah ka wadaan Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in Mucaawinooyinkii iyo Deeqihii Somaliland la siin jiray kordheen isla markaana Somaliland si toos ah loo siiyo.

 

Dr.Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayay shirka London waxa uu sheegay in Somaliland shirarka ay ka qayb gashaa ay yihiin shirarka lagaga hadlayo maslaxadeeda, “shirkan markaanu eegnay qaab loo maamulayo waxaanu garanay in uu yahay shir khaas u ah somaliya, kaasi oo aan khusaynin Somaliland, laakiin aanu urajaynayno in uu guulaysto, Somaliya heshiis ayaa na dhex maray, waxaanay ka mid tahay heshiisyada aanu la galno dalalka kale ee Aduunka, waananu soo dhawaynaynaa in aanu dhawrno wixii na dhex maray” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibaddu.

 

Madaxwaynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad dheer u jeediyay jaaliyadda Somaliland ayaa ku dheeraaday mahadnaq uu u jeediyay jaaliyadda somaliland waxaanu yidhi “Dadwayanaha halkan iskugu yimi ee sida qiimaha leh noo soo dhaweeyay aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinayaa sida aad noo soo dhawayseen, waxay tani itusaysaa sida aad u danaynaysaa arimaha qaranka iyo Somaliland aayeheeda danbe iyo shirarkii aanu ka qayb galnay Dalka Turkeyga wixii ka soo kordhay inaad ogaataan” ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

 

Madaxwayne Siilaanyo Waxa uu ka Warbixiyay Dhibaatooyinkii iyo halgankii Qaranka Somaliland loo soo galay isaga oo Tibaaxay in Xamaasadii jibadii Somali jacalkii barigaa jirtay in dadka afsomaliga ku hadla la isku keeno ayaa keentay in Qadiyada Somaliland la lumiyo, Waxaanauy Xusay in Wakhtigu si xawliya isku badalay isla markaana dhibaatooyin laxaadleh loo soo maray in dib loola soo noqdo Xoriyadda.

 

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Dunidu si Fiican ula macaamisho iyada oo aan ku xidhaynin somaliya inteeda kale, dadka somalilandna yihiin dad ku adag madax banaanidooda in ay ilaashadaan, waxa kale oo uu sheegay in aanay Somaliland mar qudha Waxba ka badalin Mawqifkeeda Madax banaanida, shirarkii ay ka qayb gashayna Faa,iidooyin kala duwan u lahaayeen Qaranka/

 

Mar uu ka hadlayay kulankii dhex maray isaga Ra,iisal wasaaraha Dalka ingiriiska waxa uu yidhi “Manta markii halkan la iskugu yimi dawlada ingiriiska oo cilaaqaad dheer aanu leenahay, mucaawano badan ku qabno, saaxiibtinimo dheer aanu leenahay waxaa jirtay in ay qodobkaa jeclaysteen, in sidaa si ka duwan ay noqoto, halkan waxay u qabteen shir somaliya kaasi oo uu qayb ka gudoominayo madaxwaynaha somaliya, waxaanu nidhi shirkaasi annaga nama khuseeyo, xaasidi mayno” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Mintid, I think the president was clear in his position tonight..I listened to the whole speech and I gave him 10 out of 10 for delivery and substance...I am usually a bit distance from Somaliland politics , but this one had me in rage... This will have depleted the proximal goal of the last few decades..I wish nothing but success to Somalia, but Somaliland is on a different course..SomLia unity is a novel idea, but Somaliland goals are irresistable.Somaliland is wringing pleasure out of two decades of peace and stability and it will be a step back in boarding midnight train to Mogadishu....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this