Sign in to follow this  
Shiish

Collection of Cigaal Shidaad Stories

Recommended Posts

Shiish   

I guess that dude must be one of top Somali-Comedians. If any of you know one or two of his funny stories, feel free to add this thread. Let me start mine.

 

Cigaal Shidaad oo qurigiisa iska jooga iskana bashaalaya shaahna iska cabaya Waxaa hortiisa ku ciyaarayay wiil yar 2 sano jir ah oo uu dhalay. Wiilkii baa farxad daradeed kusoo cararay aabihiis. Cigaal markuu arkay wiilkii oo soo guurguuranaya intuu qeyliyay xaaskiisana ku yiri naa ragga la iskuma sii daayee wiilka iga qabo.

 

_________________________

 

i jiid ama aan ku jiido

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shiish   

War aaway Cigaal shidaad fans!

Mise sheekoyinkaas waxba kama heysaan. Bal anigaa soo raadin doono kuwo kale.!

 

________________

 

'i jiid ama aan ku jiido'

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cigaal Shidaad oo qurigiisa iska jooga iskana bashaalaya shaahna iska cabaya Waxaa hortiisa ku ciyaarayay wiil yar 2 sano jir ah oo uu dhalay. Wiilkii baa farxad daradeed kusoo cararay aabihiis. Cigaal markuu arkay wiilkii oo soo guurguuranaya intuu qeyliyay xaaskiisana ku yiri naa ragga la iskuma sii daayee wiilka iga qabo..

war sxb, aad iyo aad baan uga helay sheekadaa walaahi. si fiican baan u qoslay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaam dhammaantiin. Ma Cigaal Shidaad sheekooyinkiisa ayaad u bogteen? Dee annaa qaar qosol miidhan leh idiin hayee shaaha soo dhaweysta.

 

1). Cigaal Shidaad habbeen isagoo guureynaya ayaa geed ka soo hor baxay. Wuxuu u qaatay libaax marka habbeenkaas oo leyl ayuu hor taagnaa. Markuu waagii baryay ayuu yidhi geed yahow waxan ku mooday, mise waxad noqotay. Waxaan ku mooday libaax waxaad noqotayna geed. Alleylehee guuro habbeennimo baa loo noqon doonin.

 

2). Sheekaddan labaadna waxay ku saabsan tahay Cigaal Shidaad iyo nimankii uu colka la ahaa.

Habbeen habbeenadda kamid ah ayaa niman ay col yihiin raadinayay Cigaal. Naagtiisa wuxu ku yidhi raran ama darin (waa habka sidaad u taqaan) igu duub caano garoor darintana korkeeda ku daadi. Diqsi badan baa ciirta soo raacaya ma ogtahay. Kabacdii wuxu yidhi igu kor ooy qof yahay oo dheh Cigaal Shidaadow col hortiiba jabay!! Colkii baa yimiday oo Cigaal away yidhi. Ma ay u jawaabin. Intuu is celin waayay ayuu yidhi naa shalay buu dhintay dheh!! Nimankii intay qosol la dhaceen ayey yidhaahdeen iska soo bax waryaa cidna wax ku yeelli mayse. Hahahaaaaaa bal heer uu fuulaynimo ka gaaray daya. Fiq Fiq Fiq *illintaa iga daadanaysa*

 

Maanta kadib sheekooyin kale baa inoo ballan ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Colkii baa yimiday oo Cigaal away yidhi. Ma ay u jawaabin. Intuu is celin waayay ayuu yidhi naa shalay buu dhintay dheh!!

 

loooooooooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Mid kalena waatan

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa israacay Cigaal shidaad iyo rag kale oo ay isku reer ahaayeen si ay u duullaan tagaan. Markii gabalku dhacay, ayuu raggu wada seexdey, saqda dhaxe habeenkii ayaa ragga qaarkiis inta keceen libaax soo dileen. Markaaseey maqadaxa inta kasoo gooyeen soona takhraareen, cigaal shidaad oo iska jiifa lugta oogu xireen, oo hadana isaga tageen isagoo jiif ku jira. markuu subaxnimadii indhaha kala qaadey ayuu un mar keliya isha la heley libaax madaxiis oo afka kusoo taagaaya. Markaasuu inta sasay, si xawli ah u cararey waddadana cag u saaray. Fulleeytinimo darteed ayuu cigaal shidaad isugu xaareey, markii uu gurigiisa tagayna wuxuu la kulmey albaabkii guriga oo owdan.... Inta qeyliyey ayuu xaaskiisa ku yiri : Naa ooda iga rog, daruur quruntey baa igu soo da'daye. lol wey ka yara daahdeen kadibna oodiiba wuu ka dul boodey, markaasuu yiri: Naa iska joog aniga kaa fudude lool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haaruun   

NIce--nice jamal..LOL @ daruur qudhuntey baa igu soo da dee...

 

Tan kalena fiiri... Reerka meel u dhow ayuu ariga ku eegaayey..arigii baa wax maqley oo iska didey(ordey), xagii cigaal buunu arigii usoo ordey...Ninkii cigaal ee ariga dhan ilaalinaayey ayaa arkey arigii ool oo xagiisa u soo ordaya markaasuu isna hor ordey....ninkii cigaal oo ordaaya oo arigiina daba ordaayo ayaa reerkii isla soo galay,

dumarkii iyo dadkii ayaa weydiiyey war cigaal maxaa dhacey ood ka ordeysaa, wuxuu

yiri boqolaalkaas madaxa madow lihi(ariga) waxey ka ordayaan baan ana ka ordayaa.

 

Nuune, Mr president, fuad...hope u guys liked it....I hope Jamal knows more ... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

loooooooooool boqolkaas madaxa madow

 

Quotes of cigaal shidaad

 

"abkeey baahala saciidow, wallee waa bahal san dheer, sankuu muluq muluq kasiin." lol his is talking about jiir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Yes Nomad I have another one.....infact I have a full version of the above story......

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cigaal loo yeedhay si uu uga qaybqaato duulimaad lagu duulayo cadow.

Fardihii iyo raggiiba waa la diyaariyey, dabadeedna waa la duulay. Markii Labadii col isgaleen aynu Cigaal soo dusay oo uu ku soo noqday dumarkii iyo caruurtii oo dhaawac iyo dhimashoba sugaya. Waxay weydiiyeen Cigaal waxa kaligii soo celiyey, waxaanu usheegay in raggii iyo fardiiba la madhiyey.

Dumarkii way baroorteen, Carruurtiina way ooyeen.

Fiidkii ayaa waxa soo noqday ciidankii iyo fardihii oo aan waxba ka maqnayn.

Dabadeed markii ay arkeen dumarkii iyo carruurtiiba inaan waxba lagadillin dadkoodii, waxay ku qayliyeen oo caayeen Cigaal oo meel isku nabaya.

Bari baa cigaal geel raacay, ku jiraan labba halaad uu leeyahay. Markuu daaqii gaadhay ayuu meel kayn ah oo cagaran ku duwey, si caanno badan uu uga maalo halihiisa caawa. Isla markay gaadheen halihi aydii ayaa libaax labadiiba dillay oo cunnay asagoo arkaya.

Geeliibuu galabtii soo caraabiyey, asagoo uugu heesaya:

"Wixii Ayro dilay, Alifna kor dhigey, waan arkaayoo wuu ilgiiraa, dameer leekaa, kase dabo weynaa".

 

Marku soo xereeyey geelii ayuu ku yidhi walaalkii halahayga maaloo kuwaaga caawa ii lis.Wuu u lisey, markuu cabeyna wuu iska seexday.

Walaalkii ayaa isyidhi halihii cigaal maal, wuuse waayey.

Cigaal ayuu soo toosiyey. Ciyaalkii geela la jiray, ayaa sheegay wuxu ku heesayey, markuu geela soo caraabinayey. Waxa la yidhi cigaalow nasoo tus meeshii halihii lagu cunney.

"Hadii kun dhinac welba iga maraan, anna aan dhexda gallo, waan idin soo tusi raqdii geela", yidhi cigaal.

Dabadeed dad badan ayaa raacay oo libaaxii dilay.

Habeenkii, meeshii libaaxa lagu dilley ayaa la seexday.

Markuu gamay cigaal ayaa lugtii libaaxii lagu xidhay lugtii cigaal, libaaxiina afkaa qori loogu kala qaaday.

Subaxii ayuu arkay lugtiisa oo libaaxii la dilley ku xidheen.

Dabadeed illaa gurigii ayuu xaar isku sii daayey. Asagoo qaylinaya ayuu ku yidhi naagtiisii. Naa ooda iga rog".

"Maxaa kaasoo uraya"? afadiisi.

"Darur qudhuntay ayaa igu daday".

Dabadeedne Way ka maydhay cigaal qudhunkii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Haaruun sxb, I cant remember all of them but let me tell you this one. Heeshiis dhax maray libaax iyo dhurwaa.

 

Beri baa waraabe iyo Libaax wada shireen. Waraabihii ayaa Libaaxii ku yidhi "aan xoolo dhaqano?"

Libaaxii wuxuu ku jawaabey "waayahay ee sidee ayeynu u dhaqanaa ilayn innagu xoolo malihine?"

Waraabihii "Halka aynu habeen walba wax aynu dhacno raadinayno ee khatarta aynu gelayno. Mar keliya hal habeen aynu tamarteena isu geyno oo xoolo (geel, lo,adhi) aynu dhaqano dhacno".

Libaax - "Markaa ayuu xoolo badan isu keeno, sidee habardugaagga kale uga badbaadinaynaa? Amma habkee u dhaqaynaa?

Dhurwaagii -"Meel kayn badan leh ayeynu xero uga oodaynaa, waanaynu daajindoonaa. Dabadeed way tarmi oo waynu heli waxaynu cunno. Waynu u sheegidoonaa intaynu isugu yeedhno, inaynu xoolahaa leenahay oo aanay u dhawaanin waayo adna boqorkii habardugaag ayaadtahay anna ku xigeenkaagii. Markaa u dhawaanmaayaaan xooleheenna, summadna waynu ku dhigan".

Goor waaberi ah ayaa reero guuraya ayey dabagaleen. Waxay arkeen geelii oo barbaari illaalinayso iyo awrkii baarqab oo hareerta ka socda. Dabadeed way ka cabsadeen oo dhinacii kale ayey u leexdeen. Waxay arkeen Lo´diina raggii waaweynaa ayaa wada, iyana waa ka baydheen. Adhigii oo dumarkii iyo caruurtii wadaan ayey dabagaleen. Halkaas lafteeda fursaad ayay ka waayeen, laakiin Lax duq ah ayey qabsadeen oo kaxaysteen.

 

Laxdii xero ayey u oodeen, labada dhinacna waa ka kala fadhiisteen. Waraabihii ayaa ishaynkariwaayey markay muddo saacada ah fadhiyeen oo gaajooday. Wuxu yidhi -"Boqor libaax, lax keliya inna anficimaysee ciil ciil ma ku hayaa?

 

Libaax - "Goorahanba caajis ayaai hayey ee maxay kula tahay?"

Dhurwaagii - " xoolo badan waynu helidoonaayey aynu cunno tani".

Dabadeed laxdii way kala goosten.

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites
ShayShay   

LOOOOOOOOOOOOL cigaaaaal shidaad was Fuleeeeey ahhahahahhah aniga wuu iga darnaaaa LEEEEEEEEEEEEEE wiilkiisa iyo JIIR uu kacararay miskiiiiin kix kix kix....but i don't really think he Was dat FULEEEEEEEEY wuu iska dhigi jiray an umaleynaaaaa......... smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this