Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Alla Afkeenaa

Recommended Posts

Salaan...

 

Sheekooyinkaan wax la iska soo qaraabtey waaye. Qaarkood ani ma qorin bo. Qaarkoodna jacburis waaye. Ee wakasaa, kii hada kahor aqrisay, caadi waaye, kii kale ku bashaal hee hada iyagoo biis eh.

_________________

 

Wiil kirishbooy iyo odeygoo Xamar ku cusbaa oo baska sugaayo oona alaab wato aa baskii u imaadey. Sheekadaan aa dhex martey wiilkii kirishbooyga {yacni kan lacagta qaado} iyo odeyga.

 

Wiilka: Adeer kiishka makuku caawiyaa?

 

Odeyga: Maandhoow, oo adigu kumaad ahayd adeer?

 

Wiilka: Adeer, anigaa dabakafuul lee ahay nooh.

 

Odeygii indhahaa soo baxay toogtaan!!

 

"War aafadan iyo ibtiladaan la'arag. War balaaya daba-kafuulshaye. War ma'anigaaan ciroobuuba naf iga raadsaneysaa??!! Wallee Xamar waxanoo kale waan kafilanayay!!!!!!

 

Odeygii asagoo yaaban oona sanifsan baskii xataa maraacin.

________________

 

Yarkoo Xamar ku dhashey kuna soo koray aa dagaaladii markii dhaceen Waqooyi Galbeed u qaxay oo laftiis ama tolkiis meshaas kasoo jedeen. Yarkii bas wadaad uuba iska noqdey oona magaalada uu joogo ku cusbaa. Maalintoo bacdal maqrib uu is dhahay masaajidka kistoo waana ka bixi. Waa istaagey, saan uu ku bilaabay:

 

Salaama Caleykum, tutigiin. Widaayaal runtii hadaan uraacin sidii Ilaahay usoo dajiyay diinta, macalimiinta nolosha aduunka shiid aa ku dhameesanee. Qoftaadana xarashka ee kuu qabanee oo sariirta majirto aa labilabaa. Aaqirana waykugu daadanee oo Naartaa bush bushta sidii dab camal usoo bil bileyso aa ku taraaraxee. Ar markaas Ilaahey ha laga cabsado, intii hadhoow saan waaye, saan ma'aha dhici lahayd. :D

 

Dadkii wacdi mee dhageystaan mise waa yabeen. Oo ku jiro aa soo boodey oona dhahay, "Waryee, war uun adiguun isla quman maxaad ku hadleysaa? Ma meshaan baad moodey suuqa xoolaha. War inanka af xumaa!! :eek:

_________________

 

Xariifkoo aa Xamar imaadey oo ku cusbaa. Labadii bari ugu horeysay isbarmuuto {kuwiin aqaanin isbarmuuto hada ogaada waxee tahey, isbarmuuto liimo balbeelmo waaye. Hadii liimo balbeelmo aqaanin, kac waraa} uu ka dhargey. Ninkaan dadkii uu weydiiye waxa loogu waco, markii loo sheegey waa xafiday. Maalmo ka bacdi uu biibato galey asagoo ooman, kii meesha ka shaqeynaayi uu ku dhahey, "Walaaloow, shar-muuto baa doonayaa." Kii ka shaqeynaayi maqayaada, inee kas ka tahey uu modee, waa soo boodey hee, “Ar sharmuutaa, waa laguu hayaa, lakiin minan fiican ay joogaan. Mahoo Buur Karoole la dhaho aas nalkeed ka shidan yahey waana ka dhargeysaa." Waa u tilmaamey. Kii waa tagey. Maxaa kala yaalo hee meesha. Buur Karoole waxaa la dhihi jirey meelee shar-muutoyinka Xamar ka qaraaban jireen {yes, Xamar used to have a whole prostitute section, unbelievable but true}.

_________________

 

Ninaa wagii dagaalada Itoobiya iyo Soomaaliya socdeen kamid ahaa qaxootigii usoo qacday dhulka Koonfurta Soomaaliya. Waxuu dagnaa xiro u dhaw Sablaale. Maalin asagoo duurka aadey oo qoryo soo aruursanaayo uu islaantoo isku arkeen. Sheekadaan aa dhex martey:

 

"Hartiyoow dameerka ii soo dhaw." Naagtii aa dhahdey. Yacni waxee ka wadaa dameerka isoo garaac. Duqii inta xanaaqay oona u qaatey DHAW micnaheed in laga wado isoo BASHAALSII ama isoo ;);) dameerka aa sii sanifey oona dhahay, "Inaan Harti ahayba garataye, lakiin war uun maxee dameer dhaw ku keentay." {asaga Harti laftiis qabiilka aaba ahayd oo saas uu u qaatey, naagtiina harti waxee ka wadey NIN}, "Najis najis dhalay ooba xishoon." Islaantii yaab ninkaan sanifkiis ay la yaaban tahey.

___________________

 

Xarfaankoo oo kuhaayo midoo reer qac eh meel kale kasoo dhacdey shukaansanaayo oo jidka taagan aa saxiibkiis soo marey, oo ku dhahey, "Kaaba haye, maanta waa kuu jedaa waa kugu jirtaa ee si fiican ugu qabo yee kaa fakan."

 

Kii aa soo boodey, "Waraa haa nooh. Jiijadaan aa haroosanaa ee ga iga sii abaa."

 

Xariiftii uu shukaansanaayi ereyga ‘haroosanaa’ ay maqashay waa soo boodey, "Aga, ma’anaa i arooseysaa??!! Hoogayeey!! War af xumaa. War uun hada uun baa is aragnee, war arooskaa sheegeysid muxuu ahaa?"

 

Asaga haroosanaa wuxuu ula jeedey tanaa biyo biyeesanaa ama tana waabsanaa waabsanaa ay iyada waxee u qaadatey tanaa aroosaa in loola jeedo. Afkeena mashaqo ahaa. :D

____________________

 

Haye, aqiyaarta tan ma maqasheen. Labadoo reer Gaalkacyood aa is wareersanaayi oo Xamar joogey. Oona koo ciyaal Xamar eh ag fadhiye labadood. Mid kamid ah reer Gaalkacyoodkii aa soo booday oo dhahay, "War dhulkii maxaa laga sheegay? Roob ma da'ay?"

 

Intii kii kale soo jawaabin bo aa reer Xamarkii soo galay hadalkood, saana uu dhahay, "Hee adiga haddii roob aad ahaan laheed, Gaalgacayo muku da'i laheed??!!!! Run sheeg nooh. Mahaas roob xataa naftiis aas u cabsahaa." Maxaa kasoo yeersiiye waxaan, waala jug dhaway yaqeey. Maskiin.

_____________________

 

Xariifkoo Xamar ku cusbaa oo ciyaal siyo iskadhig isdhahaayi aa maalin maqaayad loo wadey. Markii wixii la wado cunay oo laga dhargey aa kabalyeerigii imaadey oona weydiiye dadkii meesha fadhiye, "Maxaa kale oo idiin kenaa?" Mid kamid ah kuwii meesha fadhiye oo wadey ciyaal gobolka aa dhahay, "Istakiin bas noo keen." Ileen ninkii Reer Gobolka ahaa beysaani iska dhig uuba is dhahee, masoo boodaayo hee, kulahaa, "Wallee waan buuxaa. Istakiin haba sheegin."

 

Xariifkaas istakiin wuxuu u qaatey in wax la cuno yahey. Dadkii meesha fadhiye ciyaal waalan lee ahayeen oo waa lagu sii camirtey. Istakiin wax yar waayaa aa la dhahaa. Asagana waa soo bodaa, "Habeenkii xaley tagey inaa cuno cunto kale." Maan.

___________________

 

Xarfaankoo Toronto dagnaa is atooree intuu is dhahaayi uu midoo ku qabtey. Oo wuxuu maalin iyo habeenba ugu wici jirey ‘honey, warka keen; honey, aa saas eh, saan eh.’ Iyada ereygaan ma fahmin oo Ingiriis saas maba u aqaanin. Markuu ereygaas ka bad badiye, ay maalin soo boodey, "War uun adiguun ku heesid ‘hani, hani’ orodoo hadii aad dooneysid iyada aad, nakala masaamax."

 

Iyada ereyga honey waxee u qaadatey inii Hani gabar kale oo magaceed uu ka wado uuna ugu sheekeynaayo ma walba. Maseer xaliimo dhawaa, aqiyaarta.

_________________

 

Xariiftoo Reer Waqooyi iyo xariiftoo Reer Baydhabo aa is aroosay. Qurbaha waaye. Maalin xariifkii aa kasoo wacay meel kale oo taleefoon usoo diray, "War uun waran? Yaa kula jooga?"

 

"Shaleeydeey." Ay ugu jawaabtey iyada. Shaleeydeey means KALIGEEY or I AM ALONE {remember Xasan Aadan Samatar's song Shaleeydeyaa Shub lee Hadee...}.

 

Kii waa sanifey. "War maxuu ahaa Shaleeydaan aa sheegoysid. War inanta indha adkaa. Anigii bee saas igu leedahay. War mahubtaa inuu Shaleeydeey kula joogo?"

 

Iyadii waa yaabtey, saying, "Wah, kiin sheegay shaleedeey rooga."

 

Kii waa sii sanifey. Wuxuu u qaatey nin Shaleeydeey la dhaho aa ila joogo in lagu dhahay. Iyada xaaskiisa lee waaye, maxaa kale yaalo hee. Maseer jaamac madheero, too. smile.gif

________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Macalin   

Waraa//adi wallahi ma fiyoobid.

waxaan idil yaa kuu sheege?

bisinka..this some funny shiidh..maan..

the funny is the "istikiin" and the "sheleeyday!"..lol..

iyo dabaka foolka..mannn all them is funny...abaa..waa ku salaamay hee.bye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xannaan   

miskiin macruuf sxb waa fuuray wallaahi shaqada aan ku aqriyay kow dheh abaa saan u qoslaayay wallaahi {in aan soo wado ay ii maleeyeen }adi ma kasee in aaan soo wado macnaheed waxaa waaye in aan soo waalan rabo ay ii maleeyen. waxaa ugu daran .

isbarmuuto hada ogaada waxee tahey, isbarmuuto liimo balbeelmo waaye. Hadii liimo balbeelmo aqaanin, kac waraa}looooooooooooooooooooooool

eheheheheheheheheh

that was nice explanation bro jiq ha ku ahaato inii u dhaaftid leenba kasi lahaay ani abaa looooooooooool. too kale aan kuu hayaa oo ku saabsan waxaa la dhahay hada ka hor aa waxaa la damcay in lagu beero galkacyo bariis iyo qudaar iyo adi la qasbo oo beero laga dhigo waa i saktay nooh adi war yaanan kugu daalinine bariis aa lagu beeray kow, aboow adi sii loo sugaayay lee oo loo sugaayay bil aa la gaaray 2 bil aa la gaaray bishii 3xaad aa waxaaa soo baxay caleen yariis markaasaa magaaladii dhan banaan bax nooh abaa bariis aan noo soo baxay adi waa la sugay sidii loo sugaayay aa meeshii basbaas aaba ka soo baxaybo dhagaha in uu qiiq ka baxo lee ma ahinoo magaaladii oo dhan ka bacdi

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this