Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali government starts delegitimizing jubbaland state formation through IGAD channels

Recommended Posts

Dawlada Soomaaliya oo Codsatay In Lagu Soo Wareejiyo Maamul u Sameynta Jubbooyinka

 

Shirka IGAD waxaa dawlada Soomaaliya uga qeybgalaya wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf.

Addis Ababa (RBC) Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa shir ay iyada dalbatay oo ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia horgeysay codsi ah in lagu soo wareejiyo qorshaha maamul u sameynta gobolka Jubbada Hoose.

 

Shirkan oo maanta furmay ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirada arrimaha dibadda ee toddobada xubnood ee xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD waxaana dhanka dawlada federaalka Soomaaliya uga qeybgalaya raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

 

Wasiir Fawsiya oo shalay ka dhooftay magaalada Muqdisho ayaa ka hor safarkeeda waxay wariyaasha ugu sheegtay garoonka diyaaradaha Muqdisho in shirka Addis Ababa uu ku saleysan yahay hindise ka yimid dawlada Soomaaliya oo la xiriira qorshaha Xasilinta iyo Dejinta ee Heer Qaran [NATIONAL SECURITY AND STABILIZATION PLAN NSSP] kaasoo la dejiyey sanadkii 2011 xilligii dawladii ku-meelgaarka ahayd.

 

Wasiir Fawsiya ayaa sheegtay in dawlada Soomaaliya ay diiday in qorshahan Xasilinta iyo Dejinta ay maamulaan dawladaha deriska la ah Soomaaliya oo xubno ka ah Urur Goboleedka IGAD.

 

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya shirkan wasiirada arrimaha dibadda IGAD uga socda Addis Ababa ayaa sheegaya in dawlada Soomaaliya ay miiska keentay cabasho ku aadan in faragelin lagu hayo xasilinta dalka, isla markaana dawladu ay dooneyso in maamul u sameyn Jubbooyinka lagu soo wareejiyo.

 

Danjiraha Soomaaliya u jooga Addis Ababa Siciid Yuusuf Nuur oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay inaysan jirin sabab dawlada Soomaaliya u codsato inay maamusho dalkeeda, isla markaana wuxuu danjiruhu beeniyey in gobol gaar ah oo Soomaaliya ka mid ah looga hadlay shirka wasiirada arrimaha dibadda IGAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;935695 wrote:
^^Ma Fawziyaa kuu sheegtay ?

 

There is no shir, xaaji xunjuf
:D

The conference is in full preparation Xiinfaniin you will be disappointed soon :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am not praying for failure , but i am just predicting what the government will do and that's another thing for me it doesn't matter whether jubbaland becomes a federal state as it is now or not. But i am just saying where process is headed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Federal Government wants resolve Kismayo issue peacefully , Kismayo isssue is between Kenyan admin and the FG . Kenyans are asking delaying conference in Ethopia because they are going through change that's all . Kenyans will come into sense they cannot force administration in somalia . Ethopians tried it in Bay and Baakol but the FG came against it and won .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

True that. Our people have no conflicts with eachother, the conflict for power in Jubbaland is one between Kenya and Somalia. I sincerely hope Somalia will win.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Kenya has limited leverage(boots on the ground paid by international community). But can easily be replaced by other AMISOM boots, like recently arrived Sierra Leone troops in Kismayo.

 

So yes the goverment knows what is doing. Its the Kenyans who are bluffing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

The government will get the the upper hand with regards to this jubba issue, and very soon. The clan warlords currently in charge will have to yield sooner or later and agree to make to process more fair. They have to whether they like it or not, they just have no choice lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Kismayo is not the only case. The same 'kind' of militias are trying to hold on to power in other regions as well, like Marka, Beletweyn, Baidoa, Galkacyo. The goverment is engaged in a war agaist these new warlords.

 

Ama dowlad,dad iyo dal ba dhismi ama hogamiye beleed ayaa waligeen gumeysan. Xal kale ma jiro!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo maata gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Amama Mbabazi.

 

Labada Ra’iisal Wasaare waxay si qotadheer uga wada hadleen arrimaha iskaashiga ee labada wadan, gaar ahaana dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, ayadoo ugu horeyn uu Ra’iisal wasaaruhu ka mahad celiyay doorka suuban ee Uganda uga jirto dadaalka sida rasmiga ah loogu nabadeynayo dalka Soomaaliya.

 

“Dawladda Uganda waxaan uga mahadcelinayaa doorkeeda muuqda ee howl-galka nabad illaalinta AMISOM, waxayna aheyd dawladdii u horeysay ee ku timaada gurmadka AMISOM u gashay badbaadada Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa uu ku marayo wadamada gobolka iyo midkan uu gaar ahaan ku yimid dalka Uganda.

 

“Waxaan idiin kugu nimid inaan dardargelino howlaha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, anagoo wadna qorsheyaal cusub oo aanu dooneyno inaan si buuxda ula kaashano AMISOM oo Uganda kaalinta ugu weyn kaga jirto” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu isaga oo intaas ku daray in qatarta argagixiso ee Al-Shabaab aysan aheyn mid la sahlan karo una baahantahay iskaashi buuxa.

 

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha dalka Uganda Amama Mbabazi ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay booqashada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna aad u soo dhoweeyey qorshaha cusub ee dawladda ku dooneyso in ay ku soo celiso amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

 

Wadahada u dhexeeya wafdiga Ra’iisal Wasaaraha iyo dawladda Uganda ayaa sii socon doona, waxaana qorshaysan in Ra’iisal Wasaaruhu la kulmo madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Mesevini isaga oo kala hadli doona iskaashiga labada dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this