Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Eebbe ha u naxariisto

Recommended Posts

sh0707.jpg

 

Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Baay iyo Bakool ee dalka Soomaaliya, islamarkaana horay u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ayaa xalay ku geeriyooday dalka Jarmalka, halkaasoo in muddo ah uu ku xanuunsanaa.

 

Shaatigaduud wuxuu hogaamiye usoo noqday Jabhadii RRA ee sagaashameeyadii dagaalka kula jirtay maleeshiyaadkii Jen. Ceydiid ee qabsaday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Xasan Maxamed Nuur “Shaatigaduud” oo ku geeriyooday dalka Garmalka.

 

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaa qoyskii uu ka geeriyooday Shaati gaduud.

 

Prof Xasan Sheekh ayaa sheegay in siyaasiga Shaatigaduud oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Jarmalka maantane uu u geeriyooday, waxa uuna intaasi raaciyay in meydka marxuumka la keenidoono magaalada Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran.

 

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay cafiyaan Marxuum Xasan Maxamed Nuur, waxa uuna ALLA uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayne samir iyo iimaan ka siiyo

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi u diray Allaha u naxariistee Siyaasiga Xasan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud) oo xalay ku geeriyooday dalka Jarmalka.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa saakay nasoo gaartay inuu xalay gelinkii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Jarmalka siyaasiga Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) runtii waa geeri naxdin leh”

 

Siyaasiga Col. Shaatigaduud ayaan sanadihii dambe ka muuqan siyaasadda Soomaaliya, isagoo qabay xanuun muddo hayey oo markii dambe uu u geeriyooda.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this