Sign in to follow this  
Wiil Cusub

ila eeg inaad la yaabtid layaabkan cusub

Recommended Posts

Talantaali garashada

 

Tara uunka barashada

 

U dulqaado tabashada

 

Ka talaaba cabashada

 

Ka tag teeda ma dhashada

 

Haku tuurmin waabashada

 

Hana tuurin ulashada

 

U bar tiigso hanashada

 

Hadba taako socoshada

 

Ku tallaabi hedlashada

 

Naf ku toosi qabashada

 

Ku tilmaami

 

 

 

Tufa ciilka gocashada

 

Ha tan dhaafin carashada

 

Haku taamin digashada

 

Hayska tuujin muhashada

 

Ka tir maanka gabbashada

 

Ku dul tiixa nasashada

 

Nafta toosi lahashada

 

U tudh eebe baqashada

 

Tacsi iilka dhimashada

 

U baq taada gubashada

 

Taw-xiidka sidashada

 

Ama tiirka dhaqashada

 

Ku badbaadi tukashada

 

 

 

Sir ka toosi ******ada

 

Kuna tiiri qarsashada

 

Ha takoorin jamashada

 

Hayska tuurin sugashada

 

Haku baaqin tumashada

 

 

 

Hammi tiicay barkashada

 

Kun tahriibay madhashada

 

Kun diyaara tirsashada

 

Tiftiflaynta hibashada

 

Dhul la tagay bogashada

 

Wakhti tirsan doogsashada

 

Haku tookhin booqashada

 

 

 

 

 

Nin ku taamay hirashada

 

Haku taagin yu’ashada

 

Ka hor taada qabashada

 

Qof u haybi tooyashada

 

Mid ku raagay tabcashada

 

Ku tanaaday xoogsashada

 

Kuu tilmaama hirashada

 

Kaa tilmaama jab-dhashada

 

Mid tusmaystay hubsashada

 

Ka tix raaco dayashada

 

 

 

Tol-tolaay ku baanaashada

 

Jilib-jilib toogashada

 

Timil aasan ******ada

 

Xun la tuuray sidashada

 

Fulay geesi toocsashada

 

Qof takooray khalqashada

 

Haku taamo ******ada

 

Talow yaa se dhimashada

 

Ka turxaamin beegsashada

 

 

 

Dharka toobka xidhashada

 

Ama tu xun marsashada

 

Dhaqan taxan gadashada

 

Taran lumay sabashada

 

Arrin taban habsashada

 

Dabka holcay taabashada

 

Tubta eebe weecashada

 

Kufri tiisa qabashada

 

Fusuq tuullan kabbashada

 

Dhaha diidnay tumashada

 

 

 

Tirin gabay gaaxashada

 

Sir tibaaxa maaxashada

 

Tuduc walba dhugashada

 

Ku tartiibi dhaadashada

 

Tiri marar hammashada

 

Ku tax ciilka damqashada

 

Ka tir sunta dhalashada

 

Figta sare tiigsashada

 

Hadba tali garashada

 

 

 

Tayo garo xulashada

 

U tantaami xilashada

 

Tusa uunka lahashada

 

Iyo tiinna kasbashada

 

Iyo tooda baxsashada

 

Haku dilin toogashada

 

Ku tallaala cabsashada

 

 

 

Tagto daaya qabashada

 

Barri teeda eersashada

 

Hadda taalo ******ada

 

Ka ilaali taahashada

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

 

layaab wali shay ma yaabtay

u yeedhay nimaan layaabin

markaad tidhi waa layaabna

layaabka makuu xambaaray

adoo libin laab layaaban

dushaadan layaabka saaran

maansada ma layaab dhawaaqday

 

layaabkan layaab layaabay

hadaad adiguna layaabto

layaabka waxaa lahaaday

layaabbadan kii u yeedhay

 

naftaydu qof ay layaabtay

layaabtay markay ka yaabtay

u yaabtay markay layaabtay

ayaan wali ruux layaabban

la arag lana maqal layaabye

 

aduunyadan aan layaabay

dadbaa jira aan layaabin

layaabka markaad layaabto

dadbaabaa layaab ka qaada

layaab sababtaad u yaabtay

 

Waxaa jira ruux layaabban

Aduunyadan aan layaabay,

layaabka markaan abbaaro

ku sheego layaab layaabo

ka yaaba sidaan layaabka

layaab ugu qaab tilmaamo

 

waxaa jira ruux layaable

layaab u yaqaan layaabka

si aan dadku uga layaabin

layaab dafiroo yidhaahda

layaab maba arag layaable

 

layaabadu kala layaabsan

dadkuna kala goor layaaban

ha yaabin markaan layaabka

ku sheego layaab aan yaabay

 

layaab badan maansadaydan

layaab male kii layaabay

kolay adiguba layaabtay

layaabadanaan dhuraayo

layaab se waxaa lahaaday

layaabba nimaan ka qaadin

layaabka wixii mar keenay

 

layaab iga yaabka baaji

ii hiili layaab mar uunbal

layaab ila yaab hadduun bal

ha yaabo dadkuye layaabbal

layaab isu sheeg layaabkan

layaaban naftaydan yaaban !!

 

Alleylehe waa layaabay

layaab kala jooji yaabka

ujooji dadaan layaabku

ahaynba layaab kashooda

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

 

ban iyo dooxbaan socdaa

 

dalluun qodanbaan arkaa

 

dillaac badanbaa ku yaal

 

daliilo cadbaan hayaa

 

horay dadi ugu go’een

 

 

 

gudaha mugdibaa dirxidhay

 

dushana bohalbaa ka qodan

 

dareenka baqaa gilgilay

 

car sii durugbuu ku yidhi

 

markay dib u laabo tidhi

 

cakuye damacbaa ku yidhi

 

ogaanbay kuu duween

 

dushana bohol uga dhigeen

 

kolay dahabbaa dhexyaal!!!

 

 

 

maxaan darajooy ku helay

 

adoo dibadaa wadhwadhan

 

maxaan damacoow ku furay

 

adoo kali daw xidhxidhan

 

inteed dadnimooy I tidhi

 

barraad garanood daldali

 

tolaay dadnimooy I bixi

 

 

 

dibbaan u socdaa hadana

 

horaan ku dadaalayaa

 

dalbaan leeyoo hadana

 

intaa dalalbaan maraa

 

dadbaan leeyoo hadana

 

dugaagaan weheshadaa

 

dabban shidayaa hadana

 

biyaan ku daraa intaa

 

danbaan leeyoo hadana

 

dhanbaan uga sii durkaa

 

dil baan leeyoo hadana

 

sibaan u yar daynayaa

 

 

 

afkaygu intuu ka dido

ayuu hanku doonayaa

intuu hanku doonayaa

falkayguna diidayaa

 

 

 

xanuun duwan baan qabaa

 

daacuun ugubaan qabaa

 

I daaliyaybaan qabaa

 

Lahayn dawobaan qabaa

 

hankii dilaybaan qabaa

 

garaad dakhraybaa qabaa

 

qalbiga dumiyaan qabaa

 

aayaha damiyaan qabaa

 

runtii dafiraan qabaa

 

xaqqii didiyaan qabaa

 

markaan dawo sii is idhi

 

kasii daraybaan qabaa

 

 

 

sibaan u dadaalayaa

 

sibaan u dakaamayaa

 

sibaan u dayaamayaa

 

sibaan uga sii daraa

 

sibaan dan yar moodayaa

 

sibaan dib u boodayaa

 

sibaan si ku daynayaa

 

sibaan si ka daynayaa

 

sibaan sax u doonayaa

 

sibaanan u diidayaa

 

 

 

dabbaan aasoon qarsaday

 

dabbaan islahaa ayaan

 

ku diirso ilays ka shido

 

ragbaa danbaskii ka guray

 

markaan danbigii ku helay

 

dabkayga raggii qarribay

 

waxaa amarkii ka diday

 

raggaan u dabqaadi laa

 

intii barri diirsan layd

 

dabkana ila dhawri layd

 

 

 

qabiil badanaa dadkani

 

dirsooc badanaa jidhkani

 

lafuhu diirkay neceen

 

dibnuhu wajigay neceen

 

dushuna hoostay nacdee

 

inteen garashooy dilaa

 

inteen jidhka daadiyaa

 

inteense ku doorsadaa

 

maxaan damqashooy falaa

 

halkeen dux u raadiyaa

 

sideen qof u daawadaa

 

markuu hanku daawo yidhi

 

hadday ishu diidnay tidhi

 

 

 

daryeelku halkuu tubnaa

 

maxaa dayac ii wadhwadhan

 

hal-doorku halkuu taxnaa

 

maxaa dibjir ii fadhiya

 

daloolo maxaa bannaan

 

difaaca bartaan lahaa

 

halkii daaq lagu yiqiin

 

maxaa danbas ii tuntuman

 

halkii dadka lagu ogaa

 

dugaaga maxaa dhigdhigay

 

xilkiyo darajada khalqiga

 

dilaalka maxaa u diray

 

dilkaygu inuu xaq yahay

 

daliilka maxaa ku dhigay

 

dantaydu inay xuntahay

 

tu gaalna ka doorantahay

 

dastuurka maxaa ku qoray

 

 

 

daruuruhu way kordhaan

 

cirkiyo samaday dabraan

 

dihnaan roobkay dhalaan

 

dhulkana sagalkaa ku da’a

 

xareed daadkaa qulqula

 

tog iyo biyahaa durdura

 

dhir iyo doogaa ku baxa

 

hashaan tobaanka is diray

 

ku dayray ayaamo badan

 

hadmaad dawacooy daf tidhi

 

 

 

maxaan arrin daahan eegay

 

sadaasha ku doonay maalmo

 

runteeda markaan dabbaalay

 

dadkii ka amaanba waayay

 

markaan niyadayda daalan

 

usheegay inay ku daashay

 

ayay dardar siiba qaaday

 

maansiyo duluc soo afuuftay

 

 

 

maxaan eeboow dartaa

 

u daayay umuuro ba’an

 

maxaan eeeboow dartaa

 

u diiday umuuro bilan

 

 

 

darraato rabbow ma jirin

 

da’adaydu xalay ma korin

 

haddaan dunidadan imi

 

dusheeda waxaan u imi

 

dawgaaga inaan hantiyo

 

barrina janno kaa dalbado

 

dusheeda markaan dul imi

 

rabboow cajabban dugsaday

 

 

 

rabow ummadaada diran

 

markii hadba gaal dardaray

 

intuu buush sii daldalay

 

islaamkana sii dildilay

 

si aan dilka loogu helin

 

maraykanna loo duqayn

 

caddaankana loo dullayn

 

obaama usoo dallacay

 

xilkuu ku doc meeri jiray

 

 

 

rabboow diintaada bilan

 

markii hadba duulba baddelay

 

dar iyo koox koox la yimi

 

astaamaha sheekh la dayo

 

dushooda rag soo bandhigay

 

dahsoon uurkana qarsaday

 

dabuubtiyo taad na tidhi

 

daliilka sagaal u rogay

 

labaatan u sii doc furay

 

cilmina dooduun la baray

 

 

 

markii xaqqu daasad tumay

 

baddii rabbi uu ka digay

 

dabbaal loosoo tartamay

 

markii sida laash la dagay

 

ayaan eeboow damqaday

 

damiirka hankaa gilgilay

 

dibnaha hammiga furfuray

 

dhawaaq maansaan daldalay

 

dadkana yaabbaa gaddiyay!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this