Sign in to follow this  
xiinfaniin

HiiraanOnline Reports the Passage of Jubbaland Charter

Recommended Posts

That is a progress :D

 

 

Ergadii Shirka Kismaayo oo ansixisay Axdi KMG ah oo ay ku shaqeyn doonto Dowlad goboleedka Jubbaland [sAWIRRO]

 

 

Talaado, 2 April, 2013(HOL) :- Ergadii ka qeybqaadaneysay shirka la doonayo in maamul goboleed loogu dhiso sedexda gobo lee J/hoose J/dhexe iyo Gedo ayaa maanta ansixisay Axdi KMG ah oo ay ku shaqeyn doonto dowlad goboleedka loogu magic daray Jubbaland ee la filayo in loo dhiso gobollada Jubooyinka.

 

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen gudiga farsamada shirka maamul u sameytna Jubooyinka Axdigan KMG ayaa qoristiisa la bilaabay bishii 8-aad ee sanadkii tagay, waxa uuna ka koobanyahay shan cutub iyo 50 qodob.

 

Ergada ka qeybqaadaneysay shirka ayaa loo qeybiyay axdiga KMG ee Jubbaland shalay gelinkii danbe, waxaana saaka loo fariistay cod u qaadidda axdigan oo la filayo in lagu maamulo gobollada Jubooyinka marka la dhiso maamul goboleedka Jubbaland.

 

Saaka ayay bilaabatay cod u qaadidda axdiga KMG, waxaa shirka goobjoog ka ahayd 870 Ergo oo ka kala socotay sedexda gobol, waxaana codeysay dhamaan ergadii goobta ku sugnayd, ma jirin cid diiday, sidoo kalena ma jirin cid ka aamustay.

 

“870 qof ayaa fadhida, 870-kuba way codeeyeen, wax ka aamusay ma jiro wax diidayna ma jiro, sidaas daraadeed maanta oo bisha April laba tahay, waxaan cadeeynayaa anigoo ah shir gudoonkii shirka, in ay dhalatay dowladdii Jubbaland,” sidaa goobta ka aqriyay Macalin Max’ed oo ah gudoomiyaha gudiga qabanqaabada, ahaana shirgudoonkii shirka.

 

Ansixinta dastuurka kadib ayaa waxaa goobata ka hadlay masuuliyiin sar sare oo katirsan maamulka KMG ee Kismaayo, siyaasiyiin, haween iyo odoyaal, waxaana dhamaantoodba ay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay ugu faraxsanyihiin ansixinta axdiga KMG ee Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo isna goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ergadii codka kalsoonida siisay axdiga KMG, wuxuuna sheegay in shirkan la geliyay naf iyo maal sidii uu u miro dhali lahaa, wuxuuna kula dardaarmay ergada ina y sii ambaqaadaan qeybaha ka harsan dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Ansixinta axdigan KMG ee la filayo in lagu maamulo dowlad goboleedka la doonayo in loo sameeyo gobollada Jubooyinka ayaa kusoo beegmeysa xilli xukuumadda Soomaaliya ay dhawaan maamul u dhistay gobolka Gedo oo kamid ah sedexda gobol ee la isku yiraahdo Jubooyinka.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

Hnur@hiiraan.com

Kismaayo-Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Indeed

 

Specially when they falsely reported a 500 government army contingency arrived at Kismayo the day the PM's failure was publicly reported. They even provided forged pictures to buttress the lie :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this