Sign in to follow this  
malistar2012

Wasaaradda Gaashaandhigga Iyo Ahlu Sunna Koonfur Galbeed Oo Heshiis Ku Kala Saxiixday Magaalada Gar

Recommended Posts

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

 

Heshiiskaan oo ka kooban Shan qodob ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxaana qodobadaasi ay kala yihiin:-

 

1-in Ahlu Sunna Wal Jamaaca loo mahad celiyo,lana aqoonsado halgankoodii dheeraa ee ay usoo galeen in gobollada Koonfur Galbeed laga xoreeeyo Khawaarijta Al-Shabaab.

 

2-in ciidammada Ahlu Sunna iyo Saraakiishooda la qarameeyo oo ay si rasmi ah uga mid noqdaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

 

3-in qalabka iyo gaadiidka Ahlu Sunna lagusoo wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

4-in la daryeelo agoontii ay ka geeriyoodeen halgamayaashii ka tirsanaa Ahlu Sunna ee naftooda u huray halganka khawaarijta .

 

5-in la magacaabo gudi farsamo oo ka kooban labada dhinac si ay heshiiskaan u hirgeliyaan.

 

Heshiiskaan ayaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayadoo dhanka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee Koonfur Galbeed ay u saxiixeen 1-C/raxmaan Axmed Amiin, Kusimaha Gudoomiyaha Ahlu Sunna Koonfur Galbeed,2-Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi afhayeenka Ahlu Sunna koonfur Galbeed iyo Taliyaha Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed.

 

Kusimaha Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed C/raxmaan Axmed Amiin oo heshiiska kadib isna la hadlay Saxaafadda ayaa xusay iney aad ugu faraxsanyihiin ka mid noqoshada ay Ciidammada Ahlu Sunna ka mid noqdeen Dowladda Federaalka amaba talaabada lagu qarameeyey.

 

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna heshiiskaasi kadib madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya la qarameeyey ciidammadii Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed waxaana uu xusay iney horyaalaan Waajibaad culus maadaama ay weli argagixisadu ku jiraan gobollo dalka ka mid ah ama ay haraadi ku yihiin.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah waxey u wadaa dadaallo ku aadan dib u dhiska iyo Qalabeynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo talaabadanna ay meesha ka saareyso in Ciidammo kala magac ah ay dalka ka howlgalaan maadaama uu heshiiskaan iyo heeshiiskii ka horeeyey ee Caabudwaaq ee ay Dowladdu la gashay Ahlu Sunna Galgaduud qeexayo in Ciidammadii Ahlu Sunna ee dagaalka adag la galay argigixisada Al-Shabaab la qareemeeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

http://radiomuqdisho.net/wasaaradda-gaashaandhigga-iyo-ahlu-sunna-koonfur-galbeed-oo-heshiis-ku-kala-saxiixday-magaalada-garbahaareeyakhriso-sawirro/

 

 

Seems like Pm Shirdoon is winning the confidence of every regions he visit . Since Touring the country he gained more soldiers and support for the FG. The Pm is running the country day to day job ... good too see Somali Institution and dignity is finely returning.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Maamul KMG ah u magacaabay Gobolka Gedo, kadib markii booqasho hal maalin ah ku tagay magaalada Garbaaharey, iyadoo maanta uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

 

Maamulka KMG oo aan dhameystirneyn ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Maxamed Cabdi Kaliil oo horay u ahaa Gudoomiyaha gobolkaas, tan iyo dowladdii Madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf.

 

Wareegtada ayaa la sheegay inay dhaqan galeyso marka uu saxiixo Madaxweynaha, isla markaana lagu soo dhameystirayo xubnaha Maamulka KMG oo shaqeynaya muddo lix bilood ah, kaasoo u gogol xaaraya maamul ay dadka deegaanka soo doortaan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo tagay Garbahaarey ayaa sheegay in dowladda ay xooga saareyso maamulada dalka iyo sidii dadka deegaanka u heli lahaayeen maamul ay raali ka yihiin.

 

Dhinaca kale Ciidamada Ahlusuna ee ku sugnaa Gobolka Gedo ayaa la qarameeyay, kadib heshiis Ahlusuna iyo Xukuumada kala saxiixdeen, kaasoo dhigayay in wixii hada ka dambeeyay Ciidamada Ahlusuna ay ka mid noqdaan Ciidamada dowladda.

 

Heshiiskan dowladda la gashay Ahlusuna Gedo ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo ay dowladda horay ula gashay Ahlusuna, kaasoo ugu weynaa iskaashiga iyo la dagaalanka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

The pm is working hard to bring the country back on the world map and his future legacy will confirm that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this