Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Gedo troops on the Move

Recommended Posts

War Deg deg ah— Ciidamadii Gedo ka yimaadey ee duleedka Kismaayo fadhiyey oo qabsadey Warshada hilubka iyo Ciidan ku wareegsan

 

Ciidamadii ka yimid Gedo ee fadhiyey duleedka Kismaayo ayaa maanta si lama filaan ah ku qabsadey Warshada Hilibka waxayna isku dayayaan iney gudaha usoo galaan Magaalada, Ciidanka Magaalada horey u joogay ayaa hada ku wareegsan Ciidankaan qabsadey Warshada.

Raysal wasaare Saacid ayaa markey burbureen Wada hadalkii Dowlada iyo Maamulka kumeel gaarka u socdey waxaa laga hayaa inuu yiri “Hadaad diideen inaad yeeshaan saan ku taliney xoog baad ku maqlaysaan”".

Faahfaahinta warkaan goor dhow naga filo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Ciidamada waxaa raray Maamumla KMG ee Kismaayo, General Saxardiid baa garab socday markey guurayeen. Reer Jubbaland waa sii midoobeen! Oogama darin isku daygii qaska watay ee dhicisoobay ee ay soo qaadday HAG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Genaral saxardiid ma mid si gaara loogu kalsoonyahaa? sow asagu ciidanka dawladda maahan see u garab socday?

Waxba dhici maayaan idan alla xataa haday via afmadow dagaan,adinku shakiga iska saara

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan dowladda oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Duleedka Kismaayo oo maanta magaalada soo gaaray

 

Jimco, 29 Maarso, 2013(HOL) :- Ciidamo aad u tiro badan oo katirsan dowladda Soomaaliya islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa duleedka magaalada ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada Kismaayo, iyadoona ciidamadani la dajiyay saldhigyo ku yaal gudaha magaalada.

Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 500 oo askari ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan nawaaxiga garoonka caalamiga ah ee Kismaayo, waxaana ciidamadani ay maanta gudaha usoo galeen magaalada.

 

Ciidamo_Jubooyinka_1.jpg

Mid kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo HOL ugu waramay qadka teleefonka ayaa sheegay in ciidamadani ay tiradooda gaareeyso ilaa 500 oo askari oo katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in saraakiisha guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka ay usoo badaleen in ay ka howlgalaan gobolka J/hoose.

Ciidamo_Jubooyinka_2.jpg

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadani aysan ahayn ciidamo qabiil balse ay ka koobanyihiin qabaa’illo kala duwan, wuxuuna intaa ku daray in ujeedka loo soo badalay ay tahay in ay xoojiyaan ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada gobollada Jubooyinka.

 

Ciidamo_Jubooyinka_3.jpg

Ciidamada ayaa imika saldhig ka sameystay warshaddii hore ee hilibka oo ka tirsan xaafadda shaqaalaha ee magaalada Kismaayo, waxaana ilaa imika jirin wax hadal ah oo ku aadan ciidamada soo gaaray magaalada oo kasoo baxay masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

 

Ciidamadan ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ay ku sugnaayeen duleedka magaalada Kismaay, waxaana soo badalaadooda ka dhashay khilaaf xooggan, iyadoona masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo ay kasoo horjeesteen in ciidamadani ay gudaha usoo galaan magaalada.

 

Xaaladda magaalada ayaa imika dagan wallow ay jirto cabsi ay dadka shacabka ah ka muujinayaan ciidamada cusub ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

This is the second division and they just set up a base in the old meat factory. Im also hearing that more division are on their way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

Apophis;931920 wrote:
A whole
? And more are on the way you say... :eek:

Not that diffinition. But the somali version of it. :D But keep ignoring realities on the ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites

My only hope is that there will be no bloodshed in Kismayo, the people suffered enough. If those troops were ordered by the SFG to go there then the is a great betrayal of the Somali people and a return of the policy of intimidation and terrorism, if it's a faction of the Gedo clans trying to gain a bigger foothold in Kismayo then they are greatly misguided.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Mooge, don't worry sxb. You need heart to take up a cause and they have plenty of it. They will be provided for and more will be transferred to Kismaayo under a new plan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

No, they are multi-tribal who have shown abject respect for the legitimacy of the Somali government. The era of factions is over. Armed forces from henceforth will work to secure an environment where the Somali government has total legitimacy and respect.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this