Sign in to follow this  
Nur

Mafaatiixda Cilmiga Quraanka

Recommended Posts

Nur   

Garab Rarto ( Nomads)

 

 

 

Sidaan wada ognahay, Quraanka waa hadalkii Allah oo uu annaga noo soo jeediyey, oona mudan inaan siduu Alle ula jeeday aan u fahamno.

 

Quraanka wuxuu ku soo dagay Afka Carabiga ah, oo ah Af uu Allah ka doortay afafka basharku ku hadli jireen, sabab uu isaga naga yaqaan, iyo sabab aan annagu naqaan oo ah sida afka Carabigu uu hodan u yahay dhinaca cabiraadda macnaha iyo ula jeddada.

 

Hadaba, Si qofka Muslimka ahi uu u fahmo macnaha Quraanka, waxaa loo baahan yahay in si fiican loo fahmo luqadda Carabiga ah, taasoo ka koobanta Mufradaat ( Vocabulary) iyo Naxwe ( Grammar) oo ah siyaabaha kala duwan ee loo rogrogo ficillada iyo sifooyinka iyo magacyada, kulligoodna ah Mafaatiixda fahamka Quraanka.

 

Mafaatiixda fahamka Quraanka oo wada muhim ah, waxaa ugu si cajiib badan, macnaha ku dheehan Ficillada ( Verbs), maantana waxaan ku bilaabayaa Ficilka :

 

ISTAXWADA

 

Ficilkan waxaa Alle ku isticmaalay Suuradda Al Mujadala, aayadda 19:

 

اسْتَحْوَذَ عَلَيْهِمُ الشَّيْطَانُ فَأَنْسَاهُمْ ذِكْرَ اللَّهِ ۚ أُولَٰئِكَ حِزْبُ الشَّيْطَانِ ۚ أَلَا إِنَّ حِزْبَ الشَّيْطَانِ هُمُ الْخَاسِرُونَ

 

Macnaha guud ee aayadda: Sheydaankii baa ( Istixwaaday), (Taasoo sababtay) inuu illowsiiyay Dhikriga ( Xasuusta - Daacada) Alle. (Illowshaha Dhikriga Allena wexey ka yeeshay kuwaasi) iney yihiin Xisbigii Sheydaanka. ( Aakhirana) Xisbiga Sheydaanka ayaa guul darreysanaya ( Jabaya)

 

 

Hadaba, maanta aan dul istaagno Miftaaxan ah " ISTAXWADA"

 

Macnaheeda Luqada anigoo ku soo koobaya intooda ugu muhimsan oo qura:

 

Asalka kalimadda:

 

1. Xa Wa Da: Xaada, Yaxuudu Xawdan : Wuu ku wareegsaday, si uu meel isugu keeno. Waxaa loo isticmaala markii geel jiruhu uu geeliisa xero isugu keeno oo ay ka bixi karin.

 

2. Xaada ibalahu: Waxaa loo isticmaali jiray macnaha inuu geel jiruhu geelisa si deg deg ah uu u kaxeeyo isagoo meel uu dan ka leeyahay u wata. Tanna waxay macneyneysa Xadiithkii salaadda in qalbiga loo aruuriyo loona banneyo diyaargarowga salaadda oo la doonayo in hammigeeda qalbigiisa aan lala wadaagin, qofkii sidaas sameeya ayaa dhab ahaan u ah Mumin ayuu xadiithkani na farayaa :"فمن فرغ لها قلبه وحاذ عليها فهو مؤمن ." Maxaa yeelay qalbiga hadduu meelo badan kakala fakarayo waa sida geel aan aruursaneyn.

 

3. Xaada: waxaa loo isticmaala marki wax la isku gunto, sida marada darafyadeeda la isku gunto.

 

4. Istaxwada: waxaa loo isticmaala macnaha ah " Wuu ka raayay degdeg buu u kaxeeystay" oo wuxuu degdeg ula dhaqaaqay meshuu la rabay inuu geeysto.

 

 

 

Sidaa darteed waxaa noo muuqda in macnaha aayadda ay tahay:

 

Tafsiirka : Sheydaanka ayaa ( Hareereeyay, xareystay, si degdeg ah u boobay, isku guntay QULUUBTOODA oo jeebka gashtay), oo illowsiiyay Xasuusta Alle :

 

Xasuusta Alle Macneheedu waa:

 

A. In Qalbiga lagu xasuusto, oo la jeclaado, lagana jeclaado wax walba.

B. In carrabka lagu xasuusto oon xusno wanaaggiisa, u mahad naqno, dambi dhaafna weydiisanno,

C. in Wax qabadkeenna aan ku Xasuusanno oo aan wuxuu na faray la imaanno, wuxuu naga reebayna ka harno, una gargaarno sidii labadaas u hirgali lahaayeen.

 

 

Marka Dhowr xikmad ayaa meeshan nooga iftiimeysa:

 

Xikmadda Khabarka ah:

 

1.Sheydaanku waa cadowgeenna nalooga digay .

2. Sheydaanku cadow buu noo yahay

3. Annaga asaga cadow ka ma aan dhiganin

4. Sheydaanku dad buu ka raayay.

5. Sheydaanku dadbuu xero isugu keenay

6. Sheydaanku kuwuu xereystay, wuxuu yeeshay quluubtoodii

7. Sheydaanku kuwuu quluubtooda yeeshay wuxuu illowsiiyay iney Allle qalbiga ku jeclaadaan, oo carrabka ku xusaan, waxqabadkoodana noqdo mid ay ka muuqato Alle iney u gargaarayaan.

8. Qoladaasi uu Sheydaanku xareystay wexy la saf noqdeen noqdeen Sheydaanka oo ah cadowga Alle iyo cadowgooda.

9. Qoladaas Aakhiro wey guuldarreysteen.

 

 

Xikmadda Amarka ah:

 

In laga digtoonaado qolyahuu Sheydaanku xareystay oo aan meeshay mareen la marin, si aan uga nabad galno ineyan nagu dhicin wixii loo ballan qaaday Askhiro.

 

 

Cibro Qaadashada Aayaddan:

 

Waxaa Cibro qaadasho mudan inaan ogaanno:

 

Inuu Sheydaanku Dad uu Wato, Meel fogna U Wato,

 

Hadaba, waxaa is weydiin mudan:

 

Yuu Sheydaanku Wataa?

Halkee buu u Wataa?

Halkee buu rabaa inuu ku Soo Xirto?

Sidee baa looga soo dhicin karaa? ma sida Libaax neef qaatay?

 

 

 

Wallaahu Aclam

 

 

Nur

 

 

2013 eNuri Softwaano Series

Kuwa iga da' yar, wey iga dambi yar yihiin,

Kuwa iga da' weynna, wey iga ajar badan yihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this