Sign in to follow this  
xiinfaniin

Kismayo:Federalism Aspirations Prevail Over Resurgent Centralist Leadership In Mogadishu

Recommended Posts

Baashi   

The path forward should be:

 

Proceed with the deliberation and declare federal state.

 

Support SFG in principle.

Become loyal opposition and while affirming its legitimacy vehemently disagree with its policies toward federalism.

Invite Parliamentarians who geographically represent the new state and make sure they speak in one voice.

Cede local ports to SFG and share revenues as much as possible with SFG.

Make the forces stationed in the state central to the fight against AS so JFS becomes an indispensable in this war of attrition.

 

Halkaa ha ka botoriso...:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Oodweyne awoowe anniga iyo Xiin are on the same page on the issue of Kismayo.

 

Remember how AMISOM works and understand their mandate. Eventually they have to obey the SFG but as they say all politics are local and by this I mean Kenyans are not putting their soldiers on harms way just because they care about Somalia. Awoowe timir laf baa ku jidha. JSF are equipped and well positioned to win the war against AS.

 

On the big picture though we're being played like an instrument. Because we mistrust each other so much and placed so much premium on this curse of negative tribalism we have lost any sense of patriotism.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Oodweyne,

 

I know my feeds are always sketchy and incomplete but from what I understand Gedo is fully onboard. I am disappointed in him the PM but I also understand he is man who owes his political fortunes to his friends among them the current president. His tol supported him by default but Farmajo had the loyalty of M clan. Another words he does not have a base. His folks embraced him after the fact so I heard.

 

The problem is not Gedo, The PM is the problem. Just so you know Jubba delegate fielded a united front. Their position was firm and unshaken by all the PM appeals. That's very telling.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pm should give Gandi and madoba ultimatum no room for apeasment . The country is watching , you let Morgan and Gandi have their way then tomorrow Must Sudi and abdiqabiid too are gonna form states. FG has to make statements.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

malistar2012;931641 wrote:
Pm should give Gandi and madoba ultimatum no room for apeasment . The country is watching , you let Morgan and Gandi have their way then tomorrow Must Sudi and abdiqabiid too are gonna form states. FG has to make statements.

That is exactly the dilemma and the heavy responsebility the FG is facing. The FG has to establish her authority throughout the country. By giving in on those local elites, the goverments authority will be reduced to merely a bystander without effective rule nor power. Hence why the FG cant and wont yield for the local elites and militias that wanted to rule Beletweyn, Baidoa and Marka. And they cant afford to give in to those in Kismayo as well.

 

There is much more at stake then Jubbaland here. Hence why cidna loo joojineen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka maamulka Jubada Hoose oo ka hadley wadahadalkii fashilmey

 

Kadib markii wax natiijo ah aan laga gaarin wadahdalkii ka socdey magaalada Kismaayo, ayaa wefdigii Dowladdu bilaabeen in ay dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho, iyada oo isla maanta uu magaalada Kismaayo ka duulayo Raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ahaa ninka hoggaaminayey ergada Xukumaada u metalaysey wadahadalka ayaa maalintii shalay sheegay in shirkaas wax natiijo ah aysan ka soo bixin, isla markaana tanaasul ay sameeyeen dowladd ahaan laakiin qodobo dastuuri ah oo aanu sheegin la dhaafi waayey.

 

Afhayeenka maamulka kumeel-gaarka ah ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa maanta sheegay in ay tanaasul badan sameeyeen, laakiin xukuumaddu la imaan wax biseyl siyaasadeed ah isla markaana shirka ay la yimaadeen qodobo qalalan, dadka ay u saareen in ay wadahadalka ka qaybqaataana aysanba ahayn dad qaadi kara masluuyiadda laga wada hadlaayo.

 

Seeraar ayaa yiri wax badan oo aan ka tanaasulney laakiin dowladdu waxay ku dhegtey halkii ay taagneyd markii hore.

Afhayeenka maamulka Kismaayo ayaa sheegay in shirku maamul u samaynta Jubboyinku uu socon doono, Saacad lama hakin doono shirka ayuu yiri, waxaana ka soo bixi doono maamul la yiraahdo Jubbaland.

 

Haddii aan labada dhinac mid ka tanaasulin halka uu ku dhegan yahay waa ay adkeyd in heshiis laga gaaro sida markii horeba la saadaalinaayey, waxaana la is weydiinayaa saameynta guud ay yeelan doonto arrintaani.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi,

 

Unlike many you know the men who are leading this initiative , they do have indeed a keen understanding in governance and nationhood. This is a region with visible scars of Somali civil war, and the wounds of the wicked are still raw. It is quite illustrative that a five member delegate , from a 'capital' under the heavy guard of AMISOM troops come to dictate the outcome of a four year process , insisting that the 500 delegates that come from wide and far be disbanded. That shall never be, and as you can see in Seeraar's announcement the conference will continue .

 

If you did not already decode, there is subtle notion from the president that says if federalism cannot be avoided, then the South Central should be lumped together in light of the fact that Puntland and Somaliland are political realities that can hardly be changed.

 

This Kismayo political conflict is about the terms of the political settlement that ended the transition. The PM fiasco in Kismayo is a text book example of an executive over reach , and it back fired and mortally wounded him.

 

On executive overreach , here is a what SomaliPage editorial said a month back:

http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/70067-In-His-Attempt-to-Free-Himself-from-Federalism-Constraints-President-Hassan-Risks-Executive-Overrea?highlight=Executive+Overreach

Share this post


Link to post
Share on other sites

ISMAAYO: Waan ku kala kacnay shirkii Kismaayo, wixii hadda ka danbeeya maamulkeena ayaan dhisanaynaa.. ” mid ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland

 

 

Kismaayo: (pp)- Masuul ka tirsan Siyaasiyiinta Jubbooyinka oo aan kula xiriirnay khadka Taleefanka ayaa Puntlandpost u sheegay inay ku adkaatay in ay wax fahansiiyaan masuuliyiinta ka socota dowlada Federaalka ee Soomalaiya , waxaa kaloo ku adag madaxda dowlada inay xaqiiqda u dhowaadaan oo wadanka ay ogaadaan inuu Federaal yahay ” ayuu Puntlandpost u sheegay masuulkaasi oo magaciisa ka gaabsaday inaan lagu xuso Saxaafada.

 

Shirkii waa lagu kala kacay , waxaana dhisan doonaa Maamulka Jubbaland State.

 

Waxuu kaloo masuulkaasi sheegay in shirkii Caawa fiidkii lagu kala kacay oo aan aysan harin wax wanaag oo laga filayo dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Mar aan weydiinay masuulkan Talaabada xigta ay qaadayaan ayuu noo sheegay in hadda wixii ka danbeeya ay sii wadan doonaan dhamaystirka shirkii horay uga socday Beelaha degan Sadexda gobol ayna ku rajo weyn yihiin in guul wanaagsan laga gaari doono inshaa’alah, laga hirgelin doona dowlad goboleedka Jubbaland State . waa sida uu hadalka u dhigaye..

 

” Waxaa halkii kasii socon-doona shirarkii maamulka loogu dhisayey deegaanadan, wax rajo xuma ahna naguma dhacayso, waxa muuhiimada gaarka ah leh, waa rabitaanka shacabka Jubbooyinka & Gedo , guushuna halkaas ayey taalaa ” ayuu siyaasiganu u sheegay Puntlandpost.

 

Sikastaba, Kulamadii horay u socday ayaa waxaa ka qeyb galayey marka laga tago labada garab ee ka kala tirsan DF iyo Maamulka KMG Kismaayo , Siyaasiin kale oo ku sugnaa kismaayo maalmihii lasoo dhaafey, kuwaas oo iyana sida la sheegey ka hor yimideen aragtida ay wataan garabka Ray,isal wasaare Saacid.

 

Dadka reer Kismaayo ayaa caawa hadal haya sida ay fashilka ugu yimaadeen wada hadaladaasi , kuwaas oo tilmaamaya waftiga Ray,isal wasaaraha in ay keeneen magaalada fariin looga soo dhiibey Muqdisho oo aysan waxba ka bedeli karrin xataa hadii xal loo baahnaa in labada dhinac ay wada gaaraan.

 

Markii la ogaaday qaabka iyo fashilka ay dowladu la doonayo Jubbaland & Gedo ayaa waxaa Jaamacadda Kismaayo durba laga bilaabay shirar gooni gooni ah oo ay ku leeyihiin Ergeyda ka qeyb galeysa maamulka la doonayo in uu ka hano qaado Jubo-land iyo Gedo, kuwaas oo iyana aaminsan sida la sheegey in aysan ku qancin qaabka ay DF usoo abaartey is mari waaga siyaasadeed ee Kismaayo ka jirra.

 

Ray,isal wasaare Abdi Faarax Shirdoon ayaa saddexdii beri ee ku sugnaa Kismaayo tagin goobta shirku ka socdo oo ay ku dhan yihiin sida la sheegey wax-garad iyo aqoon yahano badan oo kasoo jeeda deegaanadaas,midaas oo uu uga gaabsadey wada hadaladii oo aan guul kasoo hoynin.

 

Wasiirka arrimaha guddaha oo og Caawa natiijada shirka ayaa saxaada ka gaabsaday inuu runta cadeeyo , isagoo sheegay inuu Beri inta aysan ka soo bixin magaalada Kismaayo ay sheegayaan shirarkaas iyo waxyaalihii la isla soo qaaday.

 

Puntlandpost oo Faalooyin badan ka qortay shirarka dowlada iyo masuuliyiinta Jubbooyinka u dhaxeeyey ayaa horay u sheegtay in Go’aano kooban Wafdiga dowlada in looga soo dhiibay Muqdisho, qodobadaas oo aysan waxba ku darri karin waxna ka dhimi karin, taasi waxay keentay in guuldarro kala dheelmanayaan magaalada Kismaayo maalinka Beri ah oo ku beegan 29-ka Maasrso , 2013-ka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo [RBC Radio]Waxaa Kismaayo isaga soo baxay xubno ka mida wafdigii dawladda Soomaaliya ee maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda hoose ayaa soo sheegaya in garoonka diyaaradaha ay ka dhoofeen xubno uu ka mid yahay wasiirka gaashaan dhigga ayna ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayna gaareen magaalada Muqdisho.

 

Inkastoo aanan is dhaba loo ogayn ujeedka rasmigaa ee soo dadajiyay safarka dagdagaa ee xubnahaasi Kismaayo ay oga soo kicitameen hase ahaatee sibu noqoshada xubnahaan ka mid ka ahaa waftigi R/wasaare Saacid ayaa ku soo beegmaya xili ay jirto ismaandhaaf siyaasadeed oo salka ku hayo arimaha Jubbooyinka.

 

R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu isna ku labto magaaladda Muqdisho.

 

Iimaan Maxamed Jaamac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raisul wasaare Saacid iyo wafdigii uu horkacayey oo iyagoo gacmo maran dib ugu soo laabtay Muqdisho

 

Wafdigii uu horkacayey raisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku soo laabtay goor dhow oo galabta ah magaalada Muqdisho ka dib markii socdaal shan maalin qaatay ay ku tageen magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose.

 

Raisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa dayuuradaha siday waxay soo caga dhigatay garoonka Aadan cadde abaarihii 3:30-pm galabnimo ee maanta, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey madax kala duwan oo ka tirsan dowlada oo isugu jira, wasiiro, xildhibaano, saraakiil, ururada haweenka iyo qeybaha bulshada.

Raisul wasaaraha ayaan illaa hadda la hadlin saxaafada, waxaana garoonka dayuuradaha Kismaayo ku oo sagootiyey saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo masuuliyinta maamulka KMG ah ee magaaladaas.

 

Raisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa soo laabtay iyagoo fara maran ka dib markii xalay la shaaciyey iney guuldareysteen wadahadalo shan maalmood u socday iyaga iyo maamulka Kismaayo kaasoo ku saabsanaa arrimaha maamul u sameynta jubooyinka iyo Gedo.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha sawirada soo dhoweynta Raisul wasaaraha iyo wafdigiisa wararkeena ugu horeeya ayaan idinkugu soo gudbin doonaa Insha ALLAAH.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Kismaayo oo dowlada Somalia ku eedeeyey guul-darada ku timid wadahadalkii u dhexeeyey

 

Afhayeenka maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wadahadaladii guul dareystay ee magaalada Kismayo ku dhexmaaray dhinacooda iyo masuuliyin ka tirsan dowlada oo uu horkacayey Raisul wasaare Saacid.

 

C/naasir Seeraar oo la hadlayey idaacada BBC-da ayaa sheegay in natiijo la’aanta wadahadalkaas ay masuul ka tahay dowlada Somalia oo uu ku eedeeyey ineysan saameynin tanaasulaadkii looga baahnaa, isagoo dhinacooda sheegay iney wax ka badan ka tanaasuleen si wadahadalku u guuleysto.

 

“Dadkii dowlada u metelayey wadahadalka ma aheyn kuwo u qalma masuuliyada loo soo dhiibay, anaguna wax badan ayaan ka tanaasulnay, sidaasoo ay tahay waxaan ku balanay in wadahadaladu sii socdaan” ayuu intaa ku daray C/naasir Seeraar.

 

Waxaa uu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen inta badan qodobadii laga wada hadlayey hase ahaatee mid ka mid ah qodobadaas la isku mari waayey kaasoo uu sheegay inuu ku saabsanaa cida xaqa u leh iney hormuud ka noqoto maamul sameynta Jubooyinka.

“Shirkii maamul sameynta Juballand ee dhowaan ka furmay Kismaayo waa sii socon doonaa, ergooyinkana waa joogaan, mana hakanayo illaa lagu soo dhiso maamul goboleed buuxa oo ka mid noqda federaallka” ayuu yiri Afhayeenka maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar, iyadoo dhinaca kale dowladu ay weli diidan tahay shirkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this