Sign in to follow this  
xiinfaniin

Kismayo Update

Recommended Posts

Carafaat   

Malistar, the issue is not only about Jubbaland but it will set a precedent for kind of a governance system Somalia will get in the future. there is much at stake for Somalia. But if the news is true and that framework is implemented, its a good thing for Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D :D

 

Some people never cease to amaze. 'xiin what is your opinion of this development' they ask. Ya guxuush, Jubbaland is a significant contribution to the return of governance to South Somalia. The government was misled on this issue. And we prayed for common sense to prevail. If this rumor turns out to be true, it only means our prayers were accepted :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah– Dowlada Federaalka oo lagu khasbey taageerida Jubaland iyo Madaxweynaha Jubaland oo Doorashadiisu fooda saaran tahay

 

London– 10 May, 2013– Madaxda ugu sareysa Wadamada ku bahoobey IGAD oo ka qaybgalay shirkii London ayaa beesha caalamka ku cadaadiyey in lagu taageero Qorshaha Maamulka loogu samaynayo Jubooyinka si ay tusaale fiican ugu noqoto Gobolada aan wali loo sameyn maamulada, Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Cumar oo isna jooga London ayaa sheegey iney guul ka gaari doonaan sidii ay u fulin lahaayeen qaybta kaga aadan IGAD balanqaadkii Roadmapka ee ahaa in IGAD talo bixin ka dhiibato maamul usamaynta Gobolada.

 

Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heléen ayaa sheegaya in Beesha caalamku ay Madaxweyne Xasan ugu baaqeen inuu si buuxda ula shaqeeyo Wadamada Dariska,oo iyagu kaalin muuqata ka ciyaaraya dib usoo nooleynta Soomaaliya, Dublamaasi la hadley Puntlandi wuxuu yiri “Ma qarsoona siyaasada Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya,Wadamada IGAD Marna lagama yaabo iney hareer maraan Dastuurka Federaalka ee u yaal Dalka, Bulshada Caalamku ku way nagu taageerayaan inaan IGAD ahaan taageerno Bulshada Maamulka ku sameysanaysa Jubooyinka, Shirkii adis ababa waxaa la isla gartey in Gudi loo diro Kismaayo si ay usoo baaraan in ay Qolyaha Kismaayo ku taagan yihiin dastuurka iyo inkale”.

 

Mar aan waxka waydiiney Siyaasada Madaxweynaha iyo Lixda qodob ee Xukuumadu wado wuxuu Yiri “Mar walba iyo Shirwalba waxaa loo wada hadlaa si dublamaasiyadeed, Dublamaasiyadu waxay leedahay Luuqad gaara oo qof walbaa uusan garan karin, Madaxweynaha Marwalba waa loo sheegaa in la soo dhwaynayo Dadaalkiisa iyo qorshihiisa lakiin hadana waxaa marwalba la xusuusiyaa in la ilaaliyo dastuurku Federaalka, wixii Dasrtuuri ah Dowlada waa lagu kaalmeynayaa”.

 

Dhinaca kale wararka aan ka helayno Howlwadeenada Puntlandi ee Kismaayo ku sugan waxay sheegeen in Kismaayo ay hada ka socdaan dadaalkii ugu dambeeyey,Gudiyada ku mashquulsan howsha waxaa loo sheegey in Beesha caalamku ay taageero buuxda siiyeen Jubaland, marka Madaxweynaha la doortana dhaqaale fiican oo waxlooga qabanayo arimaha Bulshada iyo Amaanka ay heli doonaan, waxaana maalmahaan la sugayaa in ay isu yimaadaan Ergooyinkii dooran lahaa Madaxweynaha, dhamaan Musharixiintu waxay muujiyeen iney taageerayaan kooda ku guuleysta, Waxaa hada socda kulamdii ugu dambeeyey kuwasoo lagu xalinayo Ergado oo qaar ka mid ah beelaha saluugsan yihiin, inkastoo Xalay guul fiican iyo Isfahan laga gaarey qodobo dhowra.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

xiinfaniin;948307 wrote:
:D
:D

 

Some people never cease to amaze. 'xiin what is your opinion of this development' they ask. Ya guxuush, Jubbaland is a significant contribution to the return of governance to South Somalia. The government was misled on this issue. And we prayed for common sense to prevail. If this rumor turns out to be true, it only means our prayers were accepted
:D
:D

Heshiiska ay tahay in ay Jubbaland saxiixdo ayaanan ahayn mid ay ku farxi doonto Puntland oo si weyn ugu ololeyneysa dhismaha Jubbaland.

Not everyones prayers apparently.:D

 

Those wanting to see a weak central government and clan federalism wont be to happy with this new framework set by the government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi xaqiiq raadin oo ka socda IGAD ayaa todobaadka soo socda tagaya Kismaayo

 

 

 

Wafdi xaqiiq raadin oo ka socda urur goboleedka IGAD ayaa todobaadka soo socda tagi doona magaalada Kismaayo, si ay u soo indheeyaan xaalada guud ee magaalada.

 

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa la sheegay inay la kulmi doonaan maamulka KMG Kismaayo, iyagoo kala hadli doona arrimaha shirka maamul u sameynta Kismaayo.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah uga soo horjeeda shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu sameynayo, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay shir aanay waafaqsaneyn dastuurka, habka loo wadana aanay raali ka aheyn.

 

Shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibada IGAD ayaa looga hadlay qorshaha xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada dalka, iyadoo dowladda Soomaaliya ku adkeysaneysa inay loo madax banaaneeyo maamul u sameynta.

 

Hindisaha dowladda Soomaaliya horgeysay shirka ayaa ahaa in maamulada loo sameynayo deegaanadaas ay ka yimaadaan dadka deegaanka, oo soo doorta hogaan ay raali ka yihiin.

 

 

 

Wafdigan ka socda IGAD ayaa waxyaabaha ay kala soo kulmaan tagistooda Kismaayo u gudbinaya shirka Madaxweynayaasha IGAD oo dhowaan ku yeelan doona magaalada Addis Ababa.

 

Dowladda Kenya oo ciidamadeeda qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa taageereysa dhismaha maamul goboleedka Jubaland oo qorshihiisa haatan gabo gabo marayo.

 

Shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka ayaa maalmihii u dambeeyay galayay marxalado kala duwan, waxaana horay shirka u qaadacay siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda deegaanada jubooyinka oo ku tilmaamay in shirka hal dhinac u socdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

Good news.

The FG leadership is finally coming around to its senses. Too bad it had to take someone in a foreign capital to twist their army to see reason.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Jubbaland si ay u hesho aqoonsiga dowladda federaalka waa in ay saxiixdaa heshiiska, islamarkaasina ogolaataa wax ka badalka dastuurka iyo in ay awooda la qeybsato dowladda federaalka,
kuna wareejiso maamulka meelo muhiim ah sida dekada oo kale iyo ciidamada Police-ka iyo Militariga
.

This was the crux and dispute from the beginning. If these conditions are implemented, Jubbaland will be another decentralized administrative region under the central government. We wil see the exact formulation of this framework set by the government, that will set a precedent for others regions as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

Carafaat,

At times I wonder if your comprehension of these complex issues is so warped that you miss the meaning of the conversation. Or is this a case of 'once bitten by the secessionist bug, there is no turning back'. Do not answer that ‘cos I can almost presuppose what you will say.

 

Now or in the very near future, no one in Somalia has the heart for a “central government”, weak or not, for the simple reason that under that system of government and in the name of its beguile, thousands of innocent civilians had been killed leading to the collapse of the state.

 

What is likely to work for Somalia for the interim is units of federal states where lies the power, and a weak federal government with limited powers up until Somalis have politically matured and socially agreed among themselves that they are ready for a strong federal government and a weaker, but influential federal states. For that to happen, trust must be restored. States and regions must be rebuilt from grounds up. Intelligent politicians must be born and take over the leadership of the country. Till then, the reconstruction begins from the periphery to the center, which is what you and the current FG leadership are advocating against, and not the other way round, which is what pro-federalists are advocating against. That road has been tried, tested and it failed the nation.

 

And one more time, the Jubaland leadership along with the delegates and elders conferring in Kismaayo had a single message from day one: we support and are part of the federal gov't. We want its to participate, bless and lead the formation of the Jubaland administration, and whatever the differences, sort them out between the parties. And that is where they still are. Why is that not sinking in? And why is your target keep shifting with the wind?

 

Do you recall what the contested issues where when Prime Minister Saacid visited Kismaayo?

 

And by the way, Jubaland is not the model, but a distant second or third in line to have espoused the federalist doctrine.

 

Need I continue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culosow must not be given an inch!

 

After Jubaland government institutions are formed and finalized, we must continue our fight and ensure that federalism spreads to the other provinces of Somalia. We mustn't sign any agreements with Culosow that will jeopardize this and give him more power over the fate of the bay/bakool and other bartamaha provinces. We should insist on at least 2 more federal states out of those provinces and finally make federalism a reality!

 

 

xiinfaniin;948298 wrote:

Madaxweynaha oo ogolaaday Jubbaland, balse aanan shuruudo la’aan ahayn

Published: May 10, 2013

 

Kn: Warar ay heleyso KismaayoNews waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wadamada dariska ay isku waafaqeen dhismaha Jubbaland, balse waxaa jira shuruudo ay tahay in kasoo dhalaalaan maamulka la dooranayo.

 

Waftigii IGAD ee Kismaayo tagay ayay warar hoose noo sheegeen in madaxda iyo garwadeenada shirka u sheegeen in ay si dhaqso ah kusoo gabogabeeyaan shirka, lana doorto madaxweyne si loogu talaabo wajiga kale ee wada hadalada.

 

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa IGAD u sheegey in aysan waxbo ka qabin dhismaha Jubbaland haddii ay saxiixayso nidaamka federaalka uu doonayo in ay Soomaaliya qaadato oo dhawaan baarlamaanka meel marin doono.

 

Nidaamkani ayaa waxa uu awoodo badan siinayaa dowladda dhexe, waxana uu kala xadaynayaa awoodaha maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

 

Madaxweynaha waa uu ka gaabsaday in uu saxiixo war qoraal ah oo uu ku ogolaanayo Jubbaland, balse sameeyey balanqaad ah haddii madax bisil ay soo baxdo aysan waxbo isla gafeynin.

 

Waxaa kale oo jirta in golaha wasiirada ee la’isku shaandheynayo ay kusoo biirayaan xubno cusub oo u janjeera dhanka maamulka haatan Kismaayo ka jira, taasi oo ka dhigan awood qeybsi.

 

Heshiiska ay tahay in ay Jubbaland saxiixdo ayaanan ahayn mid ay ku farxi doonto Puntland oo si weyn ugu ololeyneysa dhismaha Jubbaland.

 

Jubbaland si ay u hesho aqoonsiga dowladda federaalka waa in ay saxiixdaa heshiiska, islamarkaasina ogolaataa wax ka badalka dastuurka iyo in ay awooda la qeybsato dowladda federaalka, kuna wareejiso maamulka meelo muhiim ah sida dekada oo kale iyo ciidamada Police-ka iyo Militariga.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jubbaland oo curanaysa saacadaha soo socda

Published: May 13, 2013

 

Kn: Dhamaan ergooyinkii waa la xareeyey, waxaana kaliya dhiman in loo jaro kaarar aqoonsi waxayna hawshani qaadanaysaa saacado maadaamaa dadka kaararka loo jarayo ay yihiin boqolaal, aaladaha hawsha lagu qabanaya ay aad u yaryihiin iyo waliba shaqaalaha hawsha qabanaya.

 

Illaa shalay waxaa la’isku mari la’aa ergada Gedo, murankuna waxa uu ka taagnaa cidda soo xuleysa ergada tan ay noqoneyso gudiga odayaasha mise beelaha Gedo.

 

Mar haddii laga dhamaaday hawshii xulista ergada waxa xaray waa hawshii doorashada, waxay hawl culus u taalaa gudiga doorashooyinka oo ay tahay in dhamaan musharixiinta ay ku wada qancaan sida ay dhexdhexaad oga yihiin doorashada.

 

Waxaa kale oo ay tahay farsamo ahaan sida loo wajahayo doorashada taasi oo saameyn ku yeelan karta natiijada, sida aan wararka ku heleyno qodobada xasaasiga ah waxaa ka mid ah korjoogayaasha doorashada, ciidanka sugaya amaanka iyo nidaamka gudaha hoolka wax lagu dooranayo si looga hortago wixii is damomarin ah ama qalalaase ah.

 

Qodob kale ayaa ah nidaamka loo marayo kala saarista haddii natiijada lagu murmo iyo sidoo kale in wareegyo ay jirayaan doorasha mise cod dheeri oo kaliya wareega hore lagu kala harayo.

 

Wali gudiga farsamada shirka kama aysan hadlin farsamo ahaan qaabka loo wajahayo doorashada, waxaana jirta in ergada aysan fahamsanayn qaabka codeynta.

 

Caadi ahaan waa in dadka codeynaya la baraa, loona sharxaa sharciga codeynta, si aysan u dhicin “aniga sidan uma maleyneynin iyo wax la mid ah”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO: Ergooyinka Dooranaya Madaxweynaha Jubbaland oo Saaka la isugu geynayo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo (Warbixin)

May 13, 2013 8:30 am GMT - Written by PP

 

Kismaayo: (pp)- Iyadoo la soo dhammeeyey Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha Jubbaland State of Soomaalia iyo Kuxigeenadiisa, ayaa saaka waxaa ka socda guddaha magaalada Kismaayo Daabulaada Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa , kuwaas oo la doonayo inay Casharo Siminaaro ah oo khuseysa habka doorashada u dhacayso ay ku qaataan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo loo badinayo inay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashadu.

 

Waxaa haray maalin ama Labo oo la doonayo inay doorashada la qabto, waxaana illaa hadda liiska u tartamaya Madaxweyninimada Jubbaland soo gudbiyey illaa Lix musharax , kuwaas oo dhiibay lacagihii ay doorashada ku gelilahaayeen oo dhan illaa (3.000$).

 

Magaalaad Kismaayo ee xarrunta J/hoose ayaa aad looga hadalyaa Doorashada , iyadoo dadka ku nool magaalada ay aaminsan yihiin 90% kursigan uu kusoo baxayo Sheekh Axmed Islaam (Madoobe) oo hadda loo maleeyo inuu ugu cad cad yahay ragga u tartamaya Jagadan.

 

Abaabulka Axmed Islaam ( Madoobe) ayaa si fiican looga dareemaya magaalada Kismaayo , iyadoo Nabadgelyadiisa ay aad u dhowrayaan Ciidamo Soomaali ah oo tababaran iyo kuwa AMISOM ee dhanka nabadgelyada magaalada Ka shaqeeya.

 

Axmed Madoobe ayaa ah waqtigan siyaasi caadi ah oo wax Xil ah ka hayn Jubbaland, isagoo wareejiyey xilkii guddoomiyaninada labo maalin kahor, maadaama uu u tartamayo xilka Madaxweyninimada Jubbaland State.

 

Shacabka badankiis ayaa qaba in Axmed Madoobe uu haysto taageero shacab iyo Caalami , maadaama uu si xoogan uga soo qayb qaatay halgankii deegaanadan looga xoreeyey Xoogagii Al-shabaab, waxaana Axmed Madoobe uu sumcad wanaagsa ka helay , siddii uu maareeyey isaga iyo ragii maamulka kala shaqaynayey Jalaafooyin badan oo kaga imaanayey dhanka DF ee Soomaaliya oo iyadu aan raali ka ahayn maamul iyo kala danbayn ka dhalata deegaanada Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this