Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The Leader of Raskambooni Axmed madoobe arrives in Kismayo+PICS

Recommended Posts

Wafdi uu Hoggaaminayo Shiikh Axmed Madoobe oo Maanta Gaaray Degmada Kismaayo ee Jubbada Hoose [sAWIRRO]

 

Sabti, 23 Maarso, 2013(HOL) - Wafdi uu horkacayo gudoomiyaha maamulka KMG ee degmada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyagoona kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar taliyaha ciidamada guutada 1-aad ee gobolka Gedo Col Cabaas Ibraahim Gureey, afhayeenka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Col Warfaa Sheekh Aadan iyo Saraakiil kale, waxaana markii uu wafdigu soo gaaray garoonka magaalada Kismaayo si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka maamulka KMG ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer).

 

Sheekh Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in maalmo kadib uu dib ugu soo laabto magaalada, isagoona sheegay in ay si guul ah ugu soo dhamaadeen howlihii ay u tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Masuulkani ayaa sheegay in muhiimada howlaha ay u aadeen halkaasi ay ahayd arinta shirka maamul u sameynta Jubooyinka, wuxuuna xusay in arimahaasi oo dhan ay usoo dhamaadeen ayna filayaan in shirka laga guul gaaro.

 

 

Sidoo kale Afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo oo isna meesha ka hadlay ayaa sheegay in howlihii ay u aadeen dalka Kenya ay si weyn ugu soo dhamaadeen, wuxuuna intaa ku daray in dhawaan ay magaalada kusoo dhaweyn doonaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kaasoo uu xusay in ay rajeynayaan in ay ka qeybqaadan doonaan dadaallada ka socda magaalada Kismaayo ee la doonayo in maamul loogu dhiso gobollada Jubooyinka.

 

Imaatinka wafdigan ka soca dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimada Isniinta ee fooda nagu soo heyso la filayo in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Axmed Madoobe(or Maduba as the Kenyans call him) has returned from his HQ(Nairobi) after consulting with Kenyatta. I wonder what our Kenyans friends are planning now after the Somali goverment and PM take over the leadership of this Jubbaland conference. Apophis, could you give us some insight on the intentions of the Kenyans?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The Somali soldiers in the airport are the recent ones from Ceel-waaq, Gedo and their commander Col Cabaas seems quite pleased with the Nairobi agreement.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Gabbal;929677 wrote:
The Somali soldiers in the airport are the recent ones from Ceel-waaq, Gedo and their commander Col Cabaas seems quite pleased with the Nairobi agreement.

What difference does it make if they are from Gedo or Goobweyn? Isn't Somali soldiers enough? You had to add Gedo iyo af-tirsigooda. Caqli qabiil waa kaa saa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The disagreement over them was the reason for the recent Nairobi conference these men have just come back from. I am sorry the name of a region bugs you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this