Sign in to follow this  
xiinfaniin

Siilaanyo's No with Respect to London Conference Means YES; the Story of NAALEEYE HABACSANE

Recommended Posts

Mawqifka Siilaanyo Ee Shirka May Soomaalida Loogu Qabanyo London Wuxuu La Mid Yahay Go?aankii Uu Qaatay Odaygii Naaleeye Habacsane Oo Aan Maskax Ahaan Badqabin Markii Loo Soo Geed Fadhiistay Gabadh Uu Dhalay!

(Hadhwanaagnews) Monday, March 18, 2013

 

 

Maah maah soomaaliyeedbaa jira oo tidhaahda marka war la Helo ayaa Talo La Helaa.

 

Maah maahdaa waxaan u soo qaatay oo aan uga dan leeyahay Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ahaa nin siyaasada ka run sheega hadii uu safar dibadeed u baxo iska dhaaf golihiisa wasiirada e wuxuu u soo ban dhigi jirey dadweynaha si talo qaran looga yeedho.

 

 

10pt" class=MsoNormal>waxaynu wada xasuusan karnaa markii uu dhawr wadan oo dalalka dibeda ah marxuum Cigaal socdaal ku tegay sanadkii 1993-kii markii uu safarkaasi ka soo laabtayna wuxuu dadweynaha ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa kula hadlay garoonka kubada cagta ee loo yaqaano Haregysa Staduim ,waxaanu yidhi dawladihii caalamku dhabarka ayay inoo soo jeediyeen, waxaana loo baahan yahay samir iyo mawqif mideysan oo aynu kaga gudubno caqabadahan inaga hor yimid.

 

Hadaba siilaanayna wuxuu awoodi kari waayay in uu ka run sheego wixii uu kala kulmay safarkii uu ku tegay dalka turkiga gaar ahaan markii uu la kulmay raysal wasaare ku xigeenka dalka tukiga oo ay ilo xog ogaal ihi ay sheegayaan in uu u sheegay fariin ay ka midaysan yihiin ingiriiska,Maraykanka,wadamada kale ee reer galbeedka iyo dawladaha islaamka oo ay hor mood ka yihiin kuwa duinida carabtu, hadaba waxay ahayd in uu siilaanyo marka hore is dejiyo iskuna yeedho dadka ay arintani ay khusayso kana run sheego wixii lagu yidhi talo qaranna laga yeesho.waxaana muuqata in uu siilaanyo cadhadii uu ka soo qaaday safarkii uu ku tegay turkiga in uu kula dul kufay shirka bisha may soomaalida loogu qabanyo London.

 

Hadaba maah maah soomaaliyeed baa jirta oo tidhaahda intaanad fali ka fiirso.hadaba go?aan kasta oo uu gaadho hal qof isaga oo cadhaysan waxaa la dhalan kara waa la wada yaqaanaa nin horena wuxuu yidhi Wadaadow Alif Wax Ma laha iyo Wuu leeyahay labadaba adigaa lagaa hayaa.

 

Siilaanyana waxaan odhan lahaa in laga qayab galo shirkii hore loogu qabtay London,kii lagu qabtay Dubay iyo kii lagu qabtay dalka turkiga adigaa lagaa hayaa, in shirkan soo socda ee London lagu qabanayana adigaa lagaa hayaa, shirarkaa hore ee soomaalida loo qabtay iyo kan hada loo qabaanayaana waxba ma kala duwana markaasi labada jeer kee ayaad sax tahay keebaad se khaldan tayah, adiga oo weliba intaad labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada aad casuumad qado ah aad ugu samaysay madaxtooyada 04/02/2012-kii kadiba aad ka codsatay in labada gole ay baabiiyaan ama ay laalaan xeerkii hore u yaalay ee ahaa in Somaliland aysan ka qayb gali karain shirarka soomaalida loo qabanayo,intaa kadibna fadhigii wada jirka ahaa ee labada gole ay iskugu yimaadeen 05/02/2012-kii waxay ku fuliyeen codsigii aad ka dlabatay waxayan laaleen qodobkii xayiraada ku ahaa in aan laga qayb geli Karin shirarka soomaalida loo qabanayo.

 

Hadaba markaa kadib xukuumada siilaanyo waxay ka qayb gashay afar shir oo soomaalida loo qabtay oo laba ka mid ah lagu qabtay London midna lagu qabtay Dubay,halka kalena lagu qabtay turkiga. Hadaba waxa siweydiin mudan macaanka uu markii hore siilaanyo ku hayay shirarka soomaalida loo qabto ee manta qadhaadhka isku bedelay iyada oo dadkii markii hore diidanaa in laga qayb galo shirarka soomaalida lagu tilmaami jirey inay ka soo hor jeedaan aqoonsiga Somaliland.

 

Hadaba saaxiibayaal soomaalidu dhaqanbay lahaan jirtay xiliyadii hore waxayan illaalin jirtay xididnimada ninka guur doonka ahi waxaa uu ka soo guursan jirey reer ay abtirsiimo ahaan kala fog yihiin ama gobol kale degan oo guurka noocaasi ah waxa la odhan jirey xadhig xidh, ninka guur doonka ahi marka hore wuu sahan tegi jirey marka uu soo arko inantii u qalmi lahayd ayuu reerkooda ku soo noqon jirey isaga oo rag miisan leh kaxaysan jirey, sidoo kalena waxaa la kaxayn jirey geelii yaradka loo bixin lahaa, hadaba waxaa dhacday in tuulo ka mid ah tuulooyinkii ay soomaalidu degi jirtay horaantii qarnigii 20-aad, Ay safar galeen rag dadab dhig ah oo wada geelii ay yaradka ku bixin lahaayeen, hadaba markii ay soo gaadheen reerkii ay u socdeen ee ay inanta ama gaabdha ka doonayeen waxay markiiba la kulmeen inanta aabaheed oo ahaa ninkii odayga ahaa ee taariikhda soomaalidaan meelo badan kaga jira ee la odhan jirey Naaleeye Habacsane.

 

Hadaba markii ay u sheegeen u jeedada ay u socdeen iyo inay inantiisa doonayaan wuxuu markiiba ugu jawaabay MAYA Waxayna markiiba ragii dhangada ku dhufteen oo ay dareeriyeen geelii ay wateen ilayn madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jiree inanta Aabaheed u diidayna cid kale siin karimayso e, hasee yeeshee waxaa ragii la kulmay nin oday ahaa oo talo qabeen ahaa markii ay u warameen wuxuu ku yidhi geela soo celiya hawshuna way dhamaanaysaa miyaydaan ogeyn in NAALEEYE HABACSANE ay HAA iyo MAYADU iskugu mid yihiin oo marba uu midi afkiisa ku soo horeeyo oo uu yahay nin aysan maskaxdiisu badqabin.

 

Hadaba marka la eego shirarka soomaalida loo qabto siilaanyo wuxuu ka taagan yahay mawqifkii uu iska taagay NAALEEYE HABACSANE markii inaantiisa loo soo geed fadhiistay ee uu markii danbana ku ogolaaday, saaxiibayaal waxaynu dib u xusuusan karnaa shirkii London lagu qabtay ee hore xukuumada siilaanyo wey diiday markii hore markii danbana way ogolaatay, markaa waynu arki doonaa in maalin dhawna ay yidhaahdaan meeqaam saraa nalagu soo casuumay oo waanu ka qayb galaynaa, marka ay Hargeysa yimaadaan safiirka ingiriiska u fadhiya Addis ababa iyo safiir ku xigeenka maraykanka u fadhiya Nayrobi.

 

Hadaba isku soo wada duuduuboo Mawqifka Siilaanyo Ee Shirka May Soomaalida Loogu Qabanyo London Wuxuu La Mid Yahay Go?aankii Uu Qaatay Odaygii Naaleeye Habacsane Oo Aan Maskax Ahaan Badqabin Markii Loo Soo Geed Fadhiistay Gabadh Uu Dhalay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

But I like the proverbial elder man who when asked the hand of his daughter said NO, instead of YES. When the qualified bachelor took the NO for an answer , the timely intervention of the much wiser village elder saved the day :D

 

I love it

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaba saaxiibayaal soomaalidu dhaqanbay lahaan jirtay xiliyadii hore waxayan illaalin jirtay xididnimada ninka guur doonka ahi waxaa uu ka soo guursan jirey reer ay abtirsiimo ahaan kala fog yihiin ama gobol kale degan oo guurka noocaasi ah waxa la odhan jirey xadhig xidh, ninka guur doonka ahi marka hore wuu sahan tegi jirey marka uu soo arko inantii u qalmi lahayd ayuu reerkooda ku soo noqon jirey isaga oo rag miisan leh kaxaysan jirey, sidoo kalena waxaa la kaxayn jirey geelii yaradka loo bixin lahaa, hadaba waxaa dhacday in tuulo ka mid ah tuulooyinkii ay soomaalidu degi jirtay horaantii qarnigii 20-aad, Ay safar galeen rag dadab dhig ah oo wada geelii ay yaradka ku bixin lahaayeen, hadaba markii ay soo gaadheen reerkii ay u socdeen ee ay inanta ama gaabdha ka doonayeen waxay markiiba la kulmeen inanta aabaheed oo ahaa ninkii odayga ahaa ee taariikhda soomaalidaan meelo badan kaga jira ee la odhan jirey Naaleeye Habacsane.

 

Hadaba markii ay u sheegeen u jeedada ay u socdeen iyo inay inantiisa doonayaan wuxuu markiiba ugu jawaabay MAYA Waxayna markiiba ragii dhangada ku dhufteen oo ay dareeriyeen geelii ay wateen ilayn madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jiree inanta Aabaheed u diidayna cid kale siin karimayso e, hasee yeeshee waxaa ragii la kulmay nin oday ahaa oo talo qabeen ahaa markii ay u warameen wuxuu ku yidhi geela soo celiya hawshuna way dhamaanaysaa miyaydaan ogeyn in NAALEEYE HABACSANE ay HAA iyo MAYADU iskugu mid yihiin oo marba uu midi afkiisa ku soo horeeyo oo uu yahay nin aysan maskaxdiisu badqabin.

 

Hadaba marka la eego shirarka soomaalida loo qabto siilaanyo wuxuu ka taagan yahay mawqifkii uu iska taagay NAALEEYE HABACSANE markii inaantiisa loo soo geed fadhiistay ee uu markii danbana ku ogolaaday, saaxiibayaal waxaynu dib u xusuusan karnaa shirkii London lagu qabtay ee hore xukuumada siilaanyo wey diiday markii hore markii danbana way ogolaatay, markaa waynu arki doonaa in maalin dhawna ay yidhaahdaan meeqaam saraa nalagu soo casuumay oo waanu ka qayb galaynaa, marka ay Hargeysa yimaadaan safiirka ingiriiska u fadhiya Addis ababa iyo safiir ku xigeenka maraykanka u fadhiya Nayrobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sillaanyo's recent refusal to attend the May conference is akin to a lady playing hard to get.

 

I too, like the article reiterated, believe he will attend after a few foreign delegates go to Hargaysa to meet with him. And then come May, he will pull out that old card about attending as an independent observer or some such nonsense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;928132 wrote:
Xiinfaniin Hadhwanaagnews lost credibility since the 28 November elections 2012

Lost credibility, according to who?

 

Those who don't see things from your perspective have no credibility miyaa?

 

Believe it or not, there are growing number of people from all walks of society that are dissatisfied with Kulmiye and their Laayli-barad ministers. There are ministers who have never held an office in a government or have earned enough private-enterprise management experience to supplement that rule of thumb requirement who have been made senior ministers such as the lame duck foreign minister aka Dr. Faalso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldaaanka saaxib Kulmiye is not perfect and ofcourse there is corruption and neptioism and i am not here to defend Kulmiye but Hadhwanaangews Clanish tone with endless baseless articles is not a secret. Dr bidaars most favorite words (Ishaashi xidhiidh Mandaqada) i am sure Edna adan was much better than him. Any way Hadhwanaagnews is not the same any more thats all i am saying ever since the Xaqsoor incident

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tillamook;928175 wrote:
believe he will attend after a few foreign delegates go to Hargaysa to meet with him. And then come May, he will pull out that old card about attending as an independent observer or some such nonsense.

I seriously doubt that; word is the Brits, traditional backers, ain't giving no recognition so the relationship is the other way around...no more Hargeisa door knocking...Silanyo been asked to take what he can get and run with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AsadSL   

Xaaji Xunjuf;928209 wrote:
Suldaaanka saaxib Kulmiye is not perfect and ofcourse there is corruption and neptioism and i am not here to defend Kulmiye but Hadhwanaangews Clanish tone with endless baseless articles is not a secret. Dr bidaars most favorite words (Ishaashi xidhiidh Mandaqada) i am sure Edna adan was much better than him. Any way Hadhwanaagnews is not the same any more thats all i am saying ever since the Xaqsoor incident

 

It looks the same to me. Just because it exposed the Kulmiyes vote rigging dont be mad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

I also agree with Suldaanka. I believe his analysis is spot on regarding the country known as Somaliland, situated in East Africa, Africa, World. We should also include the nepotistic Education Minister in the mix. There must be a cohesive solution to these problems that we can no longer ignore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this