Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland senate to pass a bill to replace senate's speaker , Selebaan Gaal

Recommended Posts

Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Oo La Sheegay Inay Wadaan Mooshin Ay Ugu Ololaynayaan Sidii Muj. Xasan Ciise Xubin Rasmiya Uga Noqon Lahaa Golaha Iyo Shirgudoonka Oo Isha Ku Haya

Hargeysa March 17, 2013 (Haatuf) – Xildhibaano ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay wadaan mooshin ay ugu ololaynayaan sidii gudoomiyaha ururka Xaqsoor ee ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka Mujaahid Xasan Ciise Jaamac xubin rasmiya uga noqon lahaa 82-ka kursi ee aqalka golaga guurtidu ka kooban yahay. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun-daloola golahaasi ayaa sheegay in koox xildhibaano ah oo ka tirsan golaha guurtidu ay wadaan mooshin ay ugu ololaynayaan in golaha, oo wakhtigan ku jira fasaxii kalfadhiga 49aad ay ku doonayaan in goluhu iskugu yimaado kalfadhi aan caadi ahayn, taas oo ilo wareedyadu ay tibaaxayaan in kooxdaasi mudanayaasha ah oo la sheegay in labadii maalmood ee u dambeeyay shirar doceedyo wada fadhi ah ku yeeshay Hargeysa ay iskula soo qaadeen kulanadooda sidii Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka mid ah xubin sharafeedyada golaha guurtida mid ka mid ah xubnaha golaha ee ay isku beesha yihiin kursigiisa uga tanaasuli lahaa si markaasi ay ugu suuro gasho Mujaahid Xasan Ciise Jaamac inuu si rasmiya uga mid noqdo 82-ka xubnood ee golaha guurtida. Kooxda xildhibaanada golaha guurtida ee mooshinkaasi wada, ayaa wararku intaasi ku dareen inay aqalabiyadoodu ka soo jeedo xubnaha mucaaridka ku ah gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale la tibaaxayaa in ololahooda qayb ay ka tahay sidii isbadal goluhu ugu samayn lahaa xubnaha shirgudoonka. Waxa kale oo la sheegay inay ku eedaynayaan in hogaankoodu ka gaabiyay doorkii hogaamineed ee golahoodu ku lahaa hawlaha nabadaynta iyo geedi socodka siyaasada dalka, waxaanay wararku intaa raaciyeen in kooxda xildhibaanada guurtida ee ololahaasi ka dhex wada golahaasi ay sidoo kale qorshahooda ku jirto in Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo taageerayaasha ururka Xaqsoor oo xukuumada khilaaf cakirani ka dhex taagan yahay sidii golahoodu ay culays ugu saari lahaayeen xalin khilaafkaasi.

Dhinaca kale waxa la sheegay in shirgudoonka golaha guurtidu ay ka war qabaan dhaqdhaqaaqyada ku saabsan mooshinkaasi, isla markaana ay isha ku hayaan xildhibaanada isbadal doonkaasi wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Possibly could be our new guurti head, i think if thats done the entire Xaqsoor conflict will be behind us. Hasan ciise jamac or the Mujahid as they like to call him.Was Somalilands first vice President, what needs to be done that he acts like a true elder of the nation like selebaan gaal did Sheikh Yusuf Sheikh Ibrahim did.

 

 

xasan-ciise-jaamac.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

Hassan ciise would be a great choice to replace uncle sam. Current dude is too old and needs to retire.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this