Sign in to follow this  
Abwaan

DAAWO SAWIRRADA:-Ra’isulwasaaraha Dalka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo lagu soo dhaweeyey Caabudwaaq

Recommended Posts

Abwaan   

Published on March 5, 2013 by Jayte · 4 Comments · 6,298 views

Caabudwaaq, March 05,2013—–Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo saaka safarka dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa markii ay magaalada soo gaareen si weyn loogu soo dhoweeyey Barxadda Saldhigga degmada halkaasoo ay isugu soo banaanbaxeen kumanaankun oo dadweynaha magaalada iyo hareeraheeda. Iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin (Soo dhowaada Jaalayaal).

 

Ra’iisal Wasaaraha oo dadweynaha la hadlay ayaa aad ugu ammaanay sida ay isu xil qaameen shacabka reer Caabudwaaq, una soo dhoweeyeen wafdiga dowladda ee u kuurgalaya xaaladda gobolada dalka, gaar ahaana gobolada dhexe.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri “Dowladda Soomaaliyeed kuma eka Muqdisho oo kaliya, waxayna u kuurgaleysaa dhamaamba xaaladda gobolada dalka Soomaaliyeed, waana sii wadeynaa kormeerkan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in soo dhoweyntan ay tusineyso sida shacabka Caabudwaaq u taageersan yihiin dowladdooda.

 

“Waxaan idiin cadeynayaa in kaalinta dowladda aad ku leedihiin aanu diyaar idiinla nahay, adinkana waxaan idinka sugeynaa kaalinta ay dowladdu idinku leedahay inaad dhameystirtaan” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahadceliyay dadka degmada sida ay isaga difaaceen kooxaha nabadiidka ah.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa kula dardaarmay shacabka reer Caabudwaaq inay nabadda iyo is dhexgalka ka shaqeeyaan, wuxuuna si gaar ah ugula dardaarmay inay nabad kula noolaadaan degmooyinka iyo gobolada deriska la ah. taasoo buu yiri keeni karta nabada oo horumarta.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u balan qaaday in dowladdu ku taageeri doonto degmada iyo gobolkaba sidii ay u yagleeli lahaayeen maamul gobol oo ku waafaqsan Dastuurka.

 

Ugu dambeyntiina Ra”iisal Wasaaraha ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka, iyo kan degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardayda iyo dhamaan bulshada degmada, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Walaalaha Jabuuti oo qeyb libaaxleh ka qaatay sugidda amniga gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

 

 

IMG_2663.jpg

 

IMG_2642.jpg

 

IMG_2627.jpg

 

IMG_2606.jpg

 

DSC04440.jpg

 

DSC04373.jpg

 

DSC04371.jpg

 

DSC04353.jpg

 

http://radiomuqdisho.net/daawo-sawirrada-raisulwasaaraha-dalka-iyo-wafdi-uu-hogaaminayo-oo-si-heer-sare-ah-loogu-soo-dhaweeyey-degmada-caabudwaaq/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this