Sign in to follow this  
sharma-arke451

top news: fadeexad madaxweeynaha iyo PM shirdoon dhexmartay xalay,!

Recommended Posts

Xalay waxaa ka dhacay Madaxtooyada Villa

Somaliya arin aad loola yaabay oo fajacisa ku

noqatay dadkii ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada

Somaliya, kadib Markii Madaxweynaha Somaliya oo

siweyn uga Carooday Shirka ka furmay Magaalada

Kismaayo uu Tarmuus shaah ah ku halgaaday ama ku tuuray Raisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ,

isagoo waliba canaan xoogan u raaciyay. Ilaalada labada Mas’uul Raisul Wasaaraha iyo

Madaxweynaha ayaa soo kala dhex galay gacan

ka hadalka dhex Maray Madaxweynaha Somaliya

iyo Raisul Wasaaraha Somaliya Saacid. Wararka

waxay sheegayaan in Raisul Wasaaraha dhaawac

ka soo gaaray Lugta Midig Bowdada oo uu diirka ka dhacay. Madaxweynaha Somaliya oo aad u careysnaa ayaa

la sheegay inuu Saacid ku eedeeyay in uu ku

guuldareystay wax ka qabashada arimaha

Jubboyinka iyo Gedo ee aheyd ujeedadii ugu

weyneyd ee loogu dhiibay Xilka Raisul

Wasaarenimo , waa sida uu hadalka u dhigaye Madaxweynaha Somaliya. Sidoo kale Madaxweynaha waxuu aflagaadeeyay

Raisul Wasaare Saacid oo uu ku sheegay nin Jilicsan

oo ku guuldareystay howlahii loo igmaday. Raisul

Wasaaraha ayaa lagu soo waramayaa inuu isku

dayay inuu qanciyo Madaxweynaha Balse waxaa

xaajidi oo dhan dhoobeyay Madaxweynaha Somaliya oo caro xoogan ka qaaday Shirka ka

furmay Magaalada Kismaayo. Madaxweyne Xasan Maxamud Culusow ayaa

waxuu ku dhawaaqayay sida wararku

sheegayaan ” Kismaayo beel Kenya taageereyso

ayaa qabsatay, umana dul qaadaneyno dagaal

ayaan ka xinaa, Kismaayo dadka ku shiraya uma

dhalan , Dadka Kismaayo u dhashay Muqdisho ayay ila joogaan” Iwm. ” Puntland ayaan qaatiyaan ka taagneyn oo

dowlada dhabar jebisay sharcigana ku tumatay,

Maamul kale oo carqaladeeya dowladeeyda uma

dul qaadanayo, Koonfur kalama qeybsanto ,mana

yeeleyno in beelaha qaarkood ku fikiraan Maamul

gobaleed” waxaa sidaas yiri Madaxweynaha Somaliya sida ay noogu soo waramayaan

Shaqsiyaad goob jooge ahaa. Arimahan foosha xun ee naceybka qabiilka ku

saleysan ee ka soo burqanaya Madaxweynaha

Somaliya ayaa ah mid sii kala fogeynaya Shacabka

Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waana mid hor

seedeysa burbur deg deg ah oo ku yimaado

qarinimada iyo midnimada Soomaaliyeed. Dhanka kale Ra’isul Wasaare Saacid ayaa lagu soo

waramaya inuu ku dooday in uu ku dadaalay wax

ka qabashada iyo is hortaaga Maamulka

Jubaland ,balse uu wax ka qaban waayay. Isku soo wada duuboow Madaxweyne Xasan

Culusow ayaa waxaa ka dhex qarxay

foonkaanadii qabiyaalada iyo Cadaawada aheyd

oo Calooshiisa ku jirtay. Hadal haynta ugu badan ee

maanta taalo Villa Somaliya ayaa ah dhacdada

xalay dhex martay Raisul Wasaare Saacid iyo Madaxweyne Culusow.

Waamonews.com

Wal cowdatu cala naaqil

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Warkii waxaa loo diray rooxaan meesha joogta, warbixinta saxda ahna waxay dhahday twitter baan ku soo bandhigayaa, so stay tuned.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;923374 wrote:
Warkii waxaa loo diray rooxaan meesha joogta, warbixinta saxda ahna waxay dhahday twitter baan ku soo bandhigayaa, so stay tuned.
:D

politically shortsighted fella. am waiting when you see the dark.

 

nothing makes sense in the somali politics. i wonder why some are pretending.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this