Sign in to follow this  
Che -Guevara

Biggest Heist in Somalia

Recommended Posts

Jen. Gaafow “Tuugo nala joogta ayaa na gashay ee ma ahan tuug banaan nooga yimid, Air Porka waa Ammaan”

 

Taliyaha Hogaanka Socdaalka dowladda Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay fal xatooyo ah oo dhamaadkii todobaadkii hore loo geystay Xafiiskiisa oo ku yaal Garoonka Diyaaradaha, isagoo faah faahin ka bixiyay.

 

Jen. Gaafow oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in lacag dhan 110-kun doolarka Mareykanka oo ka mid aheyd lacago lagu dayactirayay Xarinta Immigartion laga xaday Xafiiska, iyadoo la jabsaday Qasnadii lacagta ku jirtay.

 

“Meesha Immigration ee qorshuhu ahaa in la dhiso waxay aheyd meel baaba’day, hal daaqad uma harin, waxaa u bandhignay wasiirka Arrimaha gudaha oo aan dhahnay waa dhiseynaa howl iska wax u qabsa ku qabaneyna waa naga ogolaaday, markaas ayaa u yeernay dad asxaab ah iyo Hey’ado dalka nala joogo inay dhisaan, shirkad la dhaho Alkowneyn ayaa la heshiinay inay noo dhisto waxaa kula heshiinay lacag dhan 133,862 oo doolar inay dhismaha ku qabtaan”ayuu yiri Jen. Gaafow.

 

Jen. Gaafow ayaa sheegay in lacagta laga qaatay xafiiska ay gaareysay 110, kun doolar, isla markaana 20-kun uu qaatay Engineerka, waxaana uu xusay in aanay marna fileyn in dhankooda ay Tuugo ay soo dhex gasho, lacag intaas la eg xafiiska laga xado.

 

“Anaga saacad walba u baahan karnay Air Porka waa ammaan intaas oo ciidan ayaa joogay Amisom ayaa joogta, marnaba ma gileyn in Tuugo ku soo baxeyso, Tuugo nala joogte ahaayeen banaanka noogama imaan”ayuu yiri Jen. Gaafow oo intaa ku daray in la qaatay Recivier-kii Camerada Air Porka lagala socday.

 

Mar la weydiiyay waxa laga yeelayo afar ruux oo loo xiran arrinta xatooyada oo mid ka mid ay tahay haweeney ayuu sheegay inay ka war sugayaan baaritaanka socda.

 

Si kastaba ha ahaatee todobaadkii hore ayay aheyd markii ay soo shaac baxday in lacag laga xaday Xafiiska Jen. Gaafow, iyadoo arrintan ay aheyd mid aad loo hadal hayay.

 

http://www.jowhar.com/?p=1369

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge;922825 wrote:
gaafoow stole the money. miyaa laysku ciyaarayaa miyuu saaxiibkeey abwaan oran jirey. Lol

lol...Mooge, I guess I have to agree with you on this one. Dadka noocaan ah ma ahan wax la qarin karo. Ninka lacagtii isaga hallaga soo qaado, ugu yaraan meeshay aadey wuu garan karaa.:D Receiver baa la qaatay ku lehe. Dowladdu hadii aysan beddelin waxa agaasime jooga iyo raggii intii Gaafoow qaraabanyey joogey dowlad ma sii ahaanayso. Been cad la iskuma sii sheegi karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lool something like this, that is the worst design I have ever seen, what ever happened to creativity, that building yaa Caano-Geel really looks like a prison similar to the one in Al Catraz.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune;922869 wrote:
lool something like this, that is the worst design I have ever seen, what ever happened to creativity, that building yaa Caano-Geel really looks like a prison similar to the one in Al Catraz.

LOL waar niyaw I can't talk about the design but the building is big enough to handle for immigaration stuffs.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Caano Geel, at least we agree that we need creativity on future designs, at least, those horrible urban planners back home use gaaweeto to make measurements.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Caanoolow, I'm sure you agree with my observation :D

 

The fat man did look suspicious. I bet he has it stashed somewhere safe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune;922869 wrote:
lool something like this, that is the worst design I have ever seen, what ever happened to creativity, that building yaa Caano-Geel really looks like a prison similar to the one in Al Catraz.

aesthetics isn't your strong skill. isku xishood inaadeero Nuunoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

ii warran my friend Alpha, maalmahan isku xishood unbaad la soo boodaayee, horta arrimaheeni xagee inoo marayeen iska iloow my crtic of that design and also forget it if you are assuming I am anti-Somaliland just because design ayaan ka hadley.

 

2013 wey dhamaaneysaa, and there is no sign of your Somali getting improved, you see, even myself ingiriis baan qorayaa and I blame you for that,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this