Sign in to follow this  
suleeymaan

The other Jubbalanders speak out and expressed their fear of a new civil war in the south.

Recommended Posts

Shirkaan oo ah mid ballaaran ayaa wuxuu xilligaan uu ka soconayaa Hotel City Palace ee Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir, waxaana looga soo horjeedaa shirka berito lagu wado in uu ka furmo Magaalada Kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb gelaaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee Jubbooyinka, Xildhibaanadii hore, Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Haweenka Jubbooyinka iyo Ergooyin la sheegay inay ka kala socdaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay si adag uga soo horjeesteen shirka berito ka furmanaaya Magaalada Kismaayo, waxayna sheegen inay shirkaasi ka diggayaan.

Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen in shirkani uu yahay mid u gaar ah Sheekh Axmed Madoobe iyo ragga la safan, balse aanu ahayn mid ay u dhan yihiin dhamaanba beelaha degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Odayaasha iyo wax garadka Gobolada Jubbooyinka ayaa waxay iyagu sheegeen inay dareen ka muujinayaan, dagaalo hor leh oo ka qarxa Magaalada Kismaayo, haddii ay sidaani wax ku sii socdaan.

Ururka Raaskambooni ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu si cad uu uga soo horjeestay mowqifka Xukuumada, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu sheegay inaan la aqbali doonin qolo gaar ah, oo Maamul Goboleed U Sameyneyneyso Jubbooyinka iyo Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkan "ballaaran" ee iyaku ku qabsadeen Hotel City Palace ma loo dhammaa? :) Shirkan laftiirkiisu miyuusan ahayn mid u gaar ah dad qaas ah oo ka soo horjeeda Maamul u samaynta Jubba. Sidee kan ku saxsan yahay marka? Naga daaye dee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jubbaland is most diverse regions in Somalia, Kismayo is key city therefore it should be the task of Federal admin to form temporary administration. FOLLOWED BY A GRASS ROOT ADMIN BY ELECTION

Share this post


Link to post
Share on other sites

malistar2012;922213 wrote:
Jubbaland is most diverse regions in Somalia, Kismayo is key city therefore it should be the task of Federal admin to form temporary administration. FOLLOWED BY A GRASS ROOT ADMIN BY ELECTION

+1

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;922265 wrote:
qoloda xamar ka qaylinaysa may Kismayo aadaan hadday run sheegayaan?

 

Mise Sheekh Hassan Sheekh Mohamud baa abaabulay
:D

they will get killed the way 7 of my kinsmen got killed in kismayo by raaskamboni.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Khilaaf soo kala dhexgalay Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo.

 

admin | Feb 27, 2013 | 0 comments

 

 

Wararka naga soo garaya Magaaloyinka Kismaayo iyo Garbaharey ayaa waxaay tibaxayaan in hadal manta uu warbaahinta siyay Afhayeenka Raskambooni uu dhaliyay Khilaaf aan horay u jirin.

 

Hadalkaan ayaa ahaa in Shirka Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo uu bilaaban doono Maalinta bari ah ee ay taarikhdu tahay 28 bishaan Febaraayo 2013.

 

Ku dhawaqida Afhayeenka Raskambooni Cabdinasiir Seerar uu ku dhawaqaay maalinta rasmiga ah ee uu dhacaayo shirka ayaa waxaa caro ka mujiyay Masuliyinta Maamul usameynta Juboyinka iyo Gedo ee ku sugan Magaalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo.

 

Masuliyiinta ku sugan Garbaharey ayaa waxaay qaban in aan shirka maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo la furin inta uu soo dhamanaayo Shirweynaha uga socda Garbaharey.

 

Sido kale waxaay qaban in Afhayeenka Raskambooni Cabdinasir Seerar usan xaq u lahayn Iclaminta Shirka Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo xili ay jiraan gudi lo xilsaray Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo uu hormuud u yahay Macalin Maxamed Ibrahiim.

 

Dhanka kale warar aan Kismaayo ka helayno ayaa waxaay tibaxayaan in Gudomiyaha Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo Macalin maxamed uu laftiisa si weyn uga xumaday sida logu soo xadgudbay shaqadi lo egmaday.

 

Waxaa socda Wadahadalo ay wadan dad samadoono ah kuwaas oo lagu qaboojinaayo Xiisadi ka dhalatay ku dhawaaqida Maalinta rasmiga ah ee uu furmanaayo shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee uu manta ku dhawaqaay Afhayeenka Raskamboni.

 

Ma cada sida Shirka Kismaayo uu bari u furmi doono hadi uu se Furmo xili Ergadi Gobolka Gedo ay maqantahay waxaa ay taasi sababi karta in Masuliyinta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee hada ku sugan Gobolka ay ka baqsadaan ka qaybgalka Shirka taas oo sababi karta in Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo uu si fudud u fashilmo.

 

——————————————-

 

Kismaayo News Agency

 

Kismaayo-Somalia

 

http://kismaayo24.com/?p=55100

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waryaa Oodka dhibka jooji. Anigu dadka iskuma soofeeyo. Plus since when was I the gov spokesperson? Check the website I posted here it is the very same that xiin and co were posting here.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oodweyne;922321 wrote:
^^ Waan Gartey, yaa Abwaan...
:D

 

But in all honesty, I really thought that your president have had enough historical books next to his bed to know where this business of Zero-Sum game in clannish Somali setting will end, particularly if one follows to it's logical conclusion.

 

After all he has been in Somalia for the last 20 years, and here we are still asking why this president walked into this easily definable trap (and that is assuming he hasn't chosen to walk into it in the first place).

 

In other words, you do know I take it that there are so many ways he could of really make this argument a nonstarter if he had only seen the minefield for what it is and then act accordingly.

 

But, still for what is worth, let just say I have learned the political imagination of this president. And it surely less than what his apologist (including you) have said it had amount to, indeed.
:D

Oodka, don't you think that you and few others over here are just making allegations and do not have proof on your claims against this president. Check this Mooge dude. He started his campaign on the day that Mr Hassan came to office. If I am not mistaken he was the only one over here that started the name-calling and was against the president, then followed his scripts, carruurta meeshaan uga cammirta and few like xiin and The Zack oo xaalkooda Ilaah ogyahay:D. Who does he think he can fool? That is why aan Mooge hal-qabsi uga dhigto. I am not against people criticizing the president's leadership but all I am saying is let this be based on the truth rather than fabricating maalayanci.

I know that you personally do not want for this government to acheive any good cause you are still buurtii go'doonka ee aad fuushay 1991 ee ha igu ciyaarin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...Oodka you and Mooge have faan, booto iyo bakh-bakh in common.:D Ninyahow Xassan Sh. Maxamuud waa madaxweynaheennii aniga iyo adiga. Haddaad diiddid kugu khasbi maayo. That is his job inuu muxaafid amase mucaarad miyir leh mid kugu daraa. Aniguse waxaan ku leeyahay ninyahow inaan Muqdisho mar dhow ka imid soo ma ogid? Soo ma ogid inaan madax iyo maati reer Hargeysa soo arkay.? Mase ogtahay in marka laga reebo dadka ka imaanaya Qurbaha ee imaanaya Muqdisho, meesha labaad ee laga yimaadaa ay Hargeysa tahay? Ninyahow Hargeysa Jiilaal baa ka dhacay, ingiriisna wuxuuba soo dhejiyey argagixiso ayaa timid ee halla qaxo marka Xamar waa caasimaddaadii ee dhibka joogi. Balse waan qabaa in si miyir ah loo wada hadlo oo ummaddaan wixii kala gaarey mugdiga iyo madmadowga laga saaro. Laakiin aan kaa waaniyo inaad ku faantid Laascaanood baan shaah iyo Caano-Boore ku cabaa inaad ku faantid. Taasi dhiillo colaadeed ayey abuuri kartaa. Inaad Garoowe, Laascaano iyo Muqdisho midna la dagaashaa dani kuuguma jirto, iyana dagaalkaaga waxba ka faa'iidi maayaan. Warkii oo kooban aan kula kaftamee adigu miyaadan Xamar shaqo u raadsaneynd illeen meeshii la soo dhoobaaye?:D Mise weli Waad is giijin?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Abwaan Reer oodweyne baryahaan dambe siyaasadda koonfurta aad bay ugu dhuun duleeleen golihii snm waa lasoo koobay wax yar oo burcada shishe u badan baa lagasoo reebay sow idaacadah lama socotid?

 

Madaxweynaha umadda xafidullah cidina cay wax kaga qaadi mayso adna waa ina adeerkaaa anna waa madaxweynahgii wuxuuna ku mashquulsan yahay safaaradihii reer yurub oo ooda soo goostay meeshii la dajin lahaa iyo qurxinta bilicda muqdisho

 

Heesahan kismaayo oo reer barigu qaadayaan iska dhagayso,aakhirka markii wixii malagoodu galo dhintaan magaalo soomaaliyeed bay noqonaysaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loooool....Iga qor...Qoran laakiin yeysan taasi kugu soo laaban.

 

Oodka dadka Guriceel ka yimid ee Hargeysa joogaa ma ciidammada Hargeysa ayey ku biiraan? Ma wasaarado iyo xaafiis maamul bay shaqo ka raadsadaan? Soo kama hadleysid dadka ganacsiga iyo Bacadlaha furta amase ilmuhu iskuulladu u aadaan. Anigu kuwaan soo arkay waa kuwo CV wata oo ciidanka in la qoro raba, qaar already wayba shaqeeyaan, kuwo Wasaaradaha iyo xafiisyada dowladda amase u shaqeeya ama shaqo ka raba. Ninyahow Fowsiyo shaqada ay hayso gacan baan u taagey, waxaanba dhihi lahaa intii ka xumaatay markay hadda ka hor tiri "inay u dhaxayso Hargeysa iyo Xamar" ha iska illaaween waayo shaqo culus bay wasiiraddu waddaa.

Siilaanyo haddii uu adiga kaaba-qabiil kuu yahay UN, Arab, African and International meetings miyuu kaa meteli karaa? Xasan Sh. Maxamuud wuu kaa meteli karaa oo waad ogtahee.:D Oodka naga daa inaan maanta dhiigga kugu kariyo ma rabee intaan runta indhaha kaa wada saaro.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this