Sign in to follow this  
Salahudin

war deg-deg ah

Recommended Posts

Wefdigii Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ee Magaaladda Kismaayo galabta soo gaaray ayaa loo diiday inay gudaha Magaaladda galaan,kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen shaqaaqadii Saldhiga Kismaayo ay doraad weerareen rag ka tirsan Jabhadii burburtay ee (Dooxada-Jubba),inkastoo Sarkaalkii ciidanka watay ee Laba-Gare iyo 4-ka mid ah ciidamdiisa la dilay 18-ka mid ah ciidamadii Saldhiga Kismaayo soon weerarayna nolol lagu qabtay.

 

Wefdigan loo diiday inay gudaha u soo galaan Kismaayo ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha C/kariiin Xuseen Guuleed,Wasiirka Maaliyadda Cawil Saleebeen iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi,Wefdigan oo qorshahoodii hore ahaa inay Casumaadda shirka beri Muqdisho lagu qabanayo inay Qolooyinka Kismaayo kasoo qeyb-galaan,ayaa lagu gacan-sayray,waxaana lagu wargeliyay in shirka Maamul u sameynta Jubooyinka lagu qabanayo Kismaayo.

 

Is-jiid-jiid iyo muran kadib ayaa Wefdigii Muqdisho ka yimid loo ogolaaday muddo 2-saac ah inay kulan la qaataan Gudoomiyaha Maamulka KMG-ah ee Jubooyinka Sheekh Axmed Madoobe,waxayna ugu dambeyntii la isku afgartay in Wefdiga ay dib ugu noqdaan Muqdisho wadatashina lasoo sameeyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo wefdigan soo diray.

Arinta ugu yaabka badan ayaa noqotay in Xafiiska Reysalwasaare Saacied uusan ka warheynin Wefdigan uu Muqdisho ka diray Madaxweyne Xasan,waxayna arintaasi cadeyneysaa inuu jiro khilaaf aan soo shaac-bixin oo labadan mas'uul u dhexeeya,maadaama Wefdigan uusan ka warqabin Reysalwasaare Saacid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this