Sign in to follow this  
The Zack

What really happened in Kismayu..

Recommended Posts

The Zack   

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii maanta ka dhacay Kismaayo(xog)

 

Barqanimadii saaka ayay laba nin oo loo malaynayo inay sahan u ahaayeen kooxdii weerarka soo qaaday kana tirsan ciidamada dowlada Somalia ay soo galeen saldhiga dhexe ee magaalada Kismaayo waxayna su’aalo la xidhiidha maxaabiis lagu hayo saldhiga weydiiyeen askarigii oobiga qorayay/hayay.Waxay weydiiyeen goorta la sii deynayo qaar kamida rag saldhiga kujira oo howlgalkii shalay lagu soo qabtay.Askarigii oobiga qorayay iyo labadii nin ayaa meeshii muran ku dhexmaray waxaana dhacday in mid kamida labadii askari uu xabad kor urido taas oo sababtay in askartii ilaalada ka ahayd saldhiga ay goobtii ku toogtaan mid kamida labadii nin ee xabada riday.Isla xiligaas ay xabadu ka dhacday saldhiga waxaa saldhiga gudihiisa shir uga socday saraakiisha amniga ee maamulka kumeelgaarka ee magaalada Kismaayo.Waxaa kulanka saldhiga kasocday xaadir ku ahaa Jeneraal saxardiid, Qalinle, Cabaas iyo Raadeer oo daqiiqado ka hor ka baxay saldhiga intii aysan xabadu qarxin.

 

Ilo xog ogaal ah oo xogtan nala wadaagay ayaa sheegay inay jirtay qorshe laga soo shaqeeyay oo labada nin ee saldhiga soo galay hordhac u ahaayeen.

 

Markii ay xabadii ugu horaysay qaraxday ayaa koox lagu qiyaasay 20 ilaa 30 oo isugu jiray qaar katirsan ciidanka dowlada iyo maleeshiyaad beeleed ay weerar kusoo qaadeen saldhiga dhexe waxaana halkaa ka qarxay dagaal mudo socday.Maleeshiyaadkii weerarka ku ahaa saldhiga ayaa waxaa dhabarka kaga yimid ciidan soo gurmaday markii ay maqleen xabada waxayna maleeshiyaadkii noqdeen wax dagaalkii lagu dilo, kuwo firxaday iyo intii soo hartay oo ku cararay guri weyn oo dhinaca dambe ka xiga isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

 

Ciidamadii amaanka ee magaalada Kismaayo ayaa isku wareejiyay dhismihii ay ku baqa carareen maleeshiyaadkii waxaana dhismihii lagu qaraacay qoriga hoobiyaha, iyadoo ciidanku amaanku uu go’aansady inuu soo afjaro kooxdan ayaa wuxuu amar kasoo baxay gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo ahna hogaamiyaha ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Madoobe oo ciidamada amaanka ku amray in ciidanku ay xabada joojiyaan farahana ka qaadaan kooxdan wali kusii harsan dhismaha, waxaana halkaa ku soo geba gaboobay dagaalkii.

 

Khadadkii telefoonada oo markii ay xabadu bilaabatay maamulku uu hawada ka saaray ayaa dib hawada ugu soo noqday xiligii salaada maqrib.

 

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii maanta ayaa ah 7 ka dhimatay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday oo uu kujiro horjoogahoodii iyo dhaawac badan.

 

Dhanka ciidamadii amaanka waxaa la xaqiijiyay geerida 2 askari oo katirsan ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo.Ciidamada uu dhaawaca soo gaadhay waxaa kamida taliyaha saldhiga degmada Kismaayo Cabdullaahi Qalinle.

 

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan waxaana maanta magaalada soo gaadhay wafdi balaadhan oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi, waxaana wafdiga maanta magaalada soo gaadhay u badnaayeen siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo oo uu kamid ahaa Maslax Siyaad Barre.

 

Waxaa la yaab ah arinta sidaas u dhacday in saxaafada soomaalidu ay si kale udhigto oo ay sheegto in magaalada ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed taas oo xaqiiqda ka fog.Dagaalkii maanta Kismaayo ka dhacay wuxuu dhexmaray maleeshiyo beeleed iyo ciidanka amaanka ee magaalada Kismaayo waxaa taas daliil u ah waxaa dagaalkii maanta ku dhaawacmay taliyaha saldhiga degmada Kismaayo Cabdullaahi Qalinle oo ah sarkaal ay isku heyb yihiin maleeshiyadii weerarka saldhiga kusoo qaaday, wuxuuna Qalinle ku dhaawacmay dagaalkii isagoo xiligaa difaacayay saldhiga.

 

Waxyaabaha been abuurka ah ee aadka maanta loo qoray ayaa waxaa kamida in laba maleeshiyo beelood ay Kismaayo ku dagaalameen, in saldhigii dhexe laga qabsaday ciidamada amaanka, in maxaabiis xoog lagu furtay iyo buun buunin la buun buuniyay dagaalka oo la gaadhsiiyay heer uusan gaadhsiisanayn.

 

Maamulka kumeelgaarka ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa usocda shir looga arinsanayo kooxdii dagaalka ka riday magaalada iyo hadii ay jirto gacmo qarsoon oo ku lug lahaa dagaalka iyo in sidii lagu xaqiijin lahaa in arintan oo kale aysan mar dambe dib u dhicin.

 

Dadka ree Kismaayo ayaa aad u hadal haya dagaalkii maanta ka dhacay aga gaarka saldhiga Kismaayo iyadoo lagu macneeyay inuu ahaa qorshe jihooyin badan ay ku lug lahaayeen laguna doonayay in lagu abuuro qas iyo amni daro lagu minja xaabiyo qorshaha shirweynaha maamul usameynta Jubooyinka iyo Gedo ee gogashiisu taalo Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

i have been telling gabal, oba and abwaan that hiiraan onine and other clan websites will not change the facts. kismayo has moved on from clanish JVA era. the propaganda will not change anything on the ground. lol.

 

gabbal and his HAG masters sooner or later it is better they accepts their faith in the Juba and choose peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^True that. There wasn't such thing as Reer Hebel vs Reer Hebel fighting in Kismayu. It was thugs vs the interim admin fighting. The thugs have been dealt with easily. Unfortunately, 9 lives were lost but it is what it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Awoowe so the BBC and all other non-affiliated information portals are saying one thing and somehow a small tribal site is to be taken seriously?

 

On that note, just spoke with Kismaayo this morning time for them. The Gedo boys are fully in control of saldhiga, Xaafada Calanlay and Faanoole and the other places where the fighting took place. Ras Kamboni was chased out to the outskirts of the town heading towards the airport and AMISOM base. Currently both groups are positioned where they left off yesterday, AMISOM/Kenya has formed a physical barrier between them, and elders/politicians are working on addressing grievances which led to the clash.

 

KDF forces this morning asked the Gedo boys to vacate the Central Police station (saldhiga) but the AMISOM head of mission based in Mogadishu warned them "strongly" against interfering politically and instead ordered them to form a physical barrier between the two groups. AMISOM head of mission recognized the issue as a political one and not a military one under the guidlines of the mandate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge;921072 wrote:
i have been telling gabal, oba and abwaan that hiiraan onine and other clan websites will not change the facts. kismayo has moved on from clanish JVA era. the propaganda will not change anything on the ground. lol.

 

gabbal and his HAG masters sooner or later it is better they accepts their faith in the Juba and choose peace.

still fabrication iyo isku d i r dad walaalo ah baa laga shaqaynayaa. Waa yaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabal, bro, the dudes who died and those that killed them are all from the same sub clan as yourself. So pray explain how these Ras Kambooni fellows enter the picture?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^All the conflict was between Gedo boys, the pro shir and those few anti-shir supported from Mogadishu. Raskamboni was not directly involved but only joined later to repel the group that attacked the police station.

 

The whole conflict was between reer Gedo themselves who were not ready for the conference in terms of their unity and full support behind the initiative for the creation of Jubbaland and short number of delegates present to representing them. While the Kab-n-lax were ready with their delegates and were fully united in creating Jubbaland state and were waiting for reer Gedo to sort their differences and complete their number for the Shir. Only two days ago, the delegates that were suppose to come from Garbahaarey were stopped from flying to Kismayo by another Gedo group propped up and supported from Mogadishu. The same sabotages was occurring in Kismayo too by few individuals and some of the officials of same clan including the police head decided to arrest them but armed militias came to the police demanding to release the men by force but the police refused and then what happened was a history. Death and armed confrontation in which both sides loses were greatly from Gedo clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Gabbal -

 

LOOOOOL@AMISOM ordering Kenyans all the way from Kismayu! :D :D

 

You are talking like Barre Hiiraale. Dude stop calling Gelgaduud to get news about Kismayu. Call Kismayu to get Kismayu news.

Gedo boys were in control of the police station already when this attack occurred because they are part of the admin, they are part of troops controlling Kismayu. 30 Cabduwaaq boys attacked and create chaos in the station. They killed the police chief (a man from Gedo) and two other soldiers on duty. The good news is the thugs lost 7 of their men including their commander. They have been chased out and are now hiding in a building in Calanleey. They could've been dealt with right away but the admin in Kismayu is working hard to get them out safely. The peace in Kismayu cannot be interrupted by few from far far place, Galgaduud. The people of Jubbaland are united than ever. You wish for war and instability in Kismayu because you have no stake there. If as you tell us this was a fighting between two clans, then why the f(*$8 is Colonel Reedaar is still the deputy of the Kismayu admin? Why is Awl Lbaax facilitating stuff in Jubba? Why are the real Gedo and their Ugaas meeting in Garbaharey as we speak discussing the fate of the delayed conference?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Reer Gedo know what is going on, waryaadaa.. I will let them talk for themselves:

 

 

Yaa ka dambeyey dagalkii maanta?Dowaldda FS iyo Qurabjoog Guddiyo Isku Tilmaamay

 

Dowladda FS oo si wayn uga soo horjeeda qorshaha nabadda iyo maamul u samaynta deegaanada Jubbaland ayaa wada qorshe hoose oo ay Ku doonayso in ay dagaalo sokeeye ay ka qarxaan deegaanada Jubbaland, iyadoo isticmaalaysa dad ka soo jeeda deegaanka

 

Wararkaas xaqiiqada ahi waxay intaa ku darayaan in ay waliba jiraan kooxo isku sheegay guddiyo qurbajoog oo si wayn u abaabulaya in deegaanka dib loogu celiyo xilligii jabhadaynta, iyagonan u aaba yeelayn dadka ay colaaduhu diloodeen ee doonaya inay helaan nabad iyo horumar.

 

Kooxahaan qurbajogta ah ayaa har iyo habeen qadka telefoonka kula jira rag ku dhaqan deegaanka Kismaayo iyagoo ku waaniya, talooyinna ku siiya inay colaad u joog ahaadaan, mar walbana carabkooda ku adkeeyaan diidmo.

 

Arintaan markaanu baarnay waxaanu ogaanay in qorshaha qurbajogta laga soo karkariyo Magaalada Muqdisho oo ay kudhaqan yihiin dagaal oogayaan fara badan. Waxaan warar xaqiiqo ah ku helnay in dagaalkii ka dhacay magaalda Kismaayo Maanta ay abaabulaeen qurbajoog deegaanka u dhalatay, iyagoo kharashaad iyo dhaqaalaba ku bixiyey in la bilaabo dagaalkii maanta

 

gedoweb online

gedoweb@gedoweb.com

http://gedoweb.com/modules.php?name=News&file=article&sid=3476

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Here is the VOA reporting on the incident:

Xaaladda Kismaayo oo Maanta Deggan

 

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maanta deggan kadib iska horimaadyo shalay ka dhacay halkaasi.

 

Iska horimaadka ayaa dhacay kadib markii maleeshiyo ay weerar ku qaaday saldhigga magaalada oo ay ku xirnaayeen dad lagu tuhmay inay Al-Shabab ka tirsna yihiin.

 

Saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Raaskaambooni ayaa isku dayaya in xaaladda la dejiyo, iyadoo ay weli jiraan maleeshiyo hubaysan oo dhufaysyo uga jira xaafado ka mid ah magaalada.

 

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhimashada dagaalka shalay ay korodhay ayna gaadhayso ilaa 12 qof oo ka tirsan maleeshiyooyinka dagaalamay.

 

http://www.voasomali.com/content/article/1609745.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

The Zack;921195 wrote:
Reer Gedo know what is going on, waryaadaa.. I will let them talk for themselves:

 

 

Yaa ka dambeyey dagalkii maanta?Dowaldda FS iyo Qurabjoog Guddiyo Isku Tilmaamay

 

Kooxahaan qurbajogta ah
ayaa har iyo habeen qadka telefoonka kula jira rag ku dhaqan deegaanka Kismaayo iyagoo ku waaniya, talooyinna ku siiya inay colaad u joog ahaadaan, mar walbana carabkooda ku adkeeyaan diidmo.

 

Arintaan markaanu baarnay waxaanu ogaanay in qorshaha qurbajogta laga soo karkariyo Magaalada Muqdisho oo ay kudhaqan yihiin dagaal oogayaan fara badan. Waxaan warar xaqiiqo ah ku helnay in dagaalkii ka dhacay magaalda Kismaayo Maanta ay abaabulaeen qurbajoog deegaanka u dhalatay, iyagoo kharashaad iyo dhaqaalaba ku bixiyey in la bilaabo dagaalkii maanta

 

gedoweb online

Gabbal iyo Abwaan sirtooda Gedoweb ayaa banaanka soo dhigtay. Cajiib the extent nin dibadda ku raaxeysanaya is going to bring his favorite warlord Hiiraale & his boss indhacadde.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Jacphar, wallee waa yaab. Gabbal kulahaa Gedo boys are in control of the police station. Gone are the days where qabiil and warlords would control parts of the country.

 

Gedo are having a big conference in Garbaharey discussing what is good for them and how they will participate the Jubbaland grand conference. As opposed to what naysayers wish for, things are going well. Walaalaha Galgaduud need to chill :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this