Sign in to follow this  
oba hiloowlow

HAG gets a new ally

Recommended Posts

Gedo(RBC Radio) Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa dhaliilay maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo gedo xili ay magaalada Kismaayo ka socoto qaban qaabada loogu jiro qabashada shir weyne lagu dhisayo maamulka Jubbaland Max’ed Cabdi Kaliil oo ah gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo habka loo wado samaynta maamulka Jubbaland isagoona tilmaamay in wadada loo marayo dhismaha maamulkaas ay tahay mid aan sax ahayn.

 

Kaliil ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee uu ka biyo diidsanyahay isaga iyo maamulkiisa ay tahay inaan dowlada Soomaaliya shirkaas laga siin kaalintii ay ku lahayd wuxuuna ku eedeeyey dadka ku hawlan samaynta maamulkaas iney ka tallaabsadeen dowlada dhexe ee Soomaaliya isagoona ku eedeeyey iney garab mareen dowlada dalka ka jirta.

 

Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in kaalintii laga rabay iney dowlada Soomaaliya ka ciyaarto samaynta maamulka Jubbaland ay qaateen wadamo shisheeye sida uu yiri isagoona si cad carrabka ugu dhuftay in dowlada Kenya ay saameynta ugu weyn ku leedahay qorshaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo wuxuuna ku tilmaamay in arinaasi ay tahay wax laga xumaado.

 

wuxuuna shirkaas ku tilmaamay mid lagu abuurayo qilaaf ka dhex dhashay beelaha wada daga goboladaas wuxuuna sheegay in shiraak uu yahay mid meel uga dhacay qaranimada Soomaaliya isla markaane aan u adeegeen rabitaanka shacabka deegaanadaas,wuxuuna si cad u sheegay ineysan shir nuucaas ah ka qeyb galeen hadii ay yihiin gobolka Gedo,Kaliil ayaaa Kenya ugu baaqay iney ka waantowdo iska hor keenka bulshada Jubbooyinka sida uu hadalka u dhigay.

 

Shirka maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa lagu wadaa in 23 bishan uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxaana ku qulqulaya magaaladaasi ergyooyin badan kuwaas oo ka kala imaanaya Muqdisho,Nairobi iyo goobo kale si ay uga qayb galaan shirka lagu dhisayo maamulka Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune;919828 wrote:
Well done Duceysane for killing HAG with one moxog, case closed, oba waa maskiin wallaahi!

LOOOL wait was that a shot against ? Im not HAG yaa idin waalay i support Sahal.

 

Nuune no fasir what he meant yaaqey with his sarbeeb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Duceysane, ayaantaan maxaa si naga ah? Khalkhal baa ii muuqda? HAG-ta aad sheegayso waxay iila muuqataa humaag laga cabsanayo iyo wax la rabo in dowladda jirta lagu diido. War haddaad wax mucaaradeysid waxaa la yiraa "Dowlad ma rabo" ee boor la iskuma qariyo. Ragannimadaada bannaanka soo dhig.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this