Sign in to follow this  
Samafal

Inaalilaah wa inaa ilaahi Rajicuun: Sh Abdulqadir Nur Farah Killed

Recommended Posts

Samafal   

ar deg deg ah oo naxdin leh oo Puntlandpost soo gaaray mardhow ayaa naloo sheegay in la dilay Sheekhii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Sheekh C/qaadir Faarax Nuur.

 

Shaqsigii dilka geystay ayaa warar hordhac ay sheegayaan in la qabtay.

 

Dilka Sheekha ayaa noqday mid aad looga qaracmay maanta Soomaaliya & Deegaanada Puntland oo dhan.

 

Ilaahay samir iyo Iimaan hanaga siiyo dhammaanteen Aamiin :: amiin , ma dhinte Waa ilaahay (SWT)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Garoowe:degdeg,Shiikh CabdulQaadir Nuur Faarax oo goordhawyd lagu dilay Garoowe.

15. februar 2013

 

APL

 

Alle ha u naxariistee waxaa goordhawayd lagu dilay magaalada Garoowe Shiikh C/Qadir Nuur Faarax oo ka mid ah culi’mada Somalida ugu waawayn,kana qayb qaadan jiray baraarujinta,wacdiga & waanada Umadda.

 

Ma cadda in la qabtay cidii dishay,dawladdu weli kama hadlin ,dilkanu goordhawyd ayuuba dhacay,

Shiikha ayaa la sheegayaa in lagu dhex dilay Masaajika Beder oo ku tkaday Salaadda casar,wixii ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Alaah.

 

Inaa lilaahi wa Inaalaahi Rajacuun,taci baan hadaani nahahay bahda Allpuntland u diraynaa,qoyskii,eheladii ummadda reer Puntland & tan soomaaliyeed guud ahaan,in samir & Iimaan eebe ka siiyo isgana qabriga Eebe u nuuriyo Amiin Amiin.

 

Nagala soo xiriir >> webmaster@allpuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al shabaab are *******s they will kill every person who has influence in puntland reer Puntlandow al shabaab iska dhiciya. My own subsclan lost 3500 waxgarad who al shabaab assasinated from Generals to sheikh's to nabadoono marka hurdada ka kaca

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Jacper Sheikhii waa la dilay ee u ducee. Ilaahay janadii ha ka waraabiyo. Horeybu u sheegay inuusan ka baqayn in la dilo markii tiisu dhamaatana u dhimanayo.

 

There are reports that the killer has been captured alive.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Allah ha u naxariistee waxaa goordhow bartamaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland lagu dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waaweyn deegaanada Puntland iyo Soomaaliya.

 

Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in Sheekh C/qaadir lagu dilay afaafka hore ee masjidka Beder ee ku dhow gurigiisa bartamaha magaalada Garowe waxyar ka dib markii uu soo tukaday Salaadii Casar. Labo ruux oo kale ayaa la sheegayaa inay goobta ku dhaawacmeen ka dib markii ninkii dilay wadaadka uu rasaas badan furay.

 

Meydka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa loo qaaday gurigiisa, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland dilka Sheekh ka dib.

 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xersi Cali “Qarjab” oo goordhow Raxanreeb la hadlay ayaa sheegay in lagu hayo ninkii dilka geystay ka dib markii dadkii meesha joogay ay ku xoomeen ninkaasi oo watay bastoolad.

 

Ma jirto illaa hadda cid si gaar ah loogu eedeeyay inay ka dambeyso dilka Sheekh C/qaadir. Hase yeeshee waxaa hiorey u jirtay digniino fara badan oo ururka Al Shabaab ay u jeediyeen Sheekh C/qaadir oo marar badan si muuqata u weeraray dagaalka Al Shabaab ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Wuxuuna Sheekh C/qaadir iyo culimo kale si weyn u mucaaradeen siyaasadda dagaalka ee huwan diinta ee ay ku dhaqanto kooxda Al Shabaab.

 

Xaalada magaalada Garowe ayaa aad u kacsan waxaan dadku hadalhayaan dilka Sheekh C/qaadir oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Jameecada Ictisaam (Al Itixaadkii hore) oo si weyna looga yaqaano guud ahaan dalka.

 

Allah ha u naxariisto Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

 

Faahfaahin kale dib ayaan ka soo qori doonaa, Insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xersi Cali “Qarjab” oo goordhow Raxanreeb la hadlay ayaa sheegay in lagu hayo ninkii dilka geystay ka dib markii dadkii meesha joogay ay ku xoomeen ninkaasi oo watay bastoolad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Samafal;918557 wrote:
Jacper Sheikhii waa la dilay ee u ducee. Ilaahay janadii ha ka waraabiyo. Horeybu u sheegay inuusan ka baqayn in la dilo markii tiisu dhamaatana u dhimanayo.

 

There are reports that the killer has been captured alive.

Inaa lilaai wa inaa ilehyi raajicuun, ilaahey firdowsa ha geeyo dambigiisana ha dhaafo. Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle mid uga kheyr badan ha ugu badalo. Aamiin.

 

Sheikh predicted his death on that day oo uu duugaayay Sheikh Dr. Cabdiraxmaan. Alshabaab alloow cuquubo ugu soo dedeji aduunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe

 

February 15, 2013 - Written by editor

 

Sh C/qaadirGaroowe:-War goor dhow soo gaaray Shabakada Wararka ee Halgan.net ayaa sheegaya in allaha u naxariistee Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah Culumada ug waaweyn dalka Soomaaliya lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland. Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waawayn dalka Soomaaliya,ayaa waxaa lagu dilay masjidka gudahiisa sida warar hordhac ah ay nagu soo gaarayaan.

 

Ururka Al-Shabaab ayaa horey ugu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Sh. Dr Ahmed Xaji C/raxmaan Raximahulaah waxaana fatwada lagu dilay culumada Ictisaam bixiyey Sheekh Xasaan Xusen ka dib markii uu ku xukmiyey in ay gaalo yihiin .

 

Dilka Sh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa sidoo kale waxaa qeyb weyn ka qaatay warbaahinta iyo website taageera Ururka Al-Shabaab iyaga oo mar walba sheegi jiray in uu la shaqeysto Maamul rida ah kana soo horjeedo diinta Islaamka.

 

Halgan.net ayaa si faahfaahsan u soo gudbin doonta qaabka uu u dhacay dilka Sh.C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this