Sign in to follow this  
Carafaat

Xukuumada Siilanyo Oo Sidii Xukumadihii Somaliya Awooda Dalka Isku Haysatataa

Recommended Posts

Carafaat   

Writen by Qaran News | Published: Feb 10th, 2013 at 04:25 AM

email to a friendprintsharesubscribe

 

 

 

Tan iyo intii Somaliland jirtay weli may soomarin xukuumad shaqaynaysa oo u kala jabta laba garab oo awooda dalka isku qabsata! intooda badani waxay ku dadaali jireen inaanay sirta dowlada iyo awooda dalku noqon mid ay isku qab qabsadaan inkastaba awoodoodu ha le,ekaatee waxay u dhaqmi jireen hanaanka ay u dhaqmaan dowladaha caalamku waxaa mabnuuc ka ahaa in la arko laba masuul oo xukuumada ka wada tirsan oo bulshada ay xilka u hayaan isku hor haysta wixii khilaaf ah ee jira waxay ku dhamaysan jireen xafiiska dalka looga taliyo ee madaxtooyada, welina may dhicin in ay bushadu aragto khilaaf siyaasiya ama mid ku salaysan awooda oo loo caalwaayay oo dibada u soo baxa oo kadhexeeya laba garab oo xukuumad kawada tirsan,

 

hadaba intii ay talada dalka la wareegtay xukuumada kulmiye ee madaxweyne siilanyo hogaamiyaha ka yahay ayaa waxay la kowsatay khilaaf ragaadiyay hawlihii qaranka ee loo igmaday! awoodii dalka waxay gacanta u gashay shakhsiyaad gaara oo aan iyaga umadu soo dooran oo awoodii dalka si gaara iyo dano shakhsiya u adeegsaday arinkoodiina ku bineeyay hebal ka aargooso iyo reer hebel ku xumee iminka ayaad xafiiska joogtaaye!, waxay gaadhay xukuumadan in ay bulshadu dareento sida ay xulufada u kala yihiin iyo sida ay u kala socdaan koox waliba waxay ku mash quulsantahay dhankeeda boobka hantida qaranka iyo awood urursiga, waxay gaadhay in madaxweynihii qaranka ugu sareeyay iyo kuxigeenkiisii midiba dhinaciisa ka soo diyaarsado mooshin uu xilka kaga qaadayo iyo midiba midka kale inuu awoodiisa maamul yareeyo! si ay ugu suuro gasho danta shakhsiga ah ee uu leeyahay!,

 

sida aynu la wada socono labada masuul ee dalka ugu sareeya waa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxay ku yimaadeen doorasho toos ah oo waxaa cod kooda ku soo doortay shacabka Somaliland midkasta waxa uu dastuurku siiyay awood u gaara ma aha awoodoodu mid isku qasan waa mid kala qeexan mana jirto sabab ay isugu qabsadaan dhinaca awooda,

 

waxay ahaayeen laba masuul oo iska soo dhex xushay xisbiga kulmiye markii uu mucaaridka ahaa, waxaanay bulshada codka kaga heleen barnaamij xisbigu soo qortay oo ku salaysan wax qabadka xisbiga marka uu talada dalka la wareego, madaxweynuhu isaga ayaa cugtay shaqsiga talada dalka la wadaagaya waxa uu ka dhex xushay rag badan oo markaas u hanqal taagayay inay noqdaan musharax madaxweyne kuxigeen waxaa ragas ka mid ahaa gudoomiya xibsiga kulmiye muuse biixi oo arintaas dagaal adag ugalay nasiibdaro kumuu guulaysan waxaana ka mid ahaa arimihii ugu waaweynaa ee caqabada ku noqday awood qaybsiga ka jira Somaliland maadaama oo ay isku beel ka soo wada jeedaan madaxweynaha way suuroobi wayday in labaas kursi beel qudha wada buuxiso,

 

somalida ayaa tidhaah wadaanta faylka ka xumaataa isha ayay la tagtaa! markii xisbigu kulmiye guusha soo hooyay ayaa meesha laga tuuray ragii xisbiga u soo dhintay ee tacabka iyo waqtiga iyo aduunkaba soo geliyay ee halkaas soo gaadh siiyay waxaa xabad xabad looga miidhay waxtarkii xisbiga iyo ragii barnaamijka xisbiga lahaa waxaa taladii xisbiga gacanta uu ugalay koox yar oo ardaa ka soo wada jeeda oo dano gaara iyo hanti boob u tafo xayday koox dani waa kuwo ka aradan siyaasada oo siqaawan awooda dalka ugu shaqaysta haday tahay markay boobayaan hantida dalka waxay u qaataan hab faashila oo cid kastaaba garan karto markay doonayaan inay qof masuula xisbiga ka saaraan iyana siqaawan oo faashila ayay jeegada u qabtaan! waa kuwaas hada damacsan inay madaxweyne kuxigeen umadu soo dooratay doonaya inay korka kasaaraan madaxweyne kuxigeen labaad oo bug ah oo aan cidi soo dooran si looga dhigo madaxweyne kuxigeenka mudane c/raxmaan saylici masuul magac uyaala oo awoodii laga qaaday!,

 

dalku waxa uu u baahan yahay bad baado qaran iyo in loo gurmado ma aha in laga aamuso waanay soo dhaafatay marxaladii madaxweyne siilanyo loo doortay ee talada dalka loogu dhaariyay hadaan talo qaran dalka lagu bad baadin meel dheer ayaa laga eegi somalidu waxay tidhaahdaa talo waa mar aad garan weydo iyo maraad gaadhi waydo! waa in dalka taladiisa laga dhiciyaa shakhsiyaadka ay gacanta u gashay ee aan lahayn waayo aragnimada ee dalka u tudhayn ee damiirkoodii noqday inay hantida dadka sidaa qaawan u boobaan dulqaadkoodiina ku dhamaaday inay xabsiga dhigaan gabadhaas yar ee xanuunsanaysa ee ninkii ugu awooda badnaa maxkamada dhexdeeda kula garnaqsanayo! ee aanu waxba xeerinayn mid dhaqan iyo mid islaanimo iyo mid dhalsho waa qof aan waxba ka xishoonayn! waana noocii rasuulku SCW uu yidhi hadaanad waxba ka xishoonayn waxaad doonto samee!

 

aadan axmed nuur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

“Madaxweyne Siilaanyo Waxaan Leeyahay Kala Garo Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wasiirada Aad Digreetada Ku Magacawday, Saylicina Dudmada Hayska Daayo Oo Xilkiisa Ha Guto”

 

Sh. Aayatulle, Wasiirkii Hore Ee Diinta iyo Awqaafta

 

Hargeysa, February 8, 2013 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadii marxuum Cigaal Sheekh Axmed Muxumed Axmed (Aayatulle) ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhex galay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu qaranka Somaliland iyo dawladnimadiisa meel ka dhac ku yahay, uguna baaqay in si dhakhso ah ay usoo afjaraan ismaan-dhaafkooda. Sheekh Axmed Aayatulle isagoo digniinaha ka soo yeedhay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ka hadlay ayaa waxa uu ugu baaqay inay si dhab ah u cadeeyaan cidda nabadgalyada Somaliland khatarta ku ah, isagoo sidoo kalena xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in xaalada nabadgalyada dalka ay si dhab ah ugu xaqiijiso beesha caalamka. Sheekh Aayatulle waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay xarunta wargeyska Haatuf nagu soo booqday, kaas oo sidoo kale kaga hadlay waxay Diinta Islaamku ka tidhi Suufiyada iyo culimada ku xeel-dheer, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan ka hadlayaa Suufiyada iyo cilmigooda Tasawufka oo cilmiga Suufiyada ahi waxa weeyaan cilmiga lagu garto xaaladaha ay naftu leedahay mid wanaagsan iyo mid xunba iyo sida layskaga sifeeyo xaaladeeda xun. Cilmiga tasawufka ee saafinimadu waxa weeyi cilmiyada la barto ka ugu sharafta badan, waxaanu ku taxaluqaa barashada Ilaahay iyo jacaylkiisa marka isaga iyo cilmiyada kale laysku eego wuxuu u yahay asal iyo shardi, maxaa yeelay cilmi iyo camal fal midna waxa jira maaha hadaanu ahayn mid xaga Alle kuu jihaynaya ahayn, cilmigaasi cida dajisayna waa Alle oo u waxyooday Rasuulkiisa iyo Nabiyadii ka horeeyey, Suufiyaashuna cilmigaasi waxay u isticmaalaan saddex magac shareeco oo ah Axkaamta uu Ilaahay ku soo dajiyay Rasuulkiisa oo ay ka fahmaan culimadu Kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha Rasuulkiisa, kaas oo ujeedadiisu tahay cilmiga Tawxiidka ee barashada Ilaahay iyo sifooyinkiisu cilmiga fiqiga ee xaraanta iyo xalaasha lagu kala barto iyo cilmiga tasawufka oo lagu barto sida qalbiga looga sifeeyo dunubta, raga u ehelka ahina waa raga culimada diinta ugu sareeya ee Alle Qur’aankiisa ku sheegay, cadow Ilahayna waxa ah qofka kuwaa la colka ah” Sheekha oo ka hadlaya digniinaha ka soo yeedhay dawladaha ingiriiska iyo maraykanka ee ay ku sheegeen in xaalado nabadgalyo daro ay ku soo fool leeyihiin Somaliland, ayaa waxa uu yidhi “Waxaa la yidhi Geenyo fakatay ninka raadinaya iyo ninka haya ka raadinaya ayaa uga war roon ka haya, Maraykanka iyo ingiriisku iyagaa eryanaya argagixisadaa ee halkay inaga soo galeen iyo halkay ku jiraamn farta hay noogu fiiqaan, oo hayna tusaan, hadaanay digniinaha ka soo yeedhayaa ahayn kuwo siyaasadeed oo ay ku weerarayaan gooni isku taaga Somaliland, waxaanu leenahay ingiriiska iyo maraykanka-ba ka baxa madowga oo badheedha oo cida noo soo gashay ee dalkayaga nabadgalyadiisa khatarta ku ah si cad u sheega aanu iska qabanee. Xukuumada madaxweyne Siilaanyo-na waxaa looga baahan yahay inay noqoto mid shacbiga iyo dawladaha shisheeyahaba uga xog roon dalka gudihiisa, loomana baahna in xukuumada Siilaanyo noqoto Lax dhugani col iyo abaarba moog” Sheekh Aayatulle isaga oo ka hadlaya khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka soo kala dhex galay ee dibada usoo baxay, waxaanu yidhi “Horta waa nasiib daro in maanta la yidhaahdo xukuumadii baa laba garab u qaybsantay, waxaan leeyahay madaxweyne Axmed Siilaanyo madaxweyne ku xigeenka la soo wada doortay iyo wasiirada uu digreetada ku magacabay ha kala garto, madaxweyne ku xigeenkuna dudumada hayska daayo oo shaqadiisa ha qabsado, oo wasiiro yaryar yaanu maalinkasta xilkiisa qaran iyo waajibaadka saaran uga baaqsanin, khilaafyo ka dhex qarxa laba masuul ee ugu sareeya dalka, waa waxyaalaha maamulada Somalia loo dhiso fashiliyay, sidaa darteed khilaafyada ka sooifbaxay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waa arrin xad gudub iyo meel ka dhac ku ah dawladnimada Somaliland waxaana loo baahan yahay in laga fogaado khilaafyo siyaasadeed oo qarankan wax u dhimi kara”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

War Culus, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil oo Wada Hadal kula Jira Dowladda Soomaaliya

Posted on February 9, 2013

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylic ayaa wada hadal kula jira Dowlada Soomaaliya kadib uu ka niyad jabay aqoonyiga Soomaliland.

 

Warar hoose aynu ka helnay ilo ku dhow dhow C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylic ayaa waxa ay sheegayaan in arintaan ay ku dhalisay kadib markii Safaarada Mareykanka ee Itoobiya ay si hoose ula hadashay Madaxweynaha Soomaalilind Siilaanyo.

 

Waxyaabaha kale ee uu kaxumaaday Saylici ayaa ah in Madaxweyne Siilaanyo uu sheegay in Soomaliland ay ka qeyb galeyso shirka London ee Soomalida uga furmi doono dhawanahan.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylic oo kulan la qaatay saaxiibadiisa ku dhow dhow dhanka siyaasada ayaa waxa uu u sheegay in Soomaliland ay hada mareyso kala dhuumasho iyo kala carar taana ay ku kalistay in dowlada Soomaaliya uu wada hadal la bilaabo.

 

Waxaan Dowlada Soomaaliya hada noo bilowday wada hadal cusub waayo Saoomaliland ma u muuqato mid citoraaf heleysa waxaana loo baahan yahay in danaha siyaasadeed la dhowro ayuu yiri Saylici.

 

Sidoo kale warar aan buuneyn ayaa waxa ay sheegayaan in wasiiro ka tirsan maamulka Soomaliland ay u hanqal taagayaan sidii Dowlada Soomaaliya wada hadal ula gali lahayen

 

Musuuliyiinta Soomaliland ayaa hada u muuqda kawa kala dhuumanaya oo midba midka kale uu ka cararayo waxaana niyad jab xoogan uu soo food saaray siyaasiyiinta Soomalilind

 

Midowga Yurub oo uu ku jiro Ingiriiska ayaa iyaguna markii ugu horeysay sheegay in isbedel ay ku sameynayaan siyaasadooda Soomaaliya, waxaana dawlada Soomaaliya oo wafdi ka socda uu tagay Brussels ay dalbatay in xubno korjoogyaal ah laga siiyo baarlamaanka Yurub.

 

 

 

Haddaba waxaa soo baxaya walaac ku aadan xiriirka dawlada federaalka ee caalamka la yeelaneyso inuu saameyn ku yeelan karo maamulada gudaha ee dalka, gaar ahaan maamulka Somaliland oo 21 sano sheeganayey inuu ka go’ay Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inuusan ka xumeyn horumarka Soomaaliya laakiin wuxuu sheegay in dawlada federaalka ee Soomaaliya aaney xukumin deegaanada Somaliland. Ururada siyaasadda iyo mucaaradka Somaliland qaarkoodna waxayba sheegeen inuu dhintay hankii gooni u goosadka.

 

Maamulada kale ee dalka ka jira waxaa ka mid ah Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb oo sheegay inay soo dhoweynayaan xiriirka caalamka iyo aqoonsiga dawlada federaalka

 

Hadal haynta ugu badaan ayaa maanta oo ah maxaa iska balay mowqifkii hore ee somaliland iyo socdalka madaxwaynaha maamulka somaliland oo hada dalka kama qan .

 

Isku soo wada duube aan u dayno dadwaynaha fakarkooda somaliland shalay iyo maanta maxaa iska balay qilaafkaana halkuu ku danbayn doonaa fakarkaaga ka dhiibo .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Al-baabada u furay inuu Tallo Qaran kala yeesho Bulshada Xaalada Dalka

Hargeysa (Waaheen) – Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxwaynaha Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Khamiistii doraad kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland, Shir-guddoonaada labada golle baarlamaan iyo Taliyayaasha Ciidamada qalabka sida.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa si gaar gaar ah ula kulmay aqoonyahanka iyo culimada dalka, isaga oo u soo bandhigay sida loogu baahan yahay in gacmaha la isku qabsado sidii dalku uga gudbi lahaa xaalada dalku wakhtigan ku sugan yahay ee ay xukuumadda gacan uga siin lahaayeen dedaalada ay ku doonayso in xaalada siyaasadeed ee dadka iyo dalka lagu xasiliyo.

Madaxwayne ku xigeenku oo aqoonyahanka iyo culimada uu la kulmay ay ka mid ahaayeen Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) iyo aqoonyahan kale oo tiro badan, ayaa waxa uu ka dhageystay tallooyin ku aadan sidii looga gudbi lahaa xaalada dalku ku sugan yahay, iyagga oo mid mid u soo bandhigay sida ay u arkaan in wax ku hagaagayaan, isaga oo Madaxwayne ku xigeenku uga mahad-celiyay tallooyinka ay siiyeen, maadaama oo ay yihiin aqoonyahankii iyo dadkii ugu mudnaa muwaadiniinta reer Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenku waxa kale oo uu la kulmay shir-guddoonka labada Golle ee baarlamaanka Somaliland, waxaana la sheegay in kulankaasi uu ka duwanaa ka uu la yeeshay aqoonyahanka iyo Culimada dalka, isla-markaana ahaa mid uu ugu sharaxay nuxurka khilaafka la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxwaynaha iyo weliba waxyaabaha uu ka tabanayo, inkasta oo aan rasmi ahaan loo ogeyn waxa ay arintan ka yidhaahdeen shir-guddoonku.

Dhanka kale, Madaxwayne ku xigeenku waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Taliyayaasha ciidamada qaranka iyo booliska, waxaanu iyagga kala hadlay nabadgalyada iyo sidii loo sii adkayn lahaa, iyagga oo iskaashanaya.

Tallaabooyinka noocan ah ayaa ah kuwo Madaxwayne ku xigeenku ku doonayo inuu bulshada kalsooni kaga kasbado inta Madaxwaynuhu maqan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Carafaat Zaylici Soomalia wada hadal lama gali karo kelidii. hawshan waa lakala leeyahay. waxa uu ka cabanayo mahan

midnimo iyo soomalia midna. warkan keligaa ayaa shhegay. hase ahhatee Cigaal ala ha naxariistee reer bari wuu ka digay

weliba waxa uu yidhi maalinta " the day the foxy tribe in the east takes power will be the end of government administration"

it is Somali culture they don't listen the wise people. well it is too late.the foxy guys spent 30 million for the election and

they are rest unless they got back their money or else.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this