Sign in to follow this  
xiinfaniin

Speaker Jawaari: FGS/SL Talks Will Result in Unity Government

Recommended Posts

PROF. JAWAARI: “Wadahadallada Dowladda Somalia iyo Somaliland waxay qayb ka yihiin Qorshaha Qaran ee dib u heshiisiinta”

 

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in dowladda uu ka tirsan yahay ay soo dhaweynayso wadahadallo walba oo nabadeed, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida ay kusoo biiraan qorshaha nabadeed ee socda.

 

Isagoo u warramayay wakaaladda wararka Iiraan ee FNA ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya soo dhaweynayaan shirka bisha May ee sannadkan lagu qaban doono magaalada London.

 

“Wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland waxay ka mid yihiin qorshaha Qaran ee dib u heshiisiinta, sannadkan waa sannadkii midnimada, barwaaqada, isku-tiirsanaanta iyo walaalnimada, weliba waa sannadkii is-cafinta iyo isi-saamixidda,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

 

Isagoo intaas ku daray: “Waxaan doonaynaa inaan dhisno Soomaali mid ah, dowladda Soomaaliyana waxay soo dhaweynaysaa wadahadlalada lagu qaban doono London bisha May.”

 

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya iyo baarlamaankuba ay taageerayaan qorshayaasha lagu xallinayo arrinta Al-shabaab iyo sidoo kale qorshaha lagu dagaalamayo Al-Qaacidada ku sugan dalalka Afrika.

 

Xubnaha ururka Al-Qaacida ee ku sugan gudaha dalka ayuu sheegay inay dowladdu ugu baaqay inay hubkooda dhigaan ayna aqbalaan qorshaha nabadeed ee Qaran.

 

Dowladda Britain ayaa marti-gelinaysa bisha May ee sannadkan shir looga hadlayo arrimaah Soomaaliya, kaasoo ay dalalka deeqaha bixiya kasoo qayb-geli doonaan; wuxuuna daba socdaa shirkii bishii Feberaayo ee sannadkii hore lagu qabtay dalka Britain.

 

Maamulka Somaliland ayaa horay uga qayb-galay shirkii Feberaayo 2012 lagu qabtay dalka Britain, kaasoo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen inay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland yeeshaan wadahadallo ay arrimahooda siyaasadeed ku xallinayaan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in Somaliland ay qayb ka noqoto dowladda Soomaaliya, halka ay Somaliland oo ku dhawaaqday gooni isku-taaggeeda sannadkii 1992 ay weli doonayso inay noqoto dowlad gooni ka ah Soomaaliya inteeda kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Does Jawahari speak Somali first of all or May May kkkkk before he dreams about unity with the Hashemite kingdom Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wakiillo31.jpg

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo shaaca Ka Qaaday Waxyaalaha Fashilin Kara Wadahadalada S/Land Iyo Somalia, Sheegayna In Aftidii Shacbiga Ee Gooni Isku Taaga Aanay Jirin Cid Badali Kartaa

Hargeysa, January 17, 2013 (Haatuf) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa sheegay in qaranimada Somaliland Madaxbanaanideeda aan wax gorgortan iyo wada hadal ah laga gali karin, waxaanu tilmaamay in wada hadalada Somaliland iyo Somalia haddii ay la gole yimaadaan midnimo masuuliyiinta Somalia ay taasi soo dedajinayso in wada hadaladu fashilmaan, waxaanu intaa ku daray in siyaasada qaranimada Somaliland ay tiir dhexaad u tahay aftidii shacbiga Somaliland ay ku ogolaadeen gooni isku taaga 97%. Gudoomiyaha Baarlamaanku waxa kale oo uu sheegay in wixii taabanaya masiirka qaranimada go’aan wada tashi ay ka qaadanayaan golayaasha qaranka iyo xisbiyada siyaasadu. Waxa kale oo uu gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro sheegay inay soo dhawaynayaan madaxda iyo taageerayaashii ururadii ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanadu inay ku soo biiraan xisbiga wadani, taas oo uu tibaaxay in qaar ka mid ah ururadii hadhay uu wada hadal dhexmaray. Gudoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, ugu horayna gudoomiyaha oo aanu waydiinay hadalada ka soo yeedhay Raysal wasaaraha Somalia ee uu ku sheegay in wada hadalada Somaliland ay ku doonayaan midnimo dhexmarta labada dal, isagoo ka hadlayana arrinkaasina waxa uu yidhi “Somaliland waa qaran Somalia ka da’ weyn oo dawladnimada ka hor qaatay, waa qaran markii hore ikhtiyaarkiisa ugu biiray Somalia, waa qaran markii danbe-na shacbigiisu go’aansaday inay kala soo noqdaan qaranimadoodii iyo madaxbanaanidoodii 18-kii May 1991-kii, waa qaran doonaya in daris wanaag lala wadaago dhamaanba dawladaha jaarka ah, Somaliland waxay ogolaatay sanadkii hore in Somalia lala hadlo, laakiin siyaasada somaliland waxaa tiir dhexaad u ah aftidii laga qaaday shacbiga Somaliland ee 97% ay ku ogolaadeen madaxbanaanida iyo gooni isku taaga Somaliland, taasaana lagu heshiiyay oo aan qarsoodina ahayn in loo wada hadlo Somaliland iyo Somalia, ujeedo kaliya ayay ka lahayd beesha Caalamku ay joogaan in qadiyadeeda ay ka hadasho, Somaliland wada hadalada waxay ka rabtaa Somaliland oo madaxbanaan iyo daris wanaag, Somalia haday midnimo ka rabto somaliland dee waa arrin u gaar ah Somalia ama madaxweyne ha yidhaahdo ama raysal-wasaare ha yidhaahdo waxaa lama taabtaan ah inm shacbiga Somaliland ay ku go’aansadeen madaxbanaanidooda aftidii lagu go’aamiyay in Somaliland ay gooni isku taagto, aftidaasina cid badali kartaa ma jirto”.

S: Golayaashiina Baarlamaanku miyaydaan door ku lahayn inaydin kala qayb qaadataan xukuumada wada hadalada Somalia maadaama ay tahay arrin qaran?

J: Qaran ahaan xukuumadaynu wakiilanay, laakiin talada qaranka waa la wada leeyahay golayaasha qaranka ha noqoto, wixii masiira ee weyn waxay noqonaysaa in laga wada tashado ama golayaasha qaranka ha noqoto ama axsaabta qaranka ha noqotee.

S: Gudoomiye ma noo sheegi kartaa mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga wadani maadaama uu noqday xisbigii saddexaad ee u soo biira xisbiyada qaranka?

J: Wadani waxa uu noday xisbigii saddexaad ee ku soo biira axsaabta Somaliland tobankii sano ee u dambeeyay waxa uu noqday guri dambayskii Somaliland, waa xisbi aanu ugu baaqayno ururadii aan ku guulaysan xisbinimada madaxdoodii iyo taageerayaashoodii inuu u furan yahay, oo uu qofkastaa xubin iyo madaxba ka noqon karo, waa xisbi doonaya inuu ummada mideeyo oo dalka horumarkiisa ka shaqeeyo, mustaqbal fiican baanu rajaynaynaa, mahada horena Ilaahay baa iska leh ta dambena shacbiga Somaliland ee iyagu doortay inay codkooda siiyaan xisbiga wadani, sababna waxa u ahaa guusha uu xisbiga wadani keenay shacbiga reer Somaliland.

S: Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah ururadii ku hadhay doorashada ay idiin socdaan wada hadalo ku saabsan sidii xisbiga wadani ay ugu soo biiri lahaayeen, maxaa ka jira?

J: Ururadii aan guulaysan waanu soo dhawaynaynaa, qaar aanu wada hadalnayna way jireen, laakiin natiijada waxa laga arki karaa marka ay soo baxdo.

S: Haddii dawlada Somalia ay wada hadalada Somaliland la gole yimaadaan midnimo Soomaaliyeed oo mawqifkaasi ay istaagaan maxaad ka odhan lahayd?

J: Taasi waxay ila tahay waxay soo dhawaynaysaa in wada hadalku fashilmo, balse Somaliland madaxbanaanideeda cid gorgortan iyo wada hadal lagala galayaa ma jirto, cid badali kartaana ma jirto masiirka shacbiga, qaranimada Somaliland-na waa lama taabtaan”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Lol@Hashemite Kingdom. That would be Jordan waryaa, Stop copying other countries names and flags.

 

Jawaari has been a good speaker. This is a step in the right direction.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Silly debate over the airwaves by politicians from both sides. Basically, slogans to shore up their own internal power-jockeying within their respective governments.

 

The question is: Why are the talks slow in progressing? Who's eager to move forward with the talks and who's dragging their feet? Why? The answers to these questions give a far better idea of the situation than the usual obligatory statements emanating from both sides...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mintid Farayar;911570 wrote:
Silly debate over the
airwaves
by politicians from both sides. Basically, slogans to shore up their own internal power-jockeying within their respective governments.

 

The question is: Why are the talks slow in progressing? Who's eager to move forward with the talks and who's dragging their feet? Why? The answers to these questions give a far better idea of the situation than the usual obligatory statements emanating from both sides...

Good question in a few weeks these talks will begin but SL seems to be ready , and Somalia also they are busy now to find the exact location where to hold the talks. Will it be Djibouti Nairobi addis ababa or Dubai.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Cambaro;911630 wrote:
If jawahiri knows the outcome of the meeting then what is the point of meeting in the first place.

What HE PROF. JAWAARI, [the speaker] is saying ( disregarding Xiin's interpretations of it's gist) is these talks are part of a national plan of reconciliation.

 

It however stands to reason, assuming that by "national" he is referring to the federal republic of Somalia, the UN/AU/AL member nation, then these talks are and will internationally remain Somalia's internal affairs, meaning President Hassan is the legal president of the Somali citizen Mr Abdirahman "silanyo", and both being Somali citizens , they can talk about the future of their country and it's regions.

 

Be that as it may, one'd be on a crush course against reality to believe in that ( the above assumption that is ) being the sole reason for Somalia to talk to it's citizens in the north,as the Somalia of my father , namely the Democratic republic of Somalia is no more, and as it stands the parliament speaker of the federal republic of Somalia despite the good intentions is a day late and a dollar short to persuade Mr Abdirahman and his "Somaliland" to commit political suicide and clan betrayal by abandoning secessional aspirations in the north.

 

So yes , the result is known, and it is everything but a unity government, while assuming the result will remain the usual deadlock it used to be before Jan 2013 is an utter denial of the fact that the politicians from the north were caught napping.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ War Abdirahman is the name of the Imam (I think) not Siilaanyo's. Unless of course you're playing some sort of trick here. :D

 

Xiin, that's exactly why the talks are taking place. Wax fahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE;911777 wrote:
^^ War Abdirahman is the name of the Imam (I think) not Siilaanyo's. Unless of course you're playing some sort of trick here.
:D

.

:D :D

 

Johny B is mixing things up for a reason. Waxaa dhan baa isku mida :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this