Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breaking news Interior Ministery given the legitimacy to establish federal states

Recommended Posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Awood Loo Siiyey Maamul u Sameynta Gobollada Iyo Degmooyinka Dalka (War-Saxaafadeed)

 

Muqdisho (RBC) Kulankii golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya uuna gudoominayey raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta looga dooday qorshaha amaanka iyo maamul u sameynta gobollada iyo degmooyinka dalka.

Ka dib kulanka ayaa war saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada oo saxaafadda loo qeybiyey ayaa lagu cadeeyay in goluhu isku raaceen in wasaaradda arrimaha gudaha loo madax bannaaneeyo dhammaanba hawlaha maamul u sameynta gobollada dalka iyo degmooyinka.

Sidoo kale waxaa wasaaradda arrimaha gudaha isla kulankii maanta loogu xilsaaray inay qaadato masuuliyada baaritaan lagu sameynayo dhammaan dhulkii iyo guryihii dawlada ee lakala kireystay, la bixiyey ama la iibsadey wixii ka dambeeyay 1990-kii taasoo goluhu ku tilmaameen inaanay aqoonsaneyn.

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Isniin, 21, Jan, 2013….Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana shirka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ugu horeysay qorshaha dib-u-xasilinta dalka, Dhismaha maamulada gobolada iyo dagmooyinka, dhulka iyo hantida Dowladda ee lahaysto.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Cabdulaahi Abyan Nuur oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka ayaa ka warbixiyey.

Golaha ayaa ka dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshaha nabad galyada iyo dib-u-xasilinta dalka, kaas oo soo bilowday xiligii lagu jiray KMG. Waxaana lagu wargaliyey Wasaarad kasta in ay soo magacowdo guddi u matala ka tala bixinta iyo dhamaystirka qorshaha ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.

Sidoo kale golaha ayaa isla soo qaaday sidii loogu samayn lahaa maamulo gobolada iyo dagmooyinka laga xoreeyey Alshabaab. Waxaana howshaas loo xilsaaray Wasaaradda Arrimha Gudaha inay maamul ku meel gaar ah u sameyso Gobolada iyo Dagmooyinkaas, wuxuuna goluhu dib u dhigay hindisa ay soo gudbisay Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka hadlaya qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo maamulada Gobolada iyo Dagmooyinka, iyadoo guluhu isku raacay in khamiista soo socota cod loo qaado sharcigaas.

Ugu danbayntii golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990, waxaana xukuumaddu u xilsaartay guddi ku sameeya baaritaan dhulka iyo hantida dowladda, wuxuuna gudigaas ka kooban yahay shan wasaaradood oo kala ah, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana hurmuud u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.—-DHAMAAD—

Share this post


Link to post
Share on other sites

nin aduun joogo maxaa aragti kuulaaban, ma sidaan ayaa kuu danbeeysey raysul wasaare. runtii anigu tageerayashadaa ayaan ahaa waana kaala han waynaa meeshaad is dhigtay maanta. sababtoo ah arinta "Maamul u Sameynta Gobollada Iyo Degmooyinka Dalka" waa arin xasaasi ah sidaad u ogtahay ba. raysul wasaare. waad kula deg deg tey arintaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How of a federal system this may be is boyend me if the government is going to appoint local regional leaders from Mogadishu. I thought appointing everything from Mogadishu was a central system to me, perhaps President culusow has his own unique federal understanding. Also, it seems the PM is falling for a trap, as on another note, his statement yesterday was nothing but to be provocative for the sake of provocation.

 

All this is an attempt to stop Jubbaland, everyone can understand that, but the government is getting in itself with nothing but long battle of political disagreement and unnecessary confrontation with Jubbaland politicians. No one will accept anything they appoint and will not be worth the paper it will be written on, if they want appoint local leaders for the regions let them start with Puntland - yes, go appoint governors for Puntland and Somaliland and replace Farole and Siilanyo. I think that will be a great show to watch.

 

Jubbaland will keep on the march.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boy do we make mountain out of mole hill, if not the minister of the interior who else would in charge if overseeing the formation of new states and the administration of stateless regions? The ministry of family affairs?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;910917 wrote:
Boy do we make mountain out of mole hill, if not the minister of the interior who else would in charge if overseeing the formation of new states and the administration of stateless regions? The ministry of family affairs?

Waa markeey kucarari jirtay which ministry deals with what, as if we don't know what each particular ministry does or as if this is about the roles of ministries. Mayee waxaa soo dhisaaya ministry of Islamic Affairs, well since we a Muslim country.

 

My point was simple, this cannot be a federal system if the local leaders of Garowe, Badhaade, Ceelbuur and Gabiley will be appointed from Mogadishu. That's a central system, we either have that or a federal system where the government only takes charge of the Foreign, Defence and taxation matters and nothing to do with local admin set up apart from support and to work with whatever men local people choose to lead them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

That is a right step in the right direction.

 

What amazes me is dadkaan jubbaland ku hadaaqadaya where were they in the last 20 years? and we have to ask our selves who is the native of jubbaland and how can legally claim it is their right to form an admin? the somali keyan from garisa or the reer qoraxeey refugees who where setteled in the land by MSB regime for clan reasons? or the refugees in Mogadishu whose property were confiscated by moorgan in kismayo in the last 20 years? or reer bariga kaluumeysiga meesha ku yimid? or the baydho folks who inhabit major parts of jubbaland? first we have to define which clan can have the right to speak for others rights and claim the supreme leader.Just because kenayn army has kicked alshabab out doesnt make you extra balls.

Qof aan waligii kismayo tagin baa jubbaland ku haaya 24/7 .fantasy and reality are two different things and what ever somali sijus in garissa do or form in kismayo has no legal basis and the matter will be referred to the somali parliament which will decide.and if you are not satisfied with that ,then go back to garissa iyo NFD aad ka soo dhaqaaqday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The minister of interior has the responsibility to coordinate the formation of federal states. This announcement is within constitution.

 

Eng. Cadde,

 

Qof xanuunsan baad tahay adeer. Garisa is a code word for those who reside in Jubbas. Ilaahay kala hadal why certain groups happen to reside with numerical significance in certain, strategic regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this