Sign in to follow this  
Saalax

Madaxtooyada Somaliland Oo Si Qabow Uga Hadashay Aqoonsiga Maraykanku Siiyay Somaliya

Recommended Posts

Saalax   

Madaxtooyada Somaliland Oo Si Qabow Uga Hadashay Aqoonsiga Maraykanku Siiyay Somaliya

 

 

 

 

 

Hargeysa (Ramas) Jan 21,2013 – Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay aqoonsiga dawladda Maraykanku siisay Somaliya, waxayna sheegtay in arintaasi aanay wax saamayn ah ku lahayn Somaliland.

 

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo maanta ka hadlayay Munaasibad Hargeysa lagu qabtay aya, ayaa sheegay in aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya ay ka weyn tahay waxa shacabka Somaliland doonayaan.

 

Afhayeenka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya, xukuumadda Somaliland mowqifkeedu waxa weeyaan in aanay waxba ka badalayn Somaliland oo ay tahay mid aan ina khusaynin, oo aanay ahayn mid inaga saamayn inagu yeelanaysa”

 

Afhayeenku waxa kale oo uu soo qaaday “Shacabaka Somaliland waxa laga filayaa inay taasi barbar istaagaan oo ay qadiyada ka shaqeeyaan, oo inaga oo mid ah, marxalad kasta iyo wax kasta oo ina soo food-saara yaanu shaki ina galin, oo aanu shaki inaga galin dadnimadeena, dawladnimadeena iyo waxa aynu doonayno, waayo waxa aynu doonayno ayaa wax walba ka weyn, waxa aynu doonayno ayaa midho dhal noqonaya”ayuu yidhi.

 

 

 

Ramaasnews desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

oo ay tahay mid aan ina khusaynin, oo aanay ahayn mid inaga saamayn inagu yeelanaysa”. what does that mean? so called somaliland is INSIDE the somali map. i didn't get his point

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this