Sign in to follow this  
Sakata

Mudaharaad ka Dhan ah Madaxweyne Xassan SH oo Qabanqaabadiisa Minnesota ka socda

Recommended Posts

Sakata   

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Waxaa magaalada Minneapolis kusii wajahan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH Maxamuud wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Fowsiya Xaaji Adan iyo Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cabdullahi Ciilmooge.

Madaxweyne Xassan SH ayaa jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota la hadli doona fiidnimada Jimcaha.

Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa iyana hareer socda Mudaharaad looga soo horjeeda.

Gudiga qabanqaabada Mudaharaadka looga soo horjedo madaxweyne Xassan oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegeen inay sababta ay uga gol leeyihiin mudaharaadka ay tahay sida ay u suluugsan yihiin faragalinta Dastuurka, Maamul Goboleedyada.

 

Cismaan Axmad SH oo kamid ah gudiga ayaa waxa uu yiri.

“…..waxaa muuqata in madaxweynuhu uu dhinac maray dastuurkii isaga lagu soo doortay faragalin badan in uu ku hayo maamuladii ama uu damacsan yahay ama uu damacsan yahay in uu carqaladeeyo”

 

Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.

“……hadaynu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minneasota kuwii ka badbaaday dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxaan cabsi

ka qabnaa Soomaaliya in dib ugu noqoto dagaaladii sokeeye…”

Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa ah mid balaaran saameyna ku dhex leh Gobolka waxaana muuqata in ay ku kala qeybsan yihiin siyaasada Madaxweyne Xassan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

People should wise up and stop diving the good community of MN. The president giving the community the opportunity to meet him shouldn't be politicised. Time to welcome the new president. United we stand.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Umada soomaaliyeed rafaad iyo baahi noocya badan leh baa haysata. Maantaa waxay ahayd in la wada fariisto oona lawada shaqeeyo si xal iyo baahitir lagu gaari lahaa. Dad maraynkanka nolol wanaagsan ku haysta inay ka fikirin dadka dhulkii hooyo ku dhibaataysan, ayna isku dayaan inay tilaabadii xaga hormar loo qaado inay laba dib u qaadaan ooy ka doodaan waa arin foolxumo iyo murugo aad u badan leh. Madaxwaynuhu waan jaanis la siiyaa. Ilaahay kurbada iyo dhibaatada haka qaado somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this