Sign in to follow this  
Haatu

Bilicda Kismaayo oo wax laga qabanayo, wadooyinka oo la baneynayo

Recommended Posts

Haatu   

Kn: Maamulka Kismaayo ayaa bilaabay in la burburiyo cooshado sharci darro ah oo laga dhisey hareeraha wadooyinka magaalada, taasi oo looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo bilicda magaaladda.

 

Maanta waxaa la arkayay dad shacab ah oo iskood iyaga gacmahooda ku duduminaya dhismayaal ay iyaga leeyihiin kadib markii maamulka uu ku wargaliyey in ay sharci darro yihiin oo ay tahay in meesha laga saaro.

 

Tani waxa ay keentey in wadooyinka ay waasac noqdaan, gaadiidkana ay si xanibaad la’aan ah u isticmaalayaan.

 

Dad shacab ah oo la hadlay KismaayoNews waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin talaabooyinka maamulka uu qaadayo ee uu kusoo celinayo bilicda magaalada.

 

Qeyb ka mid ah wadada laamiga ah ayuu maaamulka dhisme ku bilaabay, iyada oo qorshayaal kale dayactir ah lala damacsanyahay meelo kale oo magaalada ka mid ah.

 

Nin ka mid ah shacabka Kismaayo oo oday waxa uu soo jeedinayaa tallo ah “maamulka waa in dhisme kasta ama meherad kasta ay ku wargaliyaan in inta isaga ku beegan uu iska nadiifiyo, islamarkaasina sameeyo wixii dayactir ah ee uu ka bixi karo” ayuu yiri.

 

Magaalada marka aad dhex martid waxa aad ka dareeymeysaa dayacnaan badan oo muddo sanooyin ah soo jiitamaysay, balse dadku niyadoodu ayaa ah mid soo noolaatay.

 

Dadku waxa ay bilaabeen in guryahooda ay rinjiyeystaan, halka kale ay dhisanayaan.

 

KismaayoNews.com

 

http://kismaayonews.com/2013/01/11/bilicda-kismaayo-oo-wax-laga-qabanayo-wadooyinka-oo-la-baneynayo/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Waranle_Warrior;907800 wrote:
Good work by the Admin there, keep improving the city and get busy with matters that matter rather than petty clan rivalry or politics.

Hear hear.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Oba, don't waste your money. Instead open a restaurant. Somali towns really lack clean decent restaurants. Thank me when you're culinary giant ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this