Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Cali Dheere Mar dhow raayada towxiidka ayaan ka taagi doonaa deegaanada Puntland

Recommended Posts

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raag (Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay ayaa ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah, gaar ahaan dagaalo ka dhacay Gobolada Bari ee Puntland.

 

Cali Dheere ayaa sheegay in mujaahidiinta intii ay ahaayeen xilligii ugu fiicnaa ay marayaan, isagoo tilmaamay in qasaaro badan ay u geysteen cadawga, dagaalo iyo weeraro ka dhacay gobolada dalka.

 

"Mujaahidiinta intii ay ahaayeen markii ay ugu ficinaayeen ayay marayaan, gaalada waa sii liitaan, gaalada waxay sheegteen in magaalo madaxyada ay qabsadeen, meel walba dhibaatada iyo rafaadka aan la koobi karin ayaa ku heysta, meel hadaad qabsata waa la maamulaa, meel ay maamulaan aysan jirin"ayuu yiri Cali Dheere.

 

Mar uu ka hadlay dagaaladii u dambeeyay ayuu sheegay in shalay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ay qasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isla socda, iyo weeraro uu sheegay inay la beegsadeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Shabellaha Hoose.

 

Cali Dheere ayaa mar uu soo hadal qaaday xaalada Puntland ayuu sheegay in dhowaan uu baabi'i doono maamulka Puntland, isla markaana raayada towxiidka ay ka taagi doonaan deegaanadaas.

 

"Waxaan rajeynayaa in mar dhow maamulka Faroole uu iska baabi'in doono, raayada towixiidka ka taagi doonaa shareecada islaamka lagu dabaqi doono mar aand dheereyn hadii alle yiraahdo"ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

 

Sidoo kale Cali Dheere ayaa fariin u diray shacabka Puntland, isagoo sheegay inay soo dhowaatay xilligii ay heli lahaayeen sharaf iyo karaamo, isla markaana ay ka bixi lahaayeen gumeysiga iyo dhibka lagu haayo.

 

"Shacabka reer Puntland waxaa leenahay waxaa soo dhowaatay, markaa sharaf iyo karaamo heli laheydeen, marka ka bixi laheydeen gumeysiga iyo dhibka la idinku haayo, waxaa soo dhow marka shareecada Islaamka ku dhaqmi laheydeen, garab siiya culimadiina iyo mujaahidiinta sharciga aan sharciga Alle aheyn kuma badbaadeysaan"ayuu yiri Cali Dheere.

 

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dagaalo u dhaxeeyay Xoogaga Shabaaba ee saldhiga ku leh Buuraha galgala iyo Ciidamada Puntland uu labadii habeen ee la soo dhaafay ku dhex maray duleedka Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

"..Sidoo kale Cali Dheere ayaa fariin u diray shacabka Puntland, isagoo sheegay inay soo dhowaatay xilligii ay heli lahaayeen sharaf iyo karaamo, isla markaana ay ka bixi lahaayeen gumeysiga iyo dhibka lagu haayo..."

 

Lool, ma gacmohoo daka laga gooyo ama suuqyada oo lagu karbaasho ayaa sharaf iyo karaamo ah? Horta wadaadani ma gaastay cabaan niyow, anigu waaba ka shakiyee??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this