Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government begins ranking its armed Forces

Recommended Posts

Taleexi   

Maya adiguse miyaanad dhegaysan Taleexi - Xitaa 1000 sano hadday qaadato Khatumo Hargeisa ma laga maamulayo :) bal keenna soo debca waa aragnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indhasheel ma sheegin taas cali khalif galaydh xita reer woqoyinimada ama Somaliland ma diidin hasa yeeshe wuxu yidhi lanama qasbi karo dee wa caaadi cidna ku qasbi mayso:D inagu wax weyn isku ma hayno taleexiyow let me deal with the koonfurians first.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaaji Xunjuf;914987 wrote:
inagu wax weyn isku ma hayno taleexiyow let me deal with the koonfurians first.

Ummada Soomaaliyeed oo dhan wax weyn iskuma heyso, markaa midnimada ummada Soomaalileed Iyo midnimada Dalkeena Soomaaliya ha la illaaliyo oo la qiimeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Somaliland oo laba iyo toban Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ku Toli doonta Darajada Janan Xuska 18 May

 

shgawaHargeysa(Waaheen) Warar hordhac ah oo Waaheen ka helayso munaasibada 18 May ayaa sheegaya in Xuska Maalintaas Xukuumadda Somaliland laba iyo toban Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ku Toli doonto darajada Janan, taas oo ka dhigi doonta tirade Jananada Ciidanka Qaranka 15 Janan.

 

Ku tolista laba iyo Tobanka Janan ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ku taxi doono marka uu dhamaado dabaal degu isagoo Maalintaas ku xusi doona arrimo kale oo lagu weynaynayo Xuskaasi.

 

Warku ma sheegin in la siin doono Ciidamadda kale wax darajo ah, hase yeeshee ilo wareedyada warkaas Waaheen u sheegay ayaa ku koobay oo kali ah in tirade la siin doonaa noqon doonto oo kali ah laba iyo tobankaas Janan oo laga soo xulay Ciidanka qaranka oo kali ah.

 

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in go’aankan lagu so oaf-jaray dood dheer oo beryahanba lagu eegayay qaabkii Ciidamadda kala duwan darajada loo siin lahaa xuska 18 may ka hor hase yeeshee aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay ayaa la sheegay in dib loogu dhigay Ciidanka in darajadii loogu balan qaaday lagu Tolo.

 

Qaar ka mid ah Guddidii bixinta Darajada ayaa la sheegay in ay xilkaas iska casileen isla markaana la jaan qaadi kari waayeen qaabka ay Xukuumaddu doonayso in darajooyinka loo bixiyo, waxaana la sheegayaa in la magacaabay xubno kale oo lagu bedelay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War kolla Xamar baa lagu noqonayaaye baad intoodii yarayd ee ay marxuumkii Jaale Siyaad ka dhaxleen isaga daysaan yey ka lumine. Igga walle Cigaal iyo Riyaale ma garan waayin in Maar odayaasha garbaa lagaga daxee xaqiiqada iyo in Xamar lagu noqon bay ogaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mala ada xamar rajjo ka qaba inad tagtid eeh maad iska tagtid laakin sl. Sl gurigeeday joogaysa. Guri nin kale leeyahay uma socotto. Mala ada guryaha raga kale leeyihin taga. Ciidamada darajada wala siinayaa somaliland heer bey gaadhay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: Vice President Urges Country’s Armed Forces to Accept Award of Rankings

August 9, 2013

 

Hargeisa, Aug 10, 2013 (SDN) — Somaliland Vice President Abdirahman Abdilahi Ismail (Zeili’i) called on all branches of Somaliland national armed forces to accept the newly initiated full scale armed forces rankings after the government awarded 10,000 serving officers pooled from the three branches of the country’s armed forces.

 

“Government dared to provide full scale armed forces rankings. Previous governments have been afraid to dare and take such historic step for a long time, but eventually it became dream true for Kulmiye ruling government. Rankings given to the national forces might be not sufficient as expected, but I am calling for all members of Somaliland national forces to accept and congratulate each other.” Vice president said during Eidal Fidri’i prayer with thousands of Hargeisa people at Hargeisa Grand Mosque

 

Mr. Zeili’I has also sent congratulatory message to all Somaliland people where ever they are for the sake of Eidal Fidri’I days.

 

“Although we have been busy to establish the rankings of the security forces and tried our best to provide rankings, but still there can be errors and complaints by members of the armed forces and we can make mistakes because we are human but there are no intentional mistakes made by the committee for Armed forces Rankings.” Said Somaliland Vice President Seili’I,

 

The Vice president finally urged all Somaliland people to unite for the development, construction and the peace enhancement in entire country and he also call all Somalilanders to pay everything to contribute realizing Somaliland’s recognition efforts.

 

Somaliland president Ahmed Mohamed Silanyo In presidential decree has directed the ministry of Defense to institutionalize armed force’s chain of command by finalizing the award of ranks.

 

 

 

The rankings awarded to 10,000 officers from the 3 branches of country’s armed forces as recommended by the report of the Armed forces ranking committee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xisbiga WADDANI Oo Soo Dhaweeyay Darejooyinka La Siiyay Ciidammadda Somaliland

 

August 10th, 2013

 

“Waxaanu rajaynaynaa in darejooyinku ay sii adkayn doonto dhismihii ciidammadda Iyo niyad samaantoodda”

 

“Waxaanu u Arragnaa Qorshe Qaranku u baahnaa Oo La fuliyay”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyay isla markaana tallaabo qaran oo weyn ku tilmaamay qorshihii xukuumadda Somaliland ay todobaadkan darajooyinkii ciidammadda ugu qeybisay toban kun oo askari oo ka kala tirsan ciidammadda dalka noocyadooda kala duwan.

 

Xisbiga WADDANI waxay sheegeen in xisbigoodu uu soo dhawaynayo hirgelinta iyo qeybinta Darejooyinka ciidammadda oo ay ku doodeen inay tahay mid soo noolaynaysa karaamadda iyo kala dambaynta ciidammadda, sida uu noo sheegay Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo xalay u waramayay Tifaftiraha Guud ee wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax.

 

“Darajooyinka ciidammadda ee la siiyay munaasibadii ciidul fidriga 10 kun oo askari oo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidammadda Somaliland, waa guul qaranku gaadhay oo aanu xisbi ahaan ku faraxsan nahay soona dhawaynayno.

 

Waxaanu jecel nahay xisbi ahaan inaanu Hambalyo iyo bogaadin u dirto 10-ka kun ee askari ee darejadda qaatay, Gudidii ka soo shaqaysay iyo xukuumadda Somaliland ee hirgelisay-ba. Waxaanu aaminsan nahay inay tahay qorshe qaranku u baahnaa oo la taabo-geliyay ama la fuliyay,”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde. Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in ay ciidammadda Somaliland u rajaynayaan karaamo iyo sharaf isla markaana dhismahooda ay darejooyinku sii xoojin doonaan.

 

“Waxaanu rajaynaynaa in darejooyinka la bixiyay ay sii adkayn doonto dhismihii ciidammadda iyo tayadoodaba, isla markaana ay kor u qaadi doonto niyad samaanta iyo karaamadda ciidanka, waxaana dhici doonta in tartan wax-qabad u bilaabmo ciidammadda qalabka sida oo mar walba aanu uga mahad celinayno doorka iyo kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin dhismaha qaranka iyo adkaynta nabad-gelyadda Somaliland,”ayuu yidhi Xoghayaha Guud.

 

Xigasho: WARGEYSKA DAWAN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this