Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government begins ranking its armed Forces

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo oo Toddobaadkan Darajo ku tixi doona Jananada Saddexda Ciidan Ee Qaranka

Hir-gelinta Darajooyinka Ciidanka ayaa Guul u ah Qaranka Somalilnad, Tariikhna u ah Xukuumada

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la filayaa dabayaaqada toddobaadkan inuu darajada loo qoondeeyay ku taxo sadexda Janan ee ugu sareeya Ciidamadda kala duwan ee Somaliland, Milatariga, Booliiska iyo Asluubta.

Xukuumadda Somaliland ayaa keentay Darajadii ay Ciidamadda ugu balanqaaday isla markaana sida uu sheegay wasiirka Maaliyaddu ay ku xidhan tahay mushahar kordhintoodu kadib markii in muddo ah la sugayay balse ay rumoobayso maalmaha fooda inagu soo haya, sida loo qorsheeyay.

Ka hor inta aan la bilaabin bixinta Darajadan ee Saraakiisha iyo Sarkaal xigeenadda waxa ay ilo wareedyo Waaheen heshay sheegayaan Madaxweyne Siilaanyo inuu u horaysiin doono Darajo ku Tolista Sadexda Jana nee ugu sareeya, si ay iyaguna ugu sii qaybiyaan Saraakiisha ka hoosaysa.

Xafladda lagu Tolayo Sadexda Janan Darajada ay mutaysteen oo ah ta ugu saraysa waxa la filayaa inay ka dhici doonto Xarunta Taliska Guud isla markaana si Heer Qaran ah loogu maamuusi doono, maadaama oo ay munaasibadaasi tahay Guul u soo hoyatay Somaliland 21 sano kadib.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay talaabadan darajda loogu tolayo Ciidamadda Guddi Qaran kuwaasoo muddo badan qorshaynayay qaabka ugu haboon ee darajadaasi loo bixin doono, iyo sida ay Ciidamaddu mudnaanta ugu kala heli doonaan, waxaanay noqonaysaa talaabo lagu diirsan doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nope cigaal never tried he feared a coup d'état and rayaale did the same ignored it so after 21 years after independence President Siilaanyo is ranking the armed forces of Somaliland. This will be a historic moment for Somaliland we will have generals colonels corporal sergeants admirals captain Brigadier.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Waxan army ma'ahee waa rag silicsan ee marka hore ha la siiyo cunto dheef leh oo kistoo ha la yara buuriyo, eegaasna darajooyin ha la siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

War I know what I've seen on Universal many times, rag caato u dhimanaayo oo tuute iyo koofiyad xun oo ka weyn qabo ayaan in badan arkey. Ragga ha la cayiiliyo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Haatu;904208 wrote:
War I know what I've seen on Universal many times, rag caato u dhimanaayo oo tuute iyo koofiyad xun oo ka weyn qabo ayaan in badan arkey. Ragga ha la cayiiliyo
:D

Ma kacaankii ayaa mooday oo Sarakiisha dadka iyo dalka cuni jireen. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Carafaat;904279 wrote:
Ma kacaankii ayaa mooday oo Sarakiisha dadka iyo dalka cuni jireen.
:D

I'm sure making sure every askari eats at least 1 egg every day won't strip the 'country' of food :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Tallaabo;904329 wrote:
^^ Why are you using Puntland air force footage for a Somaliland poem? Stop mocking us waaryaa.

You sir, mock yourself. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Hogaamiyo Oo Wajahaysa Go’aan Xukuumaddihii Ka Horeeyey Ku Dhici Kari Waayeen Iyo Dadweynaha Oo Si Weyn U Dhag Taagaya Sida Ay Uga Hawl Gali Doonto

7d70964d0f7ca0ac820829f5fc1d53f9_M.jpg

Hargeysa (Ramaas), Jan, 06, 2013- Xukuumadda wakhtigan talada dalka haysa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa todobaadyada soo socda la filayaa inay wajahdo go’aan ay fulinteeda hore ugu dhici kari waayeen xukuumaddihii ka horeeyey.

 

Go’aankan la filayo inay fuliso xukuumadda Somaliland ayaa ah inay darajada ku taxdo Ciidamada Somaliland oo wakhtigii uu xisbigooda Kulmiye mucaaridka ahaa si weyn ugu ololeyn jireen inay fuliyaan sidii Ciidamada Somaliland darajooyin loogu samayn lahaa.

 

Buuga balanqaadyada xisbiga Kulmiye uu ku galay ololihii uu guulaystay ee uu talada dalka ku qabtay ayey ku jirtay inuu darajada Ciidamada bixin doono, kana mid noqon doonto wax qabadkooda ugu muhiimsan.

 

Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ayaa laba sano iyo badh ku dhawaad markii ay xilka hayeen wakhtigan ka dib waxa soo baxaya guuxa ah in loo diyaar garoobayo bixinta darajada Ciidamada Somaliland.

 

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami oo ka hadlay darajadan ayaa sheegay in la keenay tusmadii hordhaca ahayd ee darajada Ciidamada Somaliland, waxaanu sheegay in munaasibad balaadhan oo loo qabtay lagu bixin doono.

 

Wasiirka oo shalay kula hadlayey xafiiskiisa ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa lagu bixin doonaa munaasibad loo qabto, taas oo uu ka soo qayb gali doono Madaxweynaha Somaliland Mud: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).”

 

Munaasibadan loo qaban doono guddoonsiinta darajada Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa la filayaa in la guddoonsiiyo ugu horeyn taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Bileyska, Asluubta, Ilaalada Xeebaha, Ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa kale ee la midka ah.

 

Shacabka ayaa iyaguna si weyn ugu dhag taagaya inay mar uun arkaan Somaliland oo tan iyo wakhtigii ay la soo noqotay xornimada mar labaad sanadkii 1991-kii Ciidamada dalka oo leh darajooyin lagu ixtiraamo.

 

Dadka qaar ayaa qaba in ay arintani keeni karto khilaaf hor leh oo ka dhaca Ciidamada dhexdooda, iyada oo dadkaasi ku doodayaan in aanay cadayn ilaa hadda habka loo bixinayo darajadan oo ay sheegeen in ay ka mid ahayd sababihii riday dawladdii Somaliya ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this