Sign in to follow this  
oba hiloowlow

The Mayor of Mogadishu Amiir Tarzan survives Assasination

Recommended Posts

Hey'adaha ammaanka dowladda ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe la doonayay in lagu dilo Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, iyadoo ruux loo adeegsanayay inuu fuliyo uu ka tirsanaa shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in arrin fashilantay oo aan suura gelin ay noqotay inay isku dayaan in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir dil loo geysto, isagoo xusay in miino ay u soo dhiibeen nin ay gacanta ku dhigeen.

 

"Dhacdadii u dambeysay ee kooxaha Al-Qaacida isku dayaan waxay aheyd inay dil u geystaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waa arrin fashilantay, oo aan u suura gelin sidii loogu tala galay inay sameeyaan, waxaa ka hortagay hey'adaha amniga, miinada yarka loo soo dhiibay"ayuu yiri Khaliif Ereg oo wariyaasha la hadlay.

 

Sidoo kale ruuxa qorshahan la doonayay inuu fuliyo oo lagu magacaabo Tahliil C/llaahi ayaa sheegay in go'aankan ay isla soo gaareen Shabaab, isla markaana isaga loo adeegsanayay, markii xiriir lala soo sameeyay, isla markaana ay balan qaad u sameeyeen.

 

"Waxaa fashiliyay fal kooxaha nabad diidka ugu tala galeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, xiriir ayay ila soo sameeyeen balan qaadna waa ii sameeyeen inaan falka qaad oo miinada meelaha uu ku sugan yahay gudoomiyaha gobolka aan dhigo, sidaas lagu qarxiyo, waxaa suura geliyay xiriirkaas qof qaraabo ila ah oo xiriirka marka hore ila soo sameeyay"ayuu yiri Tahliil C/llaahi.

 

Mr Tahliil ayaa sidoo kale sheegay in uusan ugu tala gelin qorshaha sida ay u aameen inuu falkaas u fulo, hase ahaatee uu isaga u muujinayay kalsooni iyo inay falka fulintiisa ku aaminaan.

 

Isku daygan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee qorshihiisa ahaa ee lagu maleego dilka gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyadoo dhacdo tan ka horeysay ay aheyd markii horaantii sanadkan markii xiriir lala soo sameeyay nin darawal u ahaa Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dhega-badan oo la doonayo inuu u fududeeyo ruux u diyaar ahaa inuu isku qarxiyo abaanduulaha, dabadeedna balan qaad loo sameeyay hadii falkaas uu suurta galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I am happy that he survived and I hope that he and all those in the government are not harmed either but I would be careful about some guy intuu miino soo qaato dhaha "Oh, miinadaan baa la ii soo dhiibey, I saved you". Some of you might think that I am weird but I would investigate such claims throughly and not just believe it as it is because it could be a money making method and a hoax. I am not saying that Tarzan is aware of this or anything like that before some of you jump into a conclusion but I would just be careful in just believing what some people claim in waddan dagaalo sokeeye iyo musuqmaaduq gaamuray uu baabi'iyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this