Sign in to follow this  
Saalax

Kulmiye government prepaid fake elders attacked in Burco

Recommended Posts

Saalax   

Burco: Dhalinyaro Gadoodsan Oo Caawa Weeraray Odayaal Xukuumaddu Addeegsanayso Oo Ka Hor-yimid Dalabka Beesha Galbeedka Burco Ku Doonayso Badhasaabka Togdheer

 

 

 

Burco (Ramaas) Dec 29,2012 – Sida Wariye ku sugan Magaaladda Burco u sheegay Shabakada wararka ee RAMAAS, koox dhalinyaro ah ayaa caawa fiidkii budhadh iyo dhagaxaan ku wareetay kuri ay ku shirayeen Odayaal iyo waxgarad beesha Galbeedka Burco ah.

 

Kooxda dhalinyarada ah ayaa la sheegay inay odayaashan weerareen iyagga oo sita budhadh iyo dhagaxaan, isla-markaana ay gurigii ay ku jireen xoog ku galeen, odayaasha oo aan falkana la socona qaarkood la gaadhsiiyay dhaawacyo fudud.

 

Dhalinyaradan oo la sheegay inay ku jireen kuwii dhigay Mudaharaadkii doraad ka dhacay Magaaladda Burco ee lagu dalbanayey in xilka Badhasaabka la siiyo beesha Galbeedka Burco, ayaa lagu soo waramayaa in odayaashan ay dhalinyaradu ku gadooday ahaayeen kuwo ka horyimid qorshahaasi oo xukuumaddu qaarkood u xilsaartay inay tabashadaasi damiyaan.

 

Dhalinyarada ayaa la sheegay inay ka gadoodeen go’aan odayaashani kaga hor yimaadeen baaq ay guddida sare ee beesha Galbeedka Burco xukuumadda kaga dalbadeen in badhasaabka Togdheer la siiyo beesha galbeedka Burco, maadaama oo beesha bariga Burco ay haysato Maayarka.

 

Wariyaha Ramaas warkan u xaqiijiyey ayaa tilmaamay in odayaasha ay dhalinyaradu weerareen ay halkaasi iskaga tageen ka dib markii ciidamo boolis ahi soo gaadhsiiyeen si ay dhalinyarada u kala dareeriyaan.

 

Wariyuhu waxa uu leeyahay ilaa hadda lama oga in dhalnyarada la soo abaabulay oo ay jirto cid ka dambaysa tallaabadoodan iyo inuu yahay wax dhalinyarada dhankooda ka yimid, maadaama oo dhlainyarada ay ku jiraan kuwii Mudahaaradka ku dalbanayey in beeshooda la siiyo badhasaabka Togdheer.

 

 

 

La Soco wixii ka soo kordha

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this