Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khatumos process merging with Somaliland begins.

Recommended Posts

War-Deg-Deg Maayirkii Magaalada Buuhoodle Ee Khatumo Cabdicasiis Ducaale Qanbi Oo Hargaysa Ugoostay

 

Maayarkii Khaatumo ee Degmada Buuhoodle Cabdicasiis Ducaale Qanbi ayaa u Goostay Dhinaca Maamulka Somaliland Waxaana Warar Kalshaalenews.com ka Heshay Magaalada Hargaysa ay Sheegayaa Inuu Halkasi Xil uga Doontay dhinaca Somaliland, Waxaana Wararku intaasi ku darayaa inuu Tagitaankiisa ay timid kadib markii Khaatumo uu Khilaaf soo kala dhexgalay..

 

Dhinaca kale Waxaa isna u Goostay Magaalada Muqdisho Gudoomihii Khaatumo ee Buuhoodle C/raxmaan Khaliid oo isaguna horay uga tagay khaatumo, Waana Masuuliyiintii Ugu Danbaysay ee ka Goostay Khaatumo oo Hargaysa Gaadha oo Xillal ka doonta, mana jiraan wax khaatumo ah oo hada Buuhoodle ka Shaqeeya oo Dhinaca Maamulkood ah, marka laga reebo islaamo iyo carruur yar yar oo wali fikir khaladani uu ku jiro.

 

Ygu danbaytiina maayarkii khaatumo ayaa lagu wadaa inuu warbaahinta somaliland ka hadlo maanta kana warbixinyo sababaha uu khaatumo uga soo goostay, la soco wararka ka soo kordha,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Unug Iyo Gaadhi Tikniko Ah Oo Caawa Ka Soo Goostay Kooxda Khaatumo

 

May 25th, 2013

 

Laascaanood (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Qaranka qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa caawa shaaca ka qaaday in abaaro 8:00 cawaysnimo ay ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay gobolka Sool ay soo gaadheen unug dhawr iyo toban xubnood ah iyo Baabuur Tikniko ah oo ay wateen, kuwaasi oo ka soo goostay kooxda Nabad-diidka ah ee Khaatumo-seeg.

 

Taliyaha Ciidanka qaranka ee Qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa sheegay inay Unugtan iyo baabuurka ay wateenba lagu qaramayn doono ciidanka qaranka.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay inay u mahad celinayaan soona dhaweynayaan muwaadiniinta la khalday ee la hubeeyay, waxaanu inta kale ee baaqiga ku sii ahna u soo jeediyay inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland oo ay iska dhigaan hubka.

 

Mid ka mid ah kooxdan oo halkaasi ka hadlay ayaa ciidanka qaranka ee jiida Sool uga mahad celiyay sida ay diiran ee loogu soo dhaweeyay duleedka Laascaanood, waxaanu xusay inay ka soo goosteen kooxda Khaatumo ka dib markii ay ka waayeen wax rajo iyo naruuro ah oo ay u hayaan bulshadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidan Iyo Gaadhi Tikniko Ah Oo Ka Soo Goostay Kooxda Khaatumo Oo Xalay Isu Soo Dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Laascanood(Ramaasnews) May 26, 2013-Taliyaha Ciidanka Qaranka qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa caddeeyay in xalay abaaro 8:00pm cawaysnimo ay ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay gobolka Sool ay soo gaadheen unug dhawr iyo toban xubnood ah iyo Baabuur Tikniko ah oo ay wateen, kuwaasi oo ka soo goostay kooxda Nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo.

 

Taliyaha Ciidanka qaranka ee Qeybta 12-aad Axmed Hurre Haariye ayaa sheegay inay Unugan iyo baabuurka ay wateenba lagu qaramayn doono ciidanka qaranka.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay inay u mahad celinayaan soona dhaweynayaan muwaadiniinta la khalday ee la hubeeyay, waxaanu inta kale ee baaqiga ku sii ahna u soo jeediyay inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland oo ay iska dhigaan hubka.

 

Mid ka mid ah kooxdan oo halkaasi ka hadlay ayaa ciidanka qaranka ee jiida Sool uga mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay duleedka Laascaanood, waxaanu xusay inay ka soo goosteen kooxda Khaatumo ka dib markii ay ka waayeen wax rejo iyo naruuro ah oo ay u hayaan bulshadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco: Garaaddo, Tikniko, saraakil iyo ciidankii uGu tirade badnaa oo ka soo goostay khaatumo, iyo weftigii uu hogaaminayey wasiirka madaxtooyadu oo ku soo dhoweeyey degaanka fiqi-fuliye

 

(Hadhwanaagnews) Saturday, July 20, 2013

550 Askari oo ka mid ah ciidamadii khaatumo, 13 tikniko ah iyo 8 gaadhii oo waaweyn oo nooca xamuulka qaada h ayaa saaka ku soo wareegay somaliland

 

Burco: Garaaddo, Tikniko, saraakil iyo ciidankii uGu tirade badnaa oo ka soo goostay khaatumo, iyo weftigii uu hogaaminayey wasiirka madaxtooyadu oo ku soo dhoweeyey degaanka fiqi-fuliye.

 

Wefti ballaadhan oo uu hogaminayey wasiirka madaxtooyada Somaliland xirsi cali xaji xasan ayaa saaka Degaanka fiqi fuliye ku soo dhoweeyey 550 Askari oo ka mid ah ciidamadii khaatumo, 13 tikniko ah iyo 8 gaadhii oo waaweyn oo nooca xamuulka qaada h.

 

 

Weftiga oo habeen hore ka soo baxay hargeysa ayaa xalay u hoyday degaanka beer-weyso oo

 

 

 

ka tirsan sanaag bari, waxaana weftigu saaka u kallaheen dhinaca degaankaasi fiqi-fuliye halkaasoo soo dhoweyn ballaadhan ay kala kulmeen weftigu.

 

Weftigan oo ka kooban wasiirka madaxtooyada, wasiirka warfaafinta, wasiirka biyaha, wasiiru dawlaha nabadaynta gobollada bari, iyo taliyaha guud ee ciidanka qaranka ismaciil maxmed shaqalle ayaa degaankaasi kula hadlay ciidanka laxaadka leh ee u soo jihaystay dhinaca nabadda iyo garradadadii hogaaminayey oo ay ka mid ahaaayeen Garaad c/laahi muxumed guled, Chief Caaqil Saleban xasan cali, Chief Caaqil Siciid jamac muxumed, Caaqil c/raxmaan xasan maxmed, Caaqil Xusen axmed

 

 

 

 

Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed oo ka mid ah isimmadda Beesha deegaankaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maleeshiyadii ugu badnayd ay ku qarameeyeen ciidammadda qaranka Somaliland ka dib wada hadal dheer oo dhex maray xukuumadda isla markaasna ay ka dhalatay is faham buuxa.

 

 

 

 

Garaad Cabdilaahi Maxamed waxa uu intaasi ku daray inay ku qanacsan yihiin Somaliland, isla markaana ay safka hore kaga jiraan bulshadda difaacaysa qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay inay dadkooda dhinac ka raacayaan. Garaadku waxa uu u mahad naqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan nabadaynta bariga Somaliland oo muuqata bu yidhi mid midho dhashay.

 

Taliyihii watay ciidankan laxaadka leh ayaa isna dhiniciisa heegay inay ku faraxsan yihiin sida Somaliland u soo dhawaysay isla markaana uga midho-dhalisay wada xaajood muddo qaatay oo uu xusay inay la yeesheen xukuumadda Somaliland. isagoo carabka ku adkeeyey a in diyaar u yihiin inay ciidanka qaranka ka mid noqdaan.

 

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isna ka hadlay madashaasi ayaa bogaadiyay maleeshiyadan ay manta soo dhoweeyeen oo ah tii ugu tiro badnayd ee ka soo goosata kooxaha nabad diidka ah, waxaanu tilmaamay in arrintani ay fursad wanaagsan siinayso dedaaladda xukuumaddu ku doonayso inay nabad waarta ka islaaxiso goboladda bari ee dalka.

 

Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu u balan qaaday ciidankan cusubi inay heli doonaan dhammaan xuquuqda ay helaan ciidanka qaranka Somaliland. Waxaanu ku booriyay kooxaha baaqiga ku sii ah kooxhaha nabad diidka ah inay ka faa?iidaystaan fursadda nabada iyo horumarka.

 

Sidoo kalen waxa kulankaasi ka hadlay Wasiirul dawlaha nabadeynta gobolada bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirka Warfaafintaiyo wacyigelinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), iyo Taliyaha Ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle. Dhammaantoodba waxay bogaadiyeen ciidankan laxaadka leh ,garaadada iyo taliyaashooda hor kacayey kuwaasoo ay ku tilmaameen geesiyaal go?aan adag qaatay.

 

Waana markii u horeysay ee ciidan, garaado, tikniko iyo gaadiid intan leeg hal mar u soo jihaystaan dhinaca Somaliland, waxaana ciiidankan iyo weftiguba caawa ku soo hoyanayaan magaalada Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Xirsi Oo Khudbad Soo Jiidatay Ciidamadii la Qarameeyay ka Jeediyay Fiqi-fuliye

 

July 20th, 2013

 

“Darajadda ugu weyn ee aanu Bixin Jirnay Waa Mujaahid, Markaa waxaad tihiin Mujaahidiin”

 

“Waxaad Garateen in Xabadda iyo Xoogu aanu Xal ahayn, inaydaan xoog ku baadi doonin, Annaguna Taas ayaanu ku shaqaynaynaa”

 

“Waxaad xaq u leedihiin wax kasta oo ciidanka qaranku leeyahay haddii ay darajo tahay iyo haddii ay mushahar tahay-ba, haddii ay dalacsiin”

 

Fiqi-fuliye(Somaliland.Org)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maleeshiyadii maanta lagu qarrameeyay deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag ku ammaanay inay garteen in aan xoog waxba lagu baadi doonin ee xalku shaqeeyo.

 

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad xiise iyo xamaasad waddaniyeed gelisay quluubtii bulshadda ku dhaqan degmadda Fiqifuliye iyo maleeshiyaddii la qarrameynayayba.

 

Wasiir Xirsi waxa uu ugu horayn u mahad celiyay ciidankan ku soo biiray ciidammadda qaran iyo dhinacyadii ka qeyb qaatay ka midho dhalinta waan-waan muddo u soo socotay madax dhaqameedka beesha degmaddaasi iyo xukuumadda Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciidammadda, Garaadada iyo cuqaasha halkan fadhida waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka waxaanan leeyahay Asalaamu Calaykum warax-matulaahi wabarakaatu. Salaan ka dib waxaan ku faraxsan nahay kulankeenan nabadeed ee deegaanka Fiqi-fuliye laga sameynayo ee Ciidammadda la qarramaynayo. Intii ka shaqaysay ee nagala qeyb qaatayna waanu u mahad naqaynaa. Arrintan aynu maanta u fadhino wakhti badan baa loo huray, tacab badan baa la geliyay.”

 

“Wada hadladii socday maanta haddii ay rumowday aad iyo aad ayaan garaadka iyo ragga kale ee ka shaqeeyay-ba uga mahad celinaynaa. ILAAHAY-na waxaanu uga rajaynaynaa inuu khayr iyo ajar ka siiyo wanaaga ay ka shaqeeyeen,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

 

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ciidammadda halkan fadhiya waxaan leeyahay maanta wixii laga bilaabo waxaad ka mid tihiin ciidammadda qaranka. Waxaad xaq u leedihiin wax kasta oo ciidanka qaranku xaq u leeyahay haddii ay darajo tahay iyo haddii ay mushahar tahay-ba, haddii ay dalacsiin, muumuus iyo marwaad tahay-ba.”

 

“Walaaleyaal aad iyo aad ayaanu idiinku bogaadinaynaa haddii ay oday tahay iyo haddii ay askari tahay-ba inaad nala garateen in xabadda iyo xoogu aanu xal ahayn, inaydaan xoog ku baadi doonin, annaguna( xukuumadda) aanaan xoog ku doonin oo aynu garateen inaad duudsigu waxba tarin, in cududu aanay shaqayn ee caqligu shaqeeyo. Annaguna taas ayaanu ku shaqaynaynaa in caqligu shaqeeyo,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

 

Wasiirku waxa uu intaasi ku kabay “Waxa loo baahan yahay inaynu danteenna wada garano. Waxaan jecelahay inaan xuso marka aanu Hargeysa joogno ka sokow darajadan imika la bixinayo darajadda ugu weynayd ee aanu bixin jirnay waxay ahayd “MUJAAHID”, markaa dee Mujaahidiin ayaad tihiin. Walaaleyaal waxay wax ku qabsoomaan wada jirka, waxba ma tarto cunfiga iyo colaaddu.”

Wasiirka oo waxa uu intaas ku daray “Waxaanu aad iyo aad idiinku soo dhawaynayaa dalkiinii iyo dadkiinii. Waxaanu diyaar idiinla nahay qalbi furan iyo wax wada qabsi. Wixii horumar ah ee deegaankani u baahan yahay awoodu inkasta ha gaadho ee waxaanu diyaar idiinla nahay inay qeybtooda ka helaan.”

 

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay goboladda bari u qorshaysay nabadeyn iyo horumarin sal balaadhan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa madaxweynuhu khudbadiisii Goleyaasha uu ku saleeyay oo dhab naga ahayd oo muuqan doonta inuu deegaankan ugu tallo galay horumarin, haddii ay tahay Sanaag bari, Sool iyo Buuhoodleba, qorsheyaashaasi oo loogu tallo galay in lagu horumariyo caafimaadka, biyaha, waxbarashadda iyo guud ahaan adeegyadda bulshadda ee daruuriga ah.”

 

“Waxaan Jecelahay inaan xuso had iyo jeer dawladaha yar yar ee innaga oo kale ahi ma laha awood dhaqaale oo ay dalka ku horumariyaan, ama way yar tahay, waxa had iyo goor caawimadda laga helaa Ha’yadaha madaxa banaan ee aan dawliga ahayn. Deegaamaddu waxay u qeybsan yihiin qeybo. Meel aanay gaadhi Karaan iyo meel aanay geliba Karin,taas ayaa kala horumarisa deegaanka. Waxaanu idinka codsanaynaa inaad nagala shaqaysaan sidii ammaanka loo sugi lahaa. Haddii aan ammaanka la sugin horumarku ma islaaxo,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan

Share this post


Link to post
Share on other sites

What did the professor do his objective was to get the Parliament seat , right now he has other stuff to worry about. I believe the professor really believed the Koonfurians would let him take the Parliament speaker. He miscalculated on that. I dont know what he will do next i dont think he is happy just being an MP in Somalia. He wanted some how to be the right hand man of Hassan sheikh. But hassan is in bed with damuljadiid and other groups and hassan didn't like galaydhs stance on the Jubbaland conflict.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;969807 wrote:
What did the professor do his objective was to get the Parliament seat , right now he has other stuff to worry about. I believe the professor really believed the Koonfurians would let him take the Parliament speaker. He miscalculated on that.

Xaji, you and I both know his objective was NEVER about Mogadishu or getting any seat. After he witnessed the Kalshaale wars, he realized that with further Hargeisa-Garaad clan wars, Somaliland's claims to Sool, Sanaag and Cayn would cease to exist. With the help of Hargeisa-politicians and Faroole, he decided to hold the Khaatumo One conference in London, which lead to the Khaatumo 2 conference in Taleex, which created the "Khaatumo State".

 

Cali Khalif's objectives:

 

1. Separate any political and geographical ties between Garaad clan and the Garoowe clans.

2. Bring all Garaad clan under the "Khaatumo" umbrella.

3. Puntland's claims to SSC ceases to exist.

4. Under Khaatumo, let the merging with Somaliland begin.

 

5. Khaatumo 3 conference is coming in theaters near you. This time the agenda is to create "Khaatumo state of Somaliland". :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well we know Ali galaydh never liked the Garowe clan enclave nor the politics of the Faroole or all the SSDF leaders. I honestly believe galaydh wanted to create a home grown entity for his clan in order for him to climb the ladder in Mogadishu that was his objective. But he miscalculated the larger Sahal community rejected his stance for getting the parliament speaker they considered it cad quudheed, and wanted either president or Prime Minister. Galaydh lost that one , but his goal was never to let his clan join Somaliland altogether and if they do, they need negotiate , even though close 85% of the garaad clan in land mass and politicians are already part of the Somaliland current government. I believe Khatumo will eventually merge with Somaliland it is just natural because Khatumo cannot become a state with 3 villages its not viable they are not serious how can they be serious when Garowe clan enclave minister visits Taleex. But i dont think the Professor is to blame for this the Professor wuxu rabay inu beesha cad weyn uso qaado oo Somalia dhex taalo, dabeedna khatumo ugu doodo. Tiba dhici weyday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XX, Don't worry about the fadhi ku dirir in SOL.They will all just end up like Galaydh and samater,confused , distraught and eventually land in Berbera rehab clinic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

burahadeer;969850 wrote:
XX, Don't worry about the fadhi ku dirir in SOL.They will all just end up like Galaydh and samater,confused , distraught and eventually land in Berbera rehab clinic.

Hey samatar Iska da Walahi somaliweyn dacaad bay ka ahayd not qabil until he went to Xamar and saw reality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Dag Dag Ah:-Xiisad Colaadeed Oo ka oloolsan Deegaanka Awrboogays Ee G/Sool

 

Wararka nagasoogaadhay magaalada Awrboogays Ayaa sheegay In halkasi ay Kasoo cusboonaatay Xiisadan colaadeed ayaa sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Awrboogays oo waqooyi magaalada Laascaanood 150Km kaga aadan bilaabantay saaka markiiHalkaas ay gaadheen koox Horgalo ah iyo Maleeshiaad ka tirsan ciimada SNM.

Cali Shirre oo ka mid ah ganacsatada degaankaasi ayaa noo xaqiijiyey in ciidamadani ay degeen halka lagu magcaabo dhagax jebiska oo u muuqata magaaladda Awrboogays.

In kasta oo xiisad siyaasadeed ku soo biirtay degaankaas ayaan hadana la saadaalin karayn waxa ay ku danbayn doonto iyadoo masaafo 70Km bari Xudun kaga beegan oo buuraley ah ay jibaaxeen.

 

Horufadhi kala soco wararka deegaanka iyo kuwa SOomaaliya guud ahaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this