Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Xassan Sheikh Maxamuud 100 days in office achievements and shortcomings

Recommended Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqol maalmood jirsaday (Warbixin)

 

Laga soo bilaabo horantii 1991-kii ilaa iyo bishii September ee sanadkan waxaa Soomaaliya soo maray Madaxweynayaal dhowr ah, waxaana Madaxweynayaashaas ka wada dhaxeeyay magac la yiraahdo KMG, ha yeeshee waxaa uu magacaasi daaqada ka baxay 100-maalmood ka hor, oo ku beegneyd 10-September 2012, kadib markii xilligaas la doortay Madaxweynaha haatan hogaamiya qaranka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo cod aqlabiyad leh ay ku doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka iminka jira, isagoo noqday Madaxweynihii 1aad ee rasmi ah.

 

Dhowr iyo labaatankii musharax ee u taagnaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayuu ka soo dhex baxay Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ay la tartamayeen, rug cadayaal siyaasadeed, aqoonyahano iyo hogaamiyeyaal kale, waxaana nasiib wanaag noqotay in ragaas laga dhex doortay aqoonyahankii ugu mudnaa inuu ku soo baxo xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo lagu doortay arrimo ay ka mid ahaayeen aqoontiisa, daacadnimadiisa, wax u qabashadii uu u sameeyay bulshada, soo saaristii boqolaal kun arday iyo barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu ku hor aqriyay xildhibaanada Baarlamaanka ee xaqa u lahaa, inay go’aamiyaan mas’uulka noqonaya Madaxweynaha cusub ee aan KMG aheyn.

 

Soo bixidii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadaneyd qaabkii dimoqraadiga ahaa ee loogu doortay xilka ugu sareeya Soomaaliya waxay aheyd, waa cusub oo u baryay Umada Soomaaliyed, maxaa yeelay Madaxweynaha la doortay, waxaa uu ahaa Mas’uul xog ogaal u ah xaalada Soomaaliya, isla markaana waayo aragnimo fiican u leh is bedeladii iyo marxaladihii ay Soomaaliya soo martay, isagoo sidoo kale aqoon qoto dheer u lahaa qaab nololeedka iyo mida deegaameed ee bulsho weynta Soomaaliyed, maadaama uu ku soo dhex noolaa shacabkiisa 20-kii sano ee la soo dhaafay.

 

Marka laga soo ambaqaado habeenkii Madaxweynaha cusub la isku raacay inuu hogaamiyo qaranka, ilaa iyo maanta oo la joogo oo ku beegan 19-ka December waxaa Madaxweynaha u buuxsantay 100-maalmood ee ugu horeeyay ee uu xafiiska Madaxweynimada Soomaaliya joogay, sidaas daraadeed waxaa is weydiin mudan mudadaas kooban muxuu Madaxweynuhu ka sameeyay, hadii ahaan laheyd dhinacyada wax ka qabashada arrimaha gudaha, ama siyaasada arrimaha dibada.

 

Boqol maalmood waa waqti aad u kooban oo la mid ah, il biriqsi oo kale, marka loo eego socodka waayaha fog ee aduunka, ha yeeshee marka la bar bar dhigo, is bedelada dunida ka dhacaya, waa xilli la sameyn karo bilow wanaagsan, sidaa awgeed Xasan Sheekh Maxamuud hadii la qiimeeyo, saddexdii bilood iyo 10-kii cisho ee uu fadhiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaa uu sameeyay taariikh aad u wanaagsan iyo waxqabad lagu faani karo, hadey ahaan laheyd dhinacyada amniga, dhismaha xukuumada, adkeynta xiriirka caalamiga, ku dhiira gelinta bulshada sidii nabada uga qeyb qaadan lahaayeen, horumarinta arrimaha federaalka, jeedinta khudbado xigmadeysan oo hadba ka turjumayay marxalada la joogo iyo wixii la mid ah.

 

Hadii ay noqoto in far waa weyn lagu qoro, horumarka la arki karo ee uu Madaxweynuhu ku dhaqaaqay, isla markaana lagu xasuusan doono, 100-kii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa ugu horeeyo baabi’inta nidaamka 4.5, kadib kolkii beelaha soomaaliyed uu xubno isku mid ah uu ka siiyay Golaha wasiirada, tir tirida isbaarooyinkii taariikh xumada u keenay Gobolka Banaadir iyo gobolada koofureed, hal abuurka dhismaha xukuumad tiro yar, tayana leh, la dagaalanka musuq maasuqii dilooday Soomaaliya, u dhaga nuglaanta baahiyaha ka jira bulshada dhexdeeda, u howl gelida sidii uu caalamka Soomaaliya ugala dhaqmi lahaa si ka duwan sidii hore, sii adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee aduunka kala dhaxeeyo Soomaaliya, sii wadida la dagaalanka kooxaha dowlada ka soo horjeeda iyo wixii la mid ah.

 

Ma sahlaneyn intaas oo waxqabad in Soomaaliya laga sameeyo, 100-cisho oo qura, balse horumarka lagu faani karo, ee ay dowladda federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay, waxaa Alle ka sokow mahadeeda is ka leh aqoonyahankii loo igmaday inuu horseed ka noqdo Soomaalida cusub ee KMG ka gudubtay, waxaana xaqiiqo ah guusha muuqata oo uu qaranka gaaray inay ka dhalatay qunyar socodnimada Madaxweynaha oo sida xaqiiqda ah ka yimid bulshada, una yimid wax u tarida bulshada.

 

Waa suura gal in ay dad badan saluugsanaayeen, markii ugu horeeysay ee Madaxweynaha la dooranayay, iyagoo ka cabsi qabay in dib u dhac laga sameeyo halkii xilligaas la marayay, balse malahaasi ay dadka qaarkiis qabeen maanta waa uu beenoobay, waxaana booskii shakiga buux dhaafiyay run, waxqabad iyo dadaal loo riyaaqi karo, waxaana amaanta arrimahaas ay u noqoneysaa Xasan Sheekh oo halkii loo maleynayay meel ka sareysa gaarsiiyay qaranka Soomaaliyed 100-kii maalmood ee la soo dhaafay.

 

Layaab ma leh daruufaha wali jira awgood in Madaxweynuhu ay u suura geli weydo inuu arrimaha qaarkood wax ka qabto, sida dilalka wali socda, dhaca shacbiga loo geysanayo, ku tagri falka xarumaha dowladda qaarkood ka taagan, mushaar la’aanta shaqaalaha dowladda heysata, sixida Mas’uuliyiinta wali qaldan, soo deyn la’aanta muwaadiniin fara badan oo ku xiran wadamada caalamka qaarkood, nolol u abuurida boqolaalka kun ee ku baaba’san gudaha iyo xerooyinka qaxootiga, xoojinta tacliin lacag la’aan ah iyo isu furida wadanka oo dhan, waxaase in la soo dhoweeyo mudane in Madaxweynuhu ay u qorsheysan tahay sidii arrimahaas ula tacaali lahaa ilaa uu ka jibo keeno ama uu ku guuleysto.

 

Ra’yi uruurin fara badan oo laga sameeyay xarumaha dowladda, xafiisyada ururada bulshada rayidka, goobaha tacliinta, baararka ay bulshada isugu timaado, jaaliyadaha dibada, suuqyada, gaadiidka la wada raaco iyo meelo kale ayaa muujineysaa sida ay shacabka Soomaaliyed kalsooni buuxda ugu qabaan Madaxweynahooda, waxaana iska cad oo sida dayac afar iyo tobanaad oo kale loo arki karaa, sida ay u sii ballaaraneyso sumcada uu dadkiisa ku dhex leeyahay Hogaamiye Xasan Sheekh, sidaas daraadeed waxaa ila mudan in la yiraahdo ishii buktaay ku bikaacso waxqabadka Madaxweynaha iyo taageerada ay shacabkiisa u hayaan darteed.

 

Ruux kasta oo geesi ah waxaa uu u baahan yahay in la garab qabto sidaas awgeed waxaa shacabka Soomaaliyed la gudboon inay Madaxweynahooda gacan ku siiyaan ku sii socoshada wadada cad ee uu cagta ku hayo, waxaana in la xusuusnaado mudane halku dhigii Madaxweynaha ee xilligii doorashada oo ahaa NAGU RAAGTAYEE YAAN LOO KALA HARIN, iyadoo oraahdaasi laga ambaqaadayo, ayaa waxaa ila haboon in aan loo kala harin ka gudubka marxalada lagu jiro ilaa laga gaarayo nabad, horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay.

 

Maanta oo boqol maalmood aynu ka joogno maalintii Madaxweynaha loo igmaday daadihinta dalka iyo dadka ayaa waxaa wanaagsan in Xasan Sheekh loogu hambalyeeyo, naf hurnimada iyo guusha uu ka soo hoyay mudadii koobneyd ee uu dalka hogaaminayay, kuwaasi oo u dhigma sanado fara badan, waxaana guntii iyo gaba gabadii qoraalkan ku leeyahay Madaxweynow waad guuleysatee geediga halkiisa ka sii wad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

qoslaaye is a clanist. he has really surprised even his own supporters with his incompetency and lack of accomplishements.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Abwaan, the damjadiid spokesman, i waran ninyoow. meesha idinka HAG ba mamushee halka ka wad shekada ninyoow. lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Give the President time and a break its only 100 days he did allot there is still lots of things that needs to be done , being president of Somalia is not an easy task boys and girls lots of responsibility comes to play.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge;900543 wrote:
Abwaan, the damjadiid spokesman, i waran ninyoow. meesha idinka HAG ba mamushee halka ka wad shekada ninyoow. lol.

:D Mooge, Damul-Jadiid will rule you in the next quarter century insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaction, inaction, inaction

 

What has been accomplished in the last 100 years? Nothing but not only him also the PM has done nothing, he has become the shadow of the President as was predicted.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

In the real world hundred days usually gives you an idea where the elected government is heading. It took the prime minister over two

months to complete the cabinet. some ministries have a minister, minister of state and two vice ministers. their is no job for four guys.

they don't have any plan to raise internal revenue, they have no idea how to build a national army and their only hope is foreign aid

and African troops. This country can't afford people who sit idle and spend 100 days to nominate a cabinet. They should be working

sixteen hours a day to improve the lot of the people. What a waste of time especially the prime minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Its not the fault of the PM but the President and his entourage, he chose the slow moving quite guy for a purpose, he could have brought back Farmaajo or Abdiwali who excited the government and its structure in short time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

100 days is nothing and for those who expect a complete change of the mess in Somalia seem to be living in a different world. In case you are forgetting this, let me remind you that Somalia is a third world country destroyed by a 21 years of clan rule, 21 years of a dictatorial regime and you expect to fix all this within 100 days?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Abwaan;900560 wrote:
:D
Mooge, Damul-Jadiid willrule you in the next quarter century insha Allaah.

lool. shekadi ma ducaysi bay maraysa manta.

 

i hope you are not dumping all your savings on damjadiid HAG projects ninyoow. lol. . carurta iska korso ninyoow ha isku dalin project aan socon donin. lol. qoslaaye meel reerka garsiin maye u sheeg caasha xaaji, odawaa, cabdikariim xuseen iyo ina cabdi abtidoon aysan ukuntoda hal dambil ku guran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this