Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Huge anti Kulmiye Demos rock City..

Recommended Posts

Dadweyne Taageersan Xidhibaanno la sheegay inay ku hareen doorashooyinka oo Mudaharaad ka dhigay Hargeysa

Axad, December 16, 2012 (HOL) — Mudaharaad balaadhan, ayaa ilaa maanta ka socday xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa, gaar ahaan waqooyiga magaaladda, kuwaas oo diidan kala bedel lagu sameeyey xildhibaanaddii soo baxay ee golaha deegaanka, kuwaas oo xildhibaankii ay taageerayeen oo soo baxay lagu bedelay xidhibaanno kale oo marki hore la sheegay inay hadheen.

 

Dadweynahan* mudaharaadayey ayaa gubayey taayiro, wadadana ku xidhayey dhagxaan, iyago kala xidhay wadooyinka qaar, waxaana goobaha mudaharaadku ka socday ka mid ah waddad Togdheer ee* badhtamaha magaaladda, xaafadaha xisbiga loo yaqaan iyo xaafadda boqol iyo kontonka, kuwaas ku dhawaaqayey in aanay ogolayn in xildhibaankoodii markii hore la sheegay inuu guulaystay in markale la reebo, isla markaana lagu bedelo xildhibaano markii hore la shaaciyey inuu hadhay.

 

Ciidanka Amaanka ayaa kala eryayey dadka, iyagoo rasaas aad u badan kor ugu ridayey, haseyeeshee marka uu ciidanku ka dhaqaaqo ayey dib iskugu soo urursanayeen oo ay u bilaabayeen inay wadooyinka xidhaan oo ay taayiro gubaan.

 

Ilaa hadda wax dhibaato ah lama sheegin, haseyeeshee, ilaa saddex wariye ayaa lagu xidhay mudaharaadkaasi ka dib markii ay isku dayeen inay wax ka duubtaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadkan oo ilaa imika ka socda xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa ayaa ka dhashay ka dib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranka ay mar labaad si rasmi ah u baahiyay natiijada doorashadii golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, iyagoo isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanaddii ay hore u sheegeen inay u soo baxeen golaha deegaanka Hargeysa, kuwaas oo laba hore usoo baxay la sheegay inay hadheen, halka labaddii musharax ee ka hooseeyeyna ay kor u soo baxeen, isla markaana xildhibaano rasmi ah ay noqdeen.

 

Komishanka doorashada, ayaa hore u sheegay inay maxkamadda gobalka Hargeysa u gudbiyeen natiijadii doorashada ee degmada Hargeysa, iyagoo sheegay inay hufid ku sameeyeen xogta goobaha cod bixineed ee degmada Faraweyne oo ay khalad ay ka heleen dib u saxeen. Laakiin maxkamadda ayaa dib ugu soo celisay komishanka si ay ugu dhawaaqaan wixii khalad ah ee ku jira, taasina waxay keentay in komishanku xalay sheego in isbedel ku yimid xildhibaanadii iyo dhibcihi ay kala heleen, waxaana dib u eegistaasi keentay in laba xildhibaan oo hore loo shaaciyey inay doorashada helaan ay dib u waayaan, isla markaana ay booskoodii soo galaan laba* musharax ee ku kala xigay labadan xildhibaan, Tusaale ahaan ururka Dalsan waxa ay hore guddiga doorashadu ugu dhawaaqeen inay golaha deegaanka Hargeysa u galeen Cabdcasiis Aadan Habane iyo Fu’aad Saxardiid Caabi, laakiin waxay maxkamadda u gudbiyeen inay golaha deegaanka u galeen Cabdicasiis Aadan Habane iyo Ilyaas Aw Xuseen Jaamac, waxaana meesha ka baxay Fu’aad Saxardiid Caabi, halka ururka Rays oo ay hore u sheegeen inuu golaha deegaanka u galay Khadar Xuseen Cali, ay hadda maxkamadda u gudbiyeen inuu golaha deegaanka Hargeysa galayo Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi.

 

Haseyeeshee, labadii xildhibaan ee hore loo sheegay inay heleen ayaan ku qancin isbedelka ku yimid, waxaanay taasi keentay in mudaharaad baladhan ka dhigaan goobo kala duwan oo ay kaga cabanayaan natiijadan dambe ee gudida doorashooyinka ku dhawaaqeen.

 

Sidoo kale, waxay codad badan ku waayey xisbiyadda kale, iyadoo xisbi walbna dhibco laga jaray, inkastoo aanay saamayn ku yeelan xildhibanadii u soo baxay, waxaana xisbiga KULMIYE dib u tirintaasi dambe ku waayey codad badan oo markii hore u qornaa, haseyeeshee waxba kama bedelin xildhibaanaddii usoo baxay, halka laba urur oo kaliya ay sababtay dib u eegistaasi inay xildhibaano ku waayaan, kuwii ka hooseeyeyna ka dhibco sareeyaan* kuwii hore usoo baxay.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxay komishanku xalayba u gudbiyey natiijadan cusub maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo maxkamadduna dib u eegis ku samayn doonto, isla markaana ama meel marin Doonto ama dib u soo celin doonto.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this