Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Ahmed Siilaanyo visits Djibouti

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo u Kicitimay Dalka Jabuuti, kana hadlay ujeedada socdaalkiisa

 

December 16th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti balaadhan oo uu Hoggaminayay ayaa galabta u kicitimay dalka Jabuuti oo ka qeyb galayo shirka madaxeedka horumarinta afsoomaaliga ee PEN oo lagu soo casuumay Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu sii waramayay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo weftigiisu ay ka qeyb gali doonaan shirka Horumarinta Afsoomaaliga oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka PEN.

 

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu tilmaamay in mudada ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti ay kulamo lagu sii xoojinayo cilaaqaadka Somaliland iyo Jabuuti la yeelan doonaan dawladda wadankaasi.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirrada Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo marwadda koowaad ee Somaliland.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo goor dhaweyd u dhoofay Dalka Jabuuti kana qayb galaya Sanad Guurada Afartanaad ee Qorista Af-Somaliga oo ay Somali-pen qabanayso

 

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd u duulay Dalka Jabouti, halkaas oo uu kaga qayb galayo Xaflad Ururka Somali-pen u qabanayso sanad guurada Afartanaad ee ka soo wareegtay Maalintii la qoray Af-ka Somaliga.

Munaasibada Sanad guuradaasi oo lagu qabanayo Dalka Jabuuti Berri waxa Casuumadeeda fidiyay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo martiqaaday Madaxweynayaasha Dalalka ku hadla Af-somaliga.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka ambabaxay Madaarka Hargeysa, halkaas oo ay ka qaaday diyaarad Madaxweynaha Dalka Jabuuti u soo diray, waxaanu Qolka Nasashada kula hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in uu ka qayb galayo Munaasibadaasi.

Hase yeeshee mar wax laga weydiiyay inuu kulamo kale oo siyaasadeed la yeelanayo madaxda halkaas isugu imanaysa waxa uu sheegay inay dhici karto in uu wadahadalo la yeelan doono cid kasta oo u suurtogasha inuu arko.

Mar wax laga weydiiyay dhibaatada Doorashadii Golayaasha Deegaanku sababta

Share this post


Link to post
Share on other sites

He departs, as SL is in a semi-chaotic state. Talks of elections being rigged, lost lives, and he continues to be silent.

 

Farewell Mr. President

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jabuuti Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Soo Dhaweeyay Meeqaamkii ugu sareeyay

 

December 16th, 2012

 

Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galabta madaarka magaaladda Jabuuti si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminay oo socdaal ku tagay dalkaasi.

 

Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwadda koowaad ee dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, oo madaarka kaga hortagay weftiga madaxweyne Siilaanyo, waxaana loo dhigay rooga cas ee lagu muuneeyo Hoggaamiyeyaasha dalkaasi socdaalka ku yimaadda.

 

Waxa kale oo soo dhaweynta Madaxweyne Siilaanyo ka qeyb galay Ciidanka Muusiga (Bamboyda) Jabuuti iyo Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta ahna Afhayeenka xukuumadda Jabuuti Md. Cabdi Xuseen Axmed iyo Wasiirka diinta iyo awqaafta Jabuuti Md. Xaamud Cabdi Suldaan.

 

Sidoo kale, waxa dawladda jabuuti ay Madaxweyne Siilaanyo ugu sii qaadeen gudaha magaaladda Jabuuti baabuurta khaaska ah ee ay ugu tallo galeen inay ku soo dhaweeyaan wufuuda sar-sare ee wadankaasi booqashada ku yimaadda.

Waxa dawladda jabuuti ay weftiga Madaxweynaha Somaliland caawa casho sharaf ugu samayn doonaan Huteelka Kaambiski ee magaaladda Jabuuti.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisa Jabuuti ku weheliya Wasiirrada Madaxtooyadda, Boosaha, Warfaafinta, waxbarashadda iyo marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Weris Sh. Maxamed Jirde.

 

Waa socdaalkii sadexaad ee Madaxweyne Siilaanyo ku tago dalka jabuuti laba sanadood iyo dheeraad uu xilka hayay. Waxaanu madaxweynuhu ka qeyb geli doonaa shir ku saabsan horumarinta Afsoomaaliga isla markaana lagu xusayo afartan guuradda ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga.

 

Waxa kale oo lagu wadaa in mudada uu halkaasi ku sugan yahay uu kulan la yeesho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta iskaashiga labada wadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;899662 wrote:
Africaown, you over exaggerate.

Mr A is telling Mr Y to keep quiet, very disappointed but not surprised.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Sage   

Somalia;899713 wrote:
Mr A is telling Mr Y to keep quiet, very disappointed but not surprised.

Always trying to inject qabil. Codenames and pseudonyms dont hide the fact.

 

Anyway Africa own is being over dramatic. The few dozen teenage protestors in comparison to 1,000,000 people in Hargeisa that are going about their lives normally shows that the whole electoral issue is being over hyped

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this