Sign in to follow this  
Abwaan

Ila qosol...Jacaylbaro bal qaar ku sii dar

Recommended Posts

Nin bAa beri gabadh uu jeclaa ayuu gurigooda tagi jiray...guriga waxa joogay kuyar oo gabadhu eedo u tahay oo aad iyo aaad u buuran...markuu guriga tago ka yar intuu kor u qaado ayuu kolba dhan ka dhunkan jirya isagoo istiil ku dhimanaya waaayo ka yari aad buuu u cuslaa....markuu inantii gursaday ayuu is yidhi kii yaraa kor u qaad..dhulkaba wuu ka fujin kari waayay ............. :D

 

541736_10152426545645360_828930150_n.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin baa yidhi "halkaas aabihii taaganyahay hadii ay hooyadii taagnaan lahayd, wiilkaa yar saaka gacan ama lug ayuu ka jabi lahaa". Ninkaasi waxa uu ahaa Yoonis Burcaawi oo jooga guriga saaxiibkiis Xuseen. Subax hore Yoonis iyo Xuseen oo macawis gashan oo ku sheekaysanaya daarada dhexe ee guriga, ayuu wiil yar oo ina Xuseen ah oo agtooda ku ciyaaraya waxa uu ku silbaday/simbiriraxday marmarkii daarada oo qoyanaa, markaasuu isagoo sii dhacaya nasiib wanaag gacanta la helay oo qabsaday xubintii taranka ee Aabihii ka dibna sidaas kaga badbaaday dhicitaankii.

 

Yoonis oo aad u qoslaya ayaa Xuseen ku yidhi. " waryaahee ma arkaysay sida xubintaasi wiilka yar dhicitaankii uga badbaadisay, walaahi halkaas aad taagnayd hadii ay hooyadii taagnaan lahayd maanta wiilkaasi wuu jabi lahaa. Waryaahe ileen bahalku faa'iidooyin kale wuu yeelan karaa hadii sida wiilkaas yar si cilmiyeysan loo isticmaalo". :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Mid reer GOBOL ah oon Luqadda ENGLISH-ka isku FIICNEYN ayaa JIMCA kasta wuxuu ku ARKAA fB Sidaan:- ''juma mubarak brother and sisters''...Maalintii dambe Ayaa SAAXIIBTIIS oo Joogta Wadamada QURBAHA ee looga HADLO luqadda Englishka, ku tiri '' haye how was ur friday?...Wuu fahmi waayay, kadib Soomaali ahaan bey ugu soo OORTAY...kulahaa... AR Haaa hadaan soo XASUUSTAY. WLHI EE Walashey ''juma mubarak brother and sisters Two'' :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Japanese attitude towards work:

If someone can do it, I can do it.

If no one can do it, i Must do it.

 

Arab attitude towards work:

Wallahi, if someone can do it, let them do it.

If no one can do, Yakhi how can i do it?

 

Somali attitude towards work:

Sxbow, if someone can do it, is good let them do it.

If no one can do it, Walaalow , why should i do it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beri baa mid reer miya ah yimid magaalada. Markaasuuu arkay mooto (Motorcycle) dhaafeyso baabuurtoo idil. Markaasuu yiri, alla bahashu orod badnaa....tan meesheey ku qaangaarto yaaba gaari karaba. Iyidoo yaree intaa la'eg ayeeyba saas u ordeysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labo nin oo Xoolo dhaqato ah, ayaa kayimid miyiga iyo baadiyaha oo waxeey soo galeen Masaajid khudbada jimcaha kasocoto. Cabaar markeey fadhiyeen oo eey khudbada dhageesanayeen, ayaa labadii mid kamid ah, ooyey. Mid Arab'ah oo agtiisa fadhiyey ayaa madaxa u salaaxay oo yiiri...'Alla maskiinkan ilahay dartiis ayuu u ooyayaa'. Markii eey khudbadii dhamaatay oo lasoo wada baxay, ayaa sxbkiis wuxuu kii kale ku dhahay, 'Af.Carabi' mataqaanid oo Baadiyaha ayaan kanimidee, maxaad la ooydey?

 

Kii kale ayaa wuxuu ugu jawaabay, Shiikha khudbada akhrinayey ayaa Garkiisa wuxuu u ekaa, Orgay (ariga midka ninka ah) labo bilood ka hor iga dhintay. Oo marka saas baan u ooynayey.

 

:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Nin-Yaaban;981636 wrote:
Labo nin oo Xoolo dhaqato ah, ayaa kayimid miyiga iyo baadiyaha oo waxeey soo galeen Masaajid khudbada jimcaha kasocoto. Cabaar markeey fadhiyeen oo eey khudbada dhageesanayeen, ayaa labadii mid kamid ah, ooyey. Mid Arab'ah oo agtiisa fadhiyey ayaa madaxa u salaaxay oo yiiri...'Alla maskiinkan ilahay dartiis ayuu u ooyayaa'. Markii eey khudbadii dhamaatay oo lasoo wada baxay, ayaa sxbkiis wuxuu kii kale ku dhahay, 'Af.Carabi' mataqaanid oo Baadiyaha ayaan kanimidee, maxaad la ooydey?

 

Kii kale ayaa wuxuu ugu jawaabay, Shiikha khudbada akhrinayey ayaa Garkiisa wuxuu u ekaa, Orgay (ariga midka ninka ah) labo bilood ka hor iga dhintay. Oo marka saas baan u ooynayey.

 

:)

:D :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bari baa lama nin oo reer Burco ah ayaa xajka tageen, kadib markii lagu jiray gudashadii xajka yaa laba nin oo kale oo west african ah yaa is yar khilaaf een,kadib dagaal aa meesha ka dhacay is feedh feedh camal.markii laga soo laabtay xajka ayaa mid ka mid ah lamadii reer burco mid uu yidhi waar maxaad dagaalka noo galisay, kadib uu ku jawaabay waxaan ka baqayay inay taariikhda noo gasho maalin ayaa ay dagaalami waayen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

This is cool Abwaan. Qosol baan la dhacay.

l

Wiiil u shaqayn jirey reer Xamar lo' ku haysta baa subax walba salaadda hore la kicin jirey. Inanka waxaa la odhan jirey Khamiis. Habeenkii dambe baa inankii ducaystey oo yidhi: Ilaahow berri waa Jimce ee qofkii aroortii i toosiya calaamo ka ifi.

Aroorti baa odaygii sidii caadiga ahayd isyidhi yarkii toosi lo'da hasoo lisee. Albaabka intuu ku garaacay ayuu yidhi: waryaa Khamiis...... Intaanu wax kale ku darin buu dhuuso ku waashay. Badh..badh..badh. Kkkkkkkk. Odaygii intuu naxay oo hareerihiisa eegay ayuu haddana u yeedhay: waryaa Khamiis. Belaayaa haddana ka raacday oo dhuusuu ka wadhay. Odaygii intuu iska tegey ayuu qolkiisii galay.

Islaantii odaygu qabey baa istidhi inankii Khamiis ma kicinee bal soo toosi. Odaygeedana wixii ka raacay ma oga. Intay iyaduna albabkii ku garaacday bay tidhi: waryaa Khamiis.... Halkii bay iyana ka bilowdey dhuusadii. Intay isku naxday bay baall daymootay. Odaygii baa u qayliyey oo yidhii: naa hawgu yeedhin magcaas. Markaasey tidhi oo maxaan haddaa ugu yeedhaa?. Naa maalinta Jiimcaha ka horraysa ugu yeedh!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hada ka hor ayaa laba nin oo mid reer Baadiye ahaa midka kalena uu ahaa nin aqoon yahan ah oo wax bartay ayaa waxa ay isku qabsadeen arin la yaab leh taasoo aheyd in ay su’aalo is weydaarsadaan oo ay sharad ku dhigtaan qofkii ka jawaabi waayana uu lacag bixiyo Reer baadiyihii ayaa yiri: Waxaad i weydiisaa su’aal hadii aan ka jawaabi waayana waxaan bixin doonaa oo aan ku siin doonaa lacag 5 dollar u dhiganta.

Aqoon yahankii oo la yaaban nin reer baadiye ah oo sidan dhan u booteynaya ayaa yiri: Waa yahay, adigana su’aal i weydii, hadii aan ka jawaabi waayana

waxaan ku siin doonaa lacag u dhiganta 500 oo dollar.

Reer Baadiyihii ayaa yaabay oo qosol la dhacay, waxa uuna go’aansaday in uu xeelad adeegsado si uu lacagta badan ee aqoonyahanku balan qaaday uu uga helo ama uga guuleysto.

waxaana su’aashii ku hor maray sida balantu aheyd ninkii aqoon yahanka ahaa waxa una yiri:

Waxaad sheegtaa saaxiib, qoraxda iyo dhulka yaa balaaran,?

Reer baadiyihii ayaan geesaha fiir fiiriyay waxa uuna garan waayay wixi uu ku jawaabi lahaa balse taas bedelkaada waxa uu bixiyay 5 tii dollar isagoo ula jeeday ma garanayo jawaabta.

Reer baadiyihii ayaa isaguna markiisa su’aal la kala baxay, waxa uuna yiri:

Waxaad sheegtaa sxb, wax hadii cirka loo tuuro 2 lug leh, hadii ay dhulka kuso dhacaana 4 lug leh?

Aqoon yahankii ayuu xaalku ku cuslaaday, waxa uuna garan waayay jawaabtii uu bixin lahaa

danta ayaa ku kaliftay in uu 500 oo dollar bixiyo, maadaama ay balantu sidaas aheyd.

Balse aqoon yahankii oo yaaban ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa su’aal ku celiyay isagoo weydiiyay: War waxaan aad i weydiisay ee marna 2 lug leh marna 4 lug leh waa maxay?

Reer baadiyihii oo xariif ahaa ayaa waxa uu soo bixiyay 5 dollar waxa uuna u taagay ninkii.

isagoo ula jeeday in isagu xitaa uusan garaneyn su’aasha jawaabteeda, balse lacagta oo kaliya ay u dan aheyd

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this