Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Protests in Hargeysa the losing party supporters angry

Recommended Posts

Rabshado Ka Socda Xaafado Ka Mid Ah Koonfurta Hargeysa, Dhalinyaro Taayiro Gubaya Iyo Boqolaal Ciidamadda Booliska Ah Oo Ku Dedaalaya Inaan Rabshaduhu Fidin.

 

Hargeysa (Ramaas) Dec 6,2012 – Degmadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka dhaxaya rabashado ay samaynayaan boqolaal dhalinyaro ah , kuwaasi oo ka gadooday natiijadda doorashadda ee Caawa lagu dhawaaqay oo aanay ku qancin.

 

Rabshadahan oo bilaabmay daqiiqado ka dib ku dhawaaqidii natiijadda doorashadda ee degmooyinka Hargeysa, ayaa waxay ka bilaabeen xaafado ka mid ah degmadda Axmed ee Caasimadda Hargeysa, iyagga oo dhalinyaradda rabshadan samaynayaa ay dhagaxaan la dhaceen gaadiid badan oo wakhtigaasi marayey jidadka degmada Axmed Dhagax.

 

Taageerayaashan oo aan la garanayn ururka iyo Musharixiinta ay taageersan yihiin ee gadoodkoodan keentay, ayaa waxa ka hor-tagay ciidamadda booliska oo ka hor natiijadda la dhigay jidadka xaafadahaasi.

 

Boqolaal ciidamadd booliska ah ee RRU iyo SPU-da ah ayaa rabshadahan kaga hor-tagay rasaas nool oo ay kor ugu ridayeen dhalinyarada rabshadahan samaynayey, iyadda oo dhalinyaradu taayiro ku gubay meelo ka mid ah degmadaasi.

 

Rabshadaha oo aan u soo gudbin badhtamaha Caasimadda Hargeysa iyo xaafada shacabka oo ay ku yaalaan Xafiisyadda dawladda Somaliland, ayaa ilaa hadda ka socda dhanka Koonfureed ee Magaaladda Hargeysa.

 

Booliska ayaa sida la sheegay xabsiyadda ku guray dhalinyaro badan oo ka mid ahaa kuwa rabshadaha samaynayey, waxaana halkaasi mar marka ka dambaysa la gaynayaa ciidamo boolis ah oo dheeraad ah si looga hor-taggo in rabshaduhu Magaaladda qaybaheeda kala duwan ku fidaan.

 

Dhanka kale, isgaadhsiinta Telefoonada ayaa meelo ka mid ah Magaladda Hargeysa ka go’an, waxaana adag in la xidhiidho dhanka Koonfureed ee Hargeysa oo ah halka rabshaduhu ka socdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad Rabshado wata oo ka Bilaabmay Koonfurta Hargeysa iyo Booliska oo rasaas u isticmaalay Dadweynihii Gadoodsanaa.

 

Illaa hadda la ma oga Khasaaraha rabshadahaasi abuureen balse waxaa la sheegayaa in xaaladu

 

Hargyesa (GNS)-Rabshado Xoogan ayaa caawa ka dhacaya Koonfurta Magaalada Hargeysa, halkaasi oo laga maqlayo Dhawaqa Rasaasta Ciidanku ku kala dareeriyaan Taageerayaasha ururka Xaqsoor oo la sheegay in aanu ku qanacsanayn afar xubnood oo uu ka helay Degmada Hargeysa.

 

Dadwayne Gadoodsan ayaa mudaharaad Rabshado wata ka sameeyay xaafadaha Siinaay iyo october ee koonfurta magaalada hargeysa, Illaa hadda la ma oga Khasaaraha rabshadahaasi abuureen balse waxaa la sheegayaa in xaaladu aad u kacsantahay ciidanka amaankuna ku hawlanyihiin sidii loo kala dareerin lahaa dadwaynahaasi gadoodsan.

 

La soco wixii ka soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rabshadii caawa ka dhacday Xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa oo Istaagtay

 

Hargeysa(Waaheen) Rabshad caawa Fiidkii ka dhacday xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa ayaa istaagtay kadib markii ay Ciidamadda Booliisku Dadkaasi Rasaas ku kala dareeriyeen, iyadoo ay Rabshadaha xaafadaas ka dhacay oo ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor sameeyeen isla markaana uu socdeen in muddo ah.

ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ay Rabshadahaasi sameeyeen lama oga, hase yeeshee warar is khilaafsan ayaa sheegaya inay Dhimasho iyo Dhaawacyaba jiraan, kuwaasoo lagu kala sheegayo Cisbitaalada Adna, Gar-gaar iyo ka Guud ee Hargeysa, balse wax xaqiinaya inta uu khasaarahaasi leeg yahay ma jirto, wakhtiga oo Habeen ahaa awgeed, isla markaana jidadka oo xidhan isu socodku kooban yahay.

dhinaca kalena, intii ay rabashadu ka socotay xaafadaasi, waxa xaafadaha kale ee Hargeysa qaarkood ka socday dabaal degyo ay Xildhibaanada ku soo baxay Liiska Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo taageerayaashoodu ay ku marayaan qaar ka mid ah jidadka,.

isku soo duuboo xaaladda Hargeysa ayaa imika degan, walow Ciidamadda Booliisku Heegan culus ugu jiraan sugida Amaanka magaaladda, isla markaana la xidhay Meheradihii Suuqa gabi ahaantoodba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Xaaji, This was an open goal against Somaliland democracy..haha....In all seriousness People will always cry foul whenever their parties is disappointed, but thanks God Somaliland has elders and a system that prevent things escalating into destructive directions. It was really unnecessary for the one person that died in Hargeisa. Elections anywhere in the world always bruise and enthrall people emotions. There will always be accusations and finger pointing. I have read that there was chances of duplicate votes by some people and it is necessary for the system to be after the nuts and bolts of why there was a fraud/accusations....

Share this post


Link to post
Share on other sites

STOIC nothing wrong with protests people can demonstrate if they are angry but security is a must in the capital. Its number one priority they were just some angry youth.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

khalid abuukar maxamed;896806 wrote:
waa arab kkkkkkkkkkkkkkkk

Loooooool, thanks for that. Ileen waa from the Middle East.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Sage   

Shame that the young boys lost their lives but I guess this is what happens when young men who have little to do get riled up by politicians. Thankfully order is prevailing and I hope Haqsoor goes through the right processes and frameworks to contest their grievances.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadweyne Ka Gadooday Natiijada Ka Soo Baxday Codadkii Gobolka Maroodijeex Oo Xalay Mudaharaad Ka Sameeyay Koonfurta Hargeysa Iyo Ciidamada Bileyska Oo Rasaas U Adeegsaday

Hargeysa, December 7, 2012 (Haatuf) – Dadweynha Degmada Axmed Dhagax ayaa ka gadooday natiijadii ka soo baxday codadkii doorashada golayaasha deegaanka laga dhiibtay gobolka Maroodijeex ee komishanka Doorashooyinku xalay fiidkii ku dhawaaqay, kuwaas oo iska horimaad ku dhexmaray ciidamada amaanka iyo dadweynahaasi mudaharaadayey oo jidka Biriijka weyn ee caasimada Taayiro iyo dhaxaan ku gooyey.

Dadweynahan ka gadooday natiijada codbixinta ee xalay Komishanka gobolku ku dhawaaqay oo ka soo bilaabay mudaharaadkooda xaafadaha degmada Axmed Dhagax oo soo gaadhay ilaa Biriijka weyn ee isku xidha labada daamood ee Hargeysa ayaa ciidamada Bilayska oo ka hortagay ku dhexmaray, kuwaas oo ciidamada amaanku ay rasaas u isticmaaleen mudaharaadayaasha.

Mudaharaadkaasi oo saamayn ku yeeshay xalay nabadgalyada caasimada, ayaan ilaa hada si rasmiya loo ogayn khaasaha ka dhashay, hase yeeshee dad badan ayaa la sheegay in ciidamada amaanku xabsiga u taxaabeen. Dhinaca kale mudaharaadkan ayaa saamayn ku yeeshay jidka Laamiga ee hormara Qasriga Madaxtooyada, kaas oo abaara 8:00 fiidnimo ee xalay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu ka xidheen gaadiidku inay isticmaalaan wadadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;896800 wrote:
That's the problem with clan secessionisam, there is always a subclan that's unhappy...

And this is somehow is fixed by them joining a more complicated clan structures with Somalia?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this