Sign in to follow this  
Maaddeey

Dawlad Isbaaro Kufsi!

Recommended Posts

^Granted all these have happened, its sad and reckless to see the government is doing such henious actions such as rape and illegal checkpoints but Maadeeyow, nothing is better than a government, even if its a bad government. Wax la'aan way dhaantaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Maadeey has a point, rape and isbaaro have been going very much recently. Attacking him won't change that fact. Talking about who he supports is for different day, different topic. Fact: Somali girls have been raped by government soldiers in Marka. Fact: Dozens of Isbaaro have been setup in Mogadishu recently.

 

Think outside the box waryaada!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

I agree with The Zack, it's a fact that such things have sky-rocketed in recent months, especially since the capture of Marka. He is also right that isbaaros roam not only in Mogadishu but up to Shabeelada Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;894179 wrote:
Maadeey has a point, rape and isbaaro have been going very much recently. Attacking him won't change that fact. Talking about who he supports is for different day, different topic. Fact: Somali girls have been raped by government soldiers in Marka. Fact: Dozens of Isbaaro have been setup in Mogadishu recently.

 

Think outside the box waryaada!

Zack Al shabaab do it too in a form of ''Zakah'' and rape well young Aisha was a evidence of it. So what is his point and your point? when his group are doing the same shidh?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ Beenta dhaaf borcamasseria! :)

 

Shabaab markey carriga qabsadeen aa dhac, dil 'maalaayacni ah' & kufsiba ugu dambeysay. Adi su'aashaan is weydii: Kismaayo, Marko & Xamar xataa islaamha la qabo ayey kufsadaan oo barnaamijka kufsiga qaxootiga ee Cabdisalaam Hereri ma fiirsan?. Mise Problem dhan kuma qabtaanoo from Talyaani to Tigree aa idin taraanturyeynaayey!.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

what been? lacago baad oo ''zako'' la dhaho ayaad ku qurxiseen lacagta isbaarada, gbadhaha baad qafalataan atleast meelaha ay dowladda joogan wariyaal baa joogo oo tabinayo xaqiiqda compared to meelaha shabaab joogan..

 

lol@problem kuma qabtaano, sxb its your cousins wixii falalkaan suubinayo.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Beentii aa weli waddaa, isku shiix waraa!. Mudaaharaadkii marko ma arkin miyaa: 'Shabaab aa noo fiicnaa, waxaan ma dhici jirin' markey lahaayeen!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Axmed_Xasan_Maalin.jpg

 

Taliska sare ee cidanka booliska Gobolka banaadir sheegay in guud ahan ay ka xaaqaan dhamaanba isbaarooyinkii u yiilay maliishiyooyinka qabiiladda ee gobolka Banaadir.

 

Tal;iska waxaa uu sheegay in iyadoo la fulinyo amarka madaxweynaha soomaliya isla markaasna uu meelmaray go’aankii madaxada Qaranka ee ku aadanaa qaadista isbaarooyinkii yaalay jidadka magaaladda Muqdisho.

 

Gen. Axmed Xasan Maalin oo ah Taliyaha ciidamada Booliiska ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada Booliisku ay xalay howlgallo toos ah oo lagu sugayo ammaanka ka sameeyeen degmooyinka G/Banaadir, isagoo xusay in la qaaday dhamaan isbaarooyinkii yaalay waddooyinka.magaaladda muqdisho taas oo uu sheegay in shacbiga ay ku abuuridonto wax xoogaa yididiilo ah

 

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay joogteyn doonaan howlgallada lagu sugayo amniga, isla markaana looga hortagayo in aysan soo laaban isbaarooyin dambe oo gaadiidka looga qaado lacago baad ah.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaladda Muqdisho ka socday olole ballaaran oo looga hortagayo qaadista isbaarooyinka,ay dhigteen maliishiyooyinka qabiiladda iyo qaar ka m id ah gudoomiyayaasha degmooyinka qaarkood kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka .Somaliya uu amar ku bixiyay in la qaado isbaarooyinka gaadiidka looga qaado lacagaha sharcidarrada ah.kuwaasi oo gaarayay in ka badan 60 goobood.oo shacbiga dhibaato weyn ku haayay.

 

Web Updating, Somaliweyn Website

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo kormeeray goobihii laga qaaday isbaarooyinka

 

Saraakiisha ciidamada ammaanka oo saakay kormeeray qeybo badan oo ka mid ah magaalada ayaa shaaca ka qaaday in ayadoo la fulinayo ammarkii madaxweynaha ee ahaa in aan isbaaro la dhigan Karin xaafadaha Magaalada Muqdisho lagu guuleystay in la qaado dhammaan Jidgooyooiynkii yaallay Gobalka Banaadir.

 

Taliyaha Hayadda nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta saxaafadda kula hadlay Fagaaraha tarabuunka ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in magaalada Muqdisho aysan jirin goob lacag looga qaadayo dadka ama gaadiidka, arrintaas oo uu sheegay in ciidamadu ay si joogto ah u xaqiijin doonaan, isagoo gaadiidleyda ugu baaqay inay ciidamada la soo xiriiraan haddii ay la kulmaan kooxo ay jidgooyo u taallo.

 

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Generaal Axmed Xasan Maalin ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabadeynta dalka, isagoo ku boorriyay inay xiriir joogto ah la yeesheen saldhigyada si loogu guuleysto kuwa dhibaatada u geysanaya.

 

Saraakiishaan oo hoggaaminaya ciidamada isugu jira Boolis iyo nabad sugid ayaa saakay kormeeray dhowr goobood oo ay horay kooxo hubeysan lacago sharci darro ah gaadiidka uga qaadi jireen halkaas oo aysan wax jidgooyo ah kula kulmin.

 

Madaxweyaha Jamhurriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgii todobaadkaan amray in dadka iyo gaadiidka aan laga qaadi karin wax lacag ah isla markaana la qaado ku dhawaad 60 isbaaro oo magaalada Muqdisho u taallay kooxo huebsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Oo Xaqiijiyey In Cagta La Mariyey Isbaarooyinkii Yaalay Inta U Dhaxeysa Marka Iyo Balcad

 

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in guud ahaanba cagta la mariyey isbaarooyin si sharci darro ah gaadiidka lacago looga qaadi jiray kuwaasi oo yaalay inta u dhaxeysa degmooyinka Marka iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe.

 

Taliyaha hogaanka howlgelinta ahna Afhayeenka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Caraaye Cosoble Gacma Duule oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka ayaga oo fulinaya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay qaadeen howlgallo jidgooyooyinka sharci darada ah lagu nadiifinayo.

 

General Gacma Duule ayaa intaasi ku daray in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si weyn u xaqiijiyeen qaadista isbaarooynkii yaalay wadooyinka gobollada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe hada wixii ka dambeeyana ay diyaar u yihiin iney goobahaasi ka ilaaliyaan in dib loo dhigto isbaarooyinka sharci darada ah.

 

Howlgalkan ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed isbaarooyinka kaga qaadeen isbaarooyinkii yaalay wadooyinka gobollada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose ayaa qeyb ka ah howlgallo guud ahaanba lagu nadiifinayo isbaarooyinka ayadoo howlgalladaasina lagu go’aamiyey kulan ay Madaxda Sare ee Dalku la qaateen saraakiisha Ciidammada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Muqdisho Ku Yeeshay Kulan Lagu Go’aamiyey Ciidammo Gaar Ah Oo Muqdisho Loo Sameeyey

Published on November 29, 2012 by Jayte

 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga hadleen arrimaha dalka gaar ahaanna ammaanka iyo dhaqaalaha.

 

Shirkan oo ah shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana golaha Wasiirradu ay si aad ah uga hadleen arrimaha ammaanka gaar ahaanna howlgalladii ugu dambeeyey ee todobaadkan laga fuliyey Muqdisho kuwaasi oo lagu qaaday isbaarooyin si sharci darro ah gaadiidka lacago looga qaadayey.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo markii kulankaasi uu soo gebageboobay la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in muhiimadda kulanka maanta ee Golaha Wasiirrada ay aheyd ammaanka sidaasi darteedna kulanka lagu go’aamiyey in Ciidammo gaar ah loo sameeyey Muqdisho kuwaasi oo iyagu si aad ah u hubeysan islamarkaana qalabkooda uu u dhanyahay.

 

Wasiirka Warfaafinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in magaalada Muqdisho laga qaaday isbaarooyin gaaraya ku dhowaad 60 isbaaro kuwaasi oo gaadiidka si sharci darro ah lacago looga qaadayey talaaabadaasina ay qeyb ka tahay sugidda amniga.

 

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi waxa uu faah faahin ka bixiyey Ciidammadan gaarka ah ee loo sameeyey sugidda amniga Caasimadda waxaana uu tilmaamay in Ciidammadaasi ay xaafadiiba ka howlgali doonaan 100 askari ayadoo ciidammadaasina ay yihiin kuwo aanan ka tirsaneyn Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ay yihiin kuwo gaar u ah amniga Muqdisho.

 

Dhanka kale shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxaa looga hadlay hagaajinta ilaha dhaqaalaha Dalka ayadoo qodobkaasina si gaar ah looga eegay qaabka ay u shaqeyso dekedda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee uu dhaqaalaha kasoo galo Dowladda taasi oo ay Golaha Wasiirradu isku afgarteen in lahagaajiyo si loola jaanqaado isbedelka.

 

Go’aannada kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa ah kuwo dhammaantood muhiim ah adkeynta amniga Caasimadda Dalka ayadoo hadii qodobadaasi loo hirgeliyo sida kuwii hore uu amniga Caasimadda wax weyn iska bedeli doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this