The Zack

35 Questions for President Hassan

Recommended Posts

The Zack   

http://kismaayonews.com/2012/11/15/30-suaalood-madaxweyne-xasan-iyo-xamar-gaadhsiiya/Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo intii uu loo doortey inuu madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya iyo umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxdey inuu waqtigiisa ugu badan galiyey gobolada Jubooyinka iyo gaar ahaan maamul lasheegayo in dadku dagaanku ay rabaan iney kasameeysanyaan Jubooyinka iyo Gedo. Haddaba waxaa KismaayoNews soo gudbinayaan su aalahan hoos ku taxan oo aan jecelnahay inay madaxweynaha dhagahiisa iyo maankiisa galaan.

 

1- Madaxweynuhu ma aaminsan yahay dastuurka Federaalka ee lagu soo doortey hadda?.

 

2- Madaxweynuhu ma ogolyahay mana ku qanacsanyahay dastuurka dalka u yaalla ee uu kusoo doontey jagada madaxweynanimada dalka Soomaaliya.

 

3- Madaxweyne Xasan ma ogyahay in gobolka Shabeelada dhexe iyo Hiiraan inteeda badan iyo dhul badan oo kamid ah aysan gacantiisa ku jirin oo ay ka taliyaan Alshabaab iyo awoodo kale oo aan isaga amar ka qaadanin?

 

4- Madaxweyne Xasan ma ogyahay in ciidamo shisheeye oo waddamo badan ka yimid ay waddanka joogaan ayna amnigiisa qaarkood sugayaan oo maanta haddii ay baxaan in amnigiisu uusan sugneyn.

 

5- Madaxweynuhu ma ogyahay inuu dalka Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed uu yahay madaxweyne oo uusan dan iyo dad gaar ah madaxweyne u ahayn?

 

6- Madaxweyne Xasan ma ogyahay in Jubooyinka iyo Gedo dadka daggan ay yihiin Soomaali ku qanacsan dawladda balse ay aad uga xunyihiin inuusan dhexdhaxaad ahayn.

 

7- Madaxweynuhu ma ogyahay inuusan dhexdhexaad ka ahayn arimaha Soomaaliya gaar ahaan aragtida ku saleysan beelaha Soomaaliyeed?

 

8- Madaxweynuhu ma ogyahay in illaa iyo hadda aysan jirin ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo leh nadaam iskuna dhafan oo waddanka ka hawlgala oo maanta magaalo walba ay joogaan ciidamo beeleedyo?

 

9-Madaxweyne ma ogyahay in Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ay kamid yihiin ciidamada waddanka jooga?

 

10 Madaxweynuhu ma lasocdaa in dadka iyo dalku u baahan yahay walaaleyn isku soo dhaweyn iyo dib udhis oo aan loo baahneyn kala fogeyn iyo eexeysi?

 

11- Madaxweynuhu ma ogyahay in shalay uu warqad uu u qoray caalamka uu ku codsanayo in la xanibo dhuxusha taallay Kismaayo maantana uu yidhi hala qaaado xilli lagaba yaabo ineysan waxba ka oolin?

 

12. Madaxweynuhu ma ogahay mise moogyahay in dhuxul badan ay ka dhoofto Marka iyo Baraawe?

 

13- Madaxweynuhu ma ogyahay mase yaqaanaa waxa caddaaladdu tahay iyo xanuunka ay leedahay dad dhulkooda la boobo ama loo awood sheegto?

 

14- Madaxweynuhu Xamar ma joogaa, Mise Maka ayuu joogaa, mase arkaa balaayada iyo boobka Xamar iyo dagmooyinkii gobolka Banaadir oo dhan ay ku haystaan reerkiisu?

 

15- Madaxweyne Ma ogyahay in gobolka Banaadir dadkii loogu magacdarey ee Banaadirigu ay ka fara maran yihiin?

 

16- Madaxweynuhu ma ogyahay in dhakhso is dhaafeen Raisul Wasaaraha oo ay aragti kala baddalan ka qaateen dib udhiska waddanka iyo sidii maamulka Jubooyinka loo wajihi lahaa?

 

17- Madaxweyne Xasan ma ogyahay in Kismaayo aysan ahayn Jubbooyinka iyo Gedo ee saddexda gobol ay intaas ka weyn yihiin wax qaylo ahna aysan jirin ka hor imaatinkii Kismaayo?

 

18- Madaxweynuhu ma ogyahay in shaqadii dawladdu qaban lahayd ay rag badan

 

19- Madaxweyne Xasan ma ogyahay in Kismaayo ay 500 KM ay ujirto Muqdisho?

 

20- Madaxweynuhu miyuu ka warhayaa inuu dalka dib ugu celiyey dareen aan wanaagsaneyn oo ay tahay in laga digtoonaado lagana duceysto.

 

21. Madaxeyne ma lasocdaa in IGAD ay yihiin ama ku jiraan Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti mise waxay la tahay in IGAD tahay kaliya Kenya?

 

22. Madaxweynuhu ma ogyahay in Kenya ay kamid tahay AMISOM ayna dad badan kaga dhinteen dagaaladii ay la galeen Alshabaab.

 

23. Madaxweyne Xasan miyuu ogyahay in Alshabaab wali yahay awood jirta oo qorsheyneysa iney habeen iyo maalinba isaga iyo dawladdiisa afka ciidda u daraan?

 

24- Madaxweyne Xasan miyuu moogyahay mise iloobey inuu afkiisa ka yidhi ree Baladweyne Maamul sameysta, ree Kismaayana dawladdaa usameyneysa?

 

25- Madaxweyne Xasan isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaankuba ay shalay sheegeen kuna baaqeen in ree Baydhaba la gaarey waqtigii ay sameysan lahaayeen maamul goboleed iyaga u gaar ah.

 

26- Madaxweynuhu ma ogyahay inuu dawlad dhisey wasiiradiina la dhaariyey ayna tahay inuu shaqadooda ubaneeyo?

 

27- Madaxweynuhu ma ogyahay mase moog yahay in shaqo badan oo dalka iyo dadka oo dhami sugeyso?

 

28- Madaxweynuhu ma ogyahay inay muuqato ama ay caddahay muddadii yareyd ee uu joogay inuu udhaqmayo sidii Raisul Wasaaraha dalka, Madaxweynaha iyo dhamaan wasiirada dalka.

 

29- Madaxweynuhu ma ogyahay inuu qaadi doono masuuliyadda wanaag iyo xumaan waxii dalka ka dhaca.

 

30- Ma ogyahay Madaxweyne Xasan in magaalada Xamar ay kusoo badanayaan Isbaarooyinkii habeen iyo maalina dad masaakiin ah lagu dilo?

 

31- Madaxweynuhu ma ogyahay in qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ay kusugan yihiin dalka Kenya ayna muhiim tahay in looga baahan yahay aragti fog oo kusaleysan siyaasad iyo nabadeyn labada dal?

 

32. Madaxweynuhu ma lasocdaa in Kenya ahayd meeshii uu reerkiisa ku aaminey iyo caruurtiisa markii uu dalkiisa iyo magaalada Muqdisho ku aamini waayay nolosha reerkiisa?

 

33. Madaxweynuhu ma iloobey Ethiopia oo aan AMISOM ahayn ay dalka joogto, safaarad ku leedahay Xamar ayna sameyso waxii ay iyadu ku qanacdo.

 

34. Madaxweynuhu ma ogyahay inuu dhageysanayo talooyin khaldan oo kasoo baxaya kuwa ku xeeran oo dalka Soomaaliya iyo dadka ka eega hal dhinac.?

 

35. Ugu danbeyn madaxweynuhu ma ogyahay inay u taallo shaqo aad ubadan oo aan ku koobneyn Jubbooyinka iyo Gedo ayna haboon tahay inuu badsado isla markaana sameysto oo kasbado saaxiibo badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Oba, Azania AKA Jubbaland is doing well. Kismayo will be filled with delegates in the coming days. Despite multiple attempts, Hassan has failed to hinder it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

36- Madaxweynuhu ma ogyahay inuu Zlatan Ibrahimovish Sweden o ciyaaro?

 

37- Madaxweynuhu ma ogyahay inuu Imam Farole size 46 suit xidho?

 

38- Madaxweynuhu ma ogyahay inay qiimada qaatka gaarayso toban dollar?

 

39- Madaxweynuhu ma iloobey inuu gadhkiisa rinjiyo?

 

40- Madaxeyne ma lasocdaa in Tom Kuruz 40 million dollar filin walba ku qaada?

 

41- Madaxweynuhu ma ogyahay in xalay Tel Aviv la weerayay?

 

42- Madaxweynuhu miyuu ka warhayaa Gangam Style?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;889604 wrote:
Oba, Azania AKA Jubbaland is doing well. Kismayo will be filled with delegates in the coming days. Despite multiple attempts, Hassan has failed to hinder it.

okey im hearing , the Ghedo folks will rule Beledhawo,dollow,Garbahareey,Burdhubo, get majority share in Luuq,CeelWaq and Baardheere, huge role in Kismaayo and Saakow where the O people will rule Afmadow,Dhoobley majority share in Badhaadhe and Bu'ale. Jamaame Jilib and Saakow going to HAG,Bantu and Beyomaal.

 

What do you think of this?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;889611 wrote:
okey im hearing , the Ghedo folks will rule Beledhawo,dollow,Garbahareey,Burdhubo, get majority share in Luuq,CeelWaq and Baardheere, huge role in Kismaayo and Saakow where the O people will rule Afmadow,Dhoobley majority share in Badhaadhe and Bu'ale. Jamaame Jilib and Saakow going to HAG,Bantu and Beyomaal.

 

What do you think of this?

FIrst of all there is no HAG in Jubbaland. The only HAG in there are the camel-lovers, and they share Kismayu(1 of 15 distircts in Jubbaland) with other clans. The Sheikhs are not really HAG, we all know that LOL. Carta maa dadka baddalee.

 

Second, nothing has been divided yet, there will be 480 delegates. 155 from gedo, 125 from Jubbada Dhexe, and 200 from Lower Jubba. Delegates will represent everybody in those regions. All the clans that matter are on board. The only ones that are protesting are Reer Galgadud, Hassan, and few paid individuals. Stuff is good.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL to say there is no HAG in Jubbaland thats denial sxb for example Unuka share Jilib and jamaame and Turdho with the camel lovers and bantu, as you know wherever the camel lovers go the unuka goes too, welive in Hiiraan,middle Shabelle,lower shabelle to lower jubbas together, makala hadhaan.

 

what i wrote about the shares is what reer gedo will demand in the jubbaland talks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Xaaji Xunjuf;889621 wrote:
The Zack ma adiga qeybinaya sharerka:D

Maya dadka meesha dego baa wax qeybsanyo, si cadaalad ah. Xaaraan iyo dhac waxba u tari waa Somali. Time to be fair to all.

 

AMISOM-na wey ilaalin :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

xiinfaniin;889623 wrote:
Oba is now betting on Gedo going rogue on Kismayo admin
:D

 

Waryaa sida Xasan oo kale sheekada fahan, oo Soomaaliya u ducee

LOL ma aragtay? Kulahaa Luuq yaa majority ka ah looool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.