Apophis Posted November 15, 2012 Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta xanuun awgiis ugu geeriyooday Muqdisho xilli la doonayay in arrimo caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado. Maxamed Dheere oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka adag la galay xoogaggii Maxkamadaha Islaamka ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed sannadkii 2006 ayaa u geeriyooday xanuun hayay toddobaadyadii lasoo dhaafay kaasoo wax looga qaban waayay dalka gudihiisa. "Waxaa la doonayay in maanta loogu qaado dalka dibaddiisa arrimo caafimaad , balse waxaa ku dhacay amarkii Alle wuuna geeriyooday," ayuu yiri Cabdifitaax Ibraahim Sabriye (Shaaweeeye) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Banaadir xilligii Maxamed Dheere. Duqii Muqdisho ayaa xanuun awgiis u yaallay maalmihii lasoo dhaafay isbitaal ku yaalla Xalane oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, iyadoo Cabdifitaax Shaaweeye uu sheegay in isla maanta lagu aasi doono Muqdisho, iyadoo aysan madaxda dowladda Soomaaliya ka hadlin geerida ku timid guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. Maxamed Dheere ayaa wuxuu soo noqday guddoomiyihii gobolka Shabeellada dhexe iyadoo lagu xusuusto inuu ahaa hoggaamiyihii dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya kusoo dhaweeyay Jowhar, halkaasoo ay ku shaqeynaysay muddo sannad ka badan. Dhanka kale, Maxamed Dheere waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa shaqsi inta badan eedeyn jiray mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna tan iyo markii laga qaaday xilka maamulka gobolka Banaadir uu ku noolaa magaalada Muqdisho. http://www.hiiraan.com/news/2012/Nov/wararka_maanta15-19918.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 15, 2012 AUN Mohamed Dheere. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 15, 2012 AUN he was a good man Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 15, 2012 just a thought,, Abdullahi Yuusuf,Melez Zenawi and Maxamed dheere all died in 2012. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Apophis Posted November 15, 2012 Oh c'mon on, give it a break.It's sad that Somalis have shorter memorise than goldfish. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted November 15, 2012 What are you talking about, this is the former mayor of Mogadishu under TFG, and he is Muslim so we will all say AUN cause he is with his maker, one day you will be too. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 15, 2012 Apo i liked Mo dheere i met him and muuse sudi last year in in mohamed dheeres house in shingaani walahi them guys are comedians Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted November 15, 2012 Allah yarham Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 15, 2012 Oba say hi to Haji Muse sudi yalaxow when u see him next time Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted November 15, 2012 lol inshallah Quote Share this post Link to post Share on other sites
walaalkis Posted November 15, 2012 One less warlord for Somalia , Whatever good or bad he has done now he has to face his almighty Allah Quote Share this post Link to post Share on other sites
SomaliNationalist Posted November 15, 2012 One less Evil for Somalia, War criminal and tratior Mohamed Dheere caused so much suffering for the Somali People from the days of USC to the Ethiopian destruction of our capital and the 16 years of looting and killing somali civilians in Jowhar and Mogadishu. Allah will revenge his victims. Quote Share this post Link to post Share on other sites