Sign in to follow this  
Abwaan

KON EXCLUSIVE: Halkee Buu Ku Dambeeyaa “Mujaahidkaan”? - Warbixin

Recommended Posts

Abwaan   

Sheekh Xasan Turki hadda xaaladiisa caafimaad aad ayay u liidataa intaasi waxaa u sii dheer waayeelnimo ka daba timid.

 

Xasan Turki hadda ma ahan nin socon kara oo wax qabsan kara, xaalada dalka ka jirtana waxbo kalama socda waa waayeel sariir saaran, sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa magaalada Kismaayo balse Kismaayo waa laga soo qaxiyay markii Ciidamada huwanta ah ay qabsadeen.

 

Keydmedia Online ayaa baaritaan ku waday Xaalada Xasan Turki mudo Sanad ah.

Mr. Turki oo aduunyada siyaanbo kala duwan ku soo qaatay ayaa hadda wuxuu ku suggan yahay degmada Baraawe halkaasoo la sheegay inuu bukaan ku yahay.

 

Qof walba marka dano laga leeyahay ayaa la rabaa, Xasan Turki waxaa jirtay in Shabaabku ay mar kool koolin jireen, waana markii ay Shabaabku doonayeen inay gacantooda soo gasho magaalada Kismaayo oo ay Axmed Madoobe meesha ka saaraan taasoo ay ugu dambeyntii ku guuleysteen.

 

Xasan Turki iyo Axmed Madoobe waa labo nin oo aad isugu dhow, misana xidid ah, balse waxaa kala geysay arrimo siyaasadeed, waloow la rumeysan yahay in Xasan Turkli uu masuul ka ahaa sababta lagu kala tagay.

 

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobbolka Shabeellaha Hoose Sheekh Xasan Turki hadda wuxuu ku nool yahay xaafad ka tirsan xaafadaha Baraawe, waana nin guur guura oo marba meeshii Shabaabka laga qabsado ka carraraya.

 

Horay wuxuu ugu dhuuman jiray dhulka howdka ah ee Raaskaambooni ee galbeedka Jubbada Hoose, balse hadda halkaasi waxaa gacanta ku haya Ciidamada Raaskaambooniyiinta oo uu khilaaf kala dhaxeeya Xasan Turki.

 

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

 

 

 

http://www.keydmedia.net/news/article/kon_exclusive_halkee_buu_ku_dambeeyaa_mujaahidkaan/

Share this post


Link to post
Share on other sites

The era of Alshabab is finish now we start second round of civil war.

 

I guess Alshabab was not bad after all , they rule the lands with no qabyaalad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this