Sign in to follow this  
khalid abuukar maxamed

Puntland residents supporting the democratic state of Puntland

Recommended Posts

Boosaaso[RBC Radio] Beesha Cawailyahan Cali Saleebaan oo kulan balaaran ku yeeshay magaaladda Boosaaso ayaa si mideysan u taageero ugu muujiyey Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyadda Puntland ee la doonayo in looga gudbo Nidaamka ku dhisan beelaha.

 

Odayaasha beesha,Ganacsatada,Culumo’udiin,dhaliny aro iyo marti sharaf kale ayaa waxay si toos ah ugu hadleen Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyadda Puntland,waxayna sheegeen beeshooda Cawilyahan Cali Saleebaan iney taageesanyihiin in gudaha Puntland laga furo ururo Xisbiyo Siyaasadeed.

 

Faarax Xasan Catoosh oo kamid ah Odayaasha beesha Cawilyahan Cali Saleebaan ayaa sheegay ay si weyn u taageersanyihiin Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiayda Puntland,wuxuuna xusay in Hannaanku yahay mid meesha ka saaraya Habkii markii horeba lagu dooran jiray madaxda ee qabiilka.

 

Halkan ka Dhagayso Codadka Nabadoon Faarax Xasan Catoosh Guji Halkan

 

Waxa uu tilmaamay in isagu uu kamid ahaa Ergadii wax ka ansixisay Dastuurka loo ansixiyey Puntland,wuxuuna wax laga Xumaado ku tilmaamay in dad wax ka ansixiyey markii horeba ay hadda bilaabeen hadalo ka dhan ah taasina ay tahay mid aan loo baahneyn ayna haboontahay in laga waantoobo talabadaas.

 

Faarax Xasan Catoosh

 

…”"” Dastuurkii lagu ansixiyey Garoowe oo anigu aan ka qeybgalay anigoo ah Odayga ugu weyn beesha oo nala siiyey Man-date ah ah inaan soo ansixino maanta oo dad ay kadaba hadleen anaga nala mid ahaa oo sidaa oo kale mandate siiyey Odayaal iyo waxagarad baa ka daba hadlay dabadeedna Shirar badan oon Isugu nimid iyagoo jooga hadda Shirkan aan joogno Culuma’udiidnkii, Ganacsatadii iyo Suldaankii beesha,

 

Suldaan Cabdilaahi Saalax Cumar”Jeenicad”" oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ka beel ahaan ay taageersanyihiin Hannaanka Dimuqraadiyada Puntland,wuxuuna xusay maadaama Puntland ay u guurtay Hannaankan ay soo Jeediyanaan inaan laga bixin laguna socdo Wadadiisa lana ilaaliyo.

 

Halkan ka Dhagayso Codadka Suldaan Cabdilaahi Saalax Cumar Guji Halkan

 

…”"”Puntland maadaama ay ka guurtay qaabkii beelaha oo Nidaamka Dimuqraadiyadda u guurtay oo waxgarad badan oo kasoo qeybgalay Shirkii Dastuurka ay ansixiyeen,waxay beesha jeceshahay inaan laga bixin balanqaadkas laguna socodo wadadiisa,lagana miradhaliyo,lana ilaaliyo….”"“ayuu yiri Suldaanku.

 

Suldaanku waxa uu sheegay in aysan marnaba kasoo horjeedin Siyaasi kasta oo reer Puntland damaciisa balse looga baahanyahay inuu furto Xisbi si Dimuqraadiyad lehna u tartamo balse uusan isku mashquulin Habka qabiilka,isla markaana muwaadin kasta laga rabo inuu soo maro Nidaamkaas Dimuqraadiyada.

 

..”"Nina damaciisa Siyaasadeed beesha kamahor horjeedo laakiin waxay jeceshahay wax burburin iyo iska horkeenid in Umad la kiciyo waa laga guuray,waxna matarayso waayo Soomaali in badan oo ay waayo arag qaadan karto ayaa soo maray,waxaan leenaha walaalayaal waan idin soo dhaweyneynaa cid ale cidii muwaadin ah ee Istaahisha iney Xukunka qabato Nidaamkas hasoo marto,Xisbi ha furato,ha tartanto,waxay dadkeeda iyo ehelkeeda oo ay bulshadeeda ka hesho haku Calool fiyoobaato,sidaasaan leenahay…..”"“ayuu mar kale sheegay Suldaan Jeenicad.

 

 

Gabagabadii ayaa Suldaan Cabdilaahi Jeenicad uu u sheegay kuwa xilka ku doonaya Habka Nidaamka beeleysan laga gudbay aanan laga yeeleyn in maatada iyo masaakiinta iyo dadka u baahan ee Puntland meel lagaga dhaco,waxaana fiican buu yiri in Qabaa’iladu wada istixraamto.

 

…”"”looma Ogolaan doono loomana dulqaadan doono cidna laga yeelimaayo maatada iyo masaakiinta iyo dadka baahan ee dhinacwalba taakulaynta uga baahan ee Puntland in lagu wararcleeyo in kaalmadooda iyo sharaftooda meel lagaga dhaco maahan qabaa’ilku waxaa fiican in ay Is-ixtiraamaan Ummaduna waxay dhigato iney Ixtiraamtaa wanaagsan,…”“”ayuu yiri.

 

Beesha Cawilyahan Cali Saleebaan kulankooda ayaa ah mid qabaa’iladda kale lagu boorinayo iyadoona uu muuqday in aysan ka leexan Hannaanka Dimuqraadiyadda ee ay ansixiyeen,waxayna iyaga qudhoodu sheegeen in habka uu yahay mid Ummadda reer Puntland oo dhan dan ah lana doonayo in lasii horumariyo.

__________________________________

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this